Marwada Koowaad ee Dalka oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Haweenka Adduunka (SAWIRRO).

Date:

Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalin oo ka qeyb galeysay munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ayaa ugu baaqday haweenka Soomaaliyeed in ay sii laba labaan dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Marwo Saynab ayaa tilmaamatey halgankii dheeraa ee haweenka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xoriyadda, dowladnimada iyo nabadeynta, iyadoona muujisay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista nolasha haweenka Soomaaliyeed taas oo asaas u ah horumar muuqda oo ay ku tallaabsadaan dhammaan shacabka.

Marwo Saynab waxa ay  ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan Bangiyada, in ay haweenka dalka ku maalgeliyaan ganacsiga yar yar oo faaiido u leh qoysaska danyrta ah.

Marwada koowaad ee dalka ayaa ku adkeysay  haweenka iyo guud ahaan bulshada in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

“Waxaan idin ka codsanayaa in aad garab igu siisaan sidii ay mira dhal u noqon lahayd dadaalka ku aaddan sidii aan daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho ugu fidin lahayn hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Marwo Saynab waxa ay xaqiijisay in dadaallada ku qotoma waxbarashada, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ay mudnaan gaar ah siineyso, iyadoona ku garab istaageysa markasta hay’adaha dowliga iyo kuwa caalamiga ah.

Munaasabaddan lagu maamusayo Maalinta Haweenka Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoonka Ururka Haweenka Qaranka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...