Xarunta Dawladda Hoose oo lagu qabtay Munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay maalinta Haweenka (SAWIRRO).

Date:

8-da Bisha Maarso ee sanad walba Haweenka ku nool aduunyadu waxay soo bandhigaan guullaha ay gaareen iyo caqabadaha la oran karo way hor taagan yihiin.

Munaasabad ballaaran oo soo qaban qaabiyey maamulka Gobolka Benaadir oo ka qeyb galeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa caawa lagu qabtay xarunta Dawladda Hoose, halkaas oo lagu soo bandhigay waxqabadka iyo aragtida haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay maalintan iyo sida ay uga go’an tahay maamulkiisu inuu gacan siiyo dumarka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo qeybaha bulshada oo dhammaantood boggaadiyey kaalinta fir-fircoon ee Haweenku ku dhex leeyihiin nolosha aadamaha.

Haweenka Soomaalida oo dhinacooda iyaguna ka xusaya maalinta 8-da Maarso ayaa waxaa iyaga u dheer duruufo adag oo noloshooda soo wajahaya sida dagaallo iyo shaqo la’aan.

Haweenka Soomaalidu waxay waqtiyadii hore iyo xilliganba lafdhabar u yihiin qoysaska Soomaaliyeed. Tiro badan oo haween ah ayaa qoysaskooda u soo saara nolol maalmeedka iyadoo ay taasina u sii dheer tahay daryeelka Ubadka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...