Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmey madax ka tirsan Dowladda Mareykanka

Date:

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Waashintong ee dalka Mareynkanka kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Mareynkanka David Malpass waxayna ka wada hadleen Arrimo badan oo la xiriira Xaaladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre iyo David Malpass ayaa kullankooda diirada ku saaray Arrimaha kor u qaadista iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,dowrka Mareynakanka kaga aadan in Soomaaliya ka caawiyo gaaritaanka hadafkeeda.

Qoraal uu Ra’iisal wasaare Kheyre soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa u qornaa sida tan” Wadahadalka aan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Mareynkanka David Malpass wuxuu ku saleysnaa Arrimaha kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dowrka Mareynkanka kaga aadan caawinta dalka Soomaaliya,”

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareynkanka John Sullivan,iyagoona ka wada hadlay qaabka lagu xoojin karo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Labada Dowladood iyo taageerida Horumarineed uu Mareynkanka siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washintong ee dalka Mareynkanka uga qeyb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) .

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku baaqay la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...