Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Dowladda Kenya (SAWIRRO).

Date:

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ku sugan Magaaladda Nairobi, ayaa la kulmay Taliyaha Ciidanka Asluubta dalka Kenya Isaya Osug, waxayna kawada hadleyn arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya.

Qodobadii ugu muhiimsanaa Labada Taliye ay kawada hadleen waxaa kamid ah siddii ay u sameyn lahaayeen iskaashi isuna dhaafsan lahaayeen khibradaha iyo aqoonta maamulka Xabsiyada, dhaqancelinta iyo tababarada guud ahaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay Akadheemiyada Ciidanka Asluubta Dowladda Kenya oo ku taalla Counting Kiambu.

Xafladda waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru KENYATTA, waxaana tababar loogu soo xiray in ka badan 3000 (saddex kun) oo askari, Ciidamadaan cusub ayaana kusoo biiray Ciidanka Asluubta Kenya, waxayna  isugu jireen Dumar iyo Rag.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa...

Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo Iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...