Home Blog Page 1352

Guddoomiyaha G/SHabeelada Hoose oo digniin u diray burcadda dhaca geysata

0

Afgooye(SONNA)Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo lahadlayay Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka hadlay dhibaatooyin ka jira inta au dhexeysa degmooyinka Walaweyn iyo Afgooye ee Gobolkaasi.

Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu in ay jiraan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi kula kacaya dadka ku safraya wadadaasi,isagoo digniin adag u diray kooxahaasi.

Guddomiye Najax ayaa ugu baaqey ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanadaasi in ay ka hortagaan falalka burcadnimo ee ku soo laalaabtay wadada isku xirtay Afgooye iyo Walaweyn ee Shabeelada Hoose.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo ka cabanaya dhibaatooyin ay kooxaha qowlaysatada ah kala kulmaan inta ay ku safrayaan wadadaasi.

Taliyaha C.X.D oo tababar u soo xirey cutubyo katirsan ururka 60-aad+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Cutubyo ka tirsan Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday labo biloood loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas  C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, tababarkan ugu soo xirey cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa xiritaanka tababarkani goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  S/gaas  Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) Abaanduulaha ciidanka Xoogga iyo Saraakiisha Madaxtooyada.

Difaaca, Asluubta, la macaamilka madaxda iyo shacabka ayaa qayb ka ahaa tababarka ciidankan la siiyay, Taliyaha Ururka 60-aad ee ciidanka Madaxtooyadda G/S,Axmed Maxamed Cali (,Afcaddey) ayaa sheegay iney dhowaan bilaabi doonaan Dufcadii saddexaad ayna mar kasta saraakiisha ciidanku u diyaarsan yihiin ciidanka dalka in laga dhiso dhan walba.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Dhalinyarada Adeega dhiig bixiyaasha ee ka howlgala Gobolka Banaadir+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Kulankaan oo Wasiirka Waarfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukumada Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow  kula kula qaatay xafiiskiisa dhalinyarada adeega dhiig bixiyaasha ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku wehlinayay agaasimaha telefeshinka qaranka, iyadoo laagu hadlayay wacyigalinta muuhimada uu leeyahay in la ogaado qofka dhiigiisa nuuca uu yahay ,sido kale  hiigsiaga dhalinayaradaan ayaa ahaa in la helo Bangiga dhiiga ee Soomaaliya oo anan shaqeyna ka dib bur burkii dalka

Axmed Cabduqadir Maxamed oo ah Gudomiyaha Gudiga dhalinayarada adeegaha dhiig bixiyaasha ee Gobolka Banadir iyo Asmo C/casiis Xasan oo ah madaxa arrimaha bulshada ayaa waxay ka hadleen muhimada adeega dhiiga iyo waxa ku dhaliyay in ay ururkaan aas aasaan.

‘’’Waxaayabaha aan dar dargelineyno waxaa ka mid qof walbo oo maanta usameysan ID oo ku qoran magaciisa nuuca dhiiigiisa iyo nambarkiisa sii loo ogaado hadii si deg deg ah loogu baahdo”Ayuu yiri Axmed Cabdiqaadir oo ah Guddoomiyaha Guddiga dhalinyarada Adeega dhiig bixiyaasha Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumada Sooomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa u mahad celiyay dhalinyaradaan waxaa uuna amaanay fikirkaan adeega dhiiga iyo sidii loo heli lahaa Bangiga dhiiga oo ay laheyd soomaaliya.

‘’’Waxaan aad ula dhacay sida ay ku bilaaben ama daraasaad ugu sameenyeen jaamacadaha iyo meelaha muhiimka ah iyadoo in la ogaado qofka nuuca dhiigiisa uu yahay iyo in la ogaado in lo baahanayahy bangiga dhiiga” ayuu yiri Eng: Yariisow.

Emmerson Mnangagwe”Zimbabwe waxaa u dhalatay Dimoqraadiyad cusub”

0

Zimbabwe(SONNA) Ninka bedeli doona madaxweynihii hore ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa bogaadiyay dimuqraadiyadda cusub ee ka dhalatay dalkaasi Zimbabwe isagoo amaanay Militariga.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii Mr Mnangagwa uu dib ugu soo laabtay dalka Zimbabwe si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay.

Waxa uu wacad ku maray in uu shaqooyin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan.

Waxaa uu sheegay hoggaamiyahan bedeli doona Mr Mogabe in uu doonaynayo in la kobciyo dhaqaalahah iyo Hormarinta Dalka.

Mr Mnangagwa, oo laba toddobaad ka hor u cararay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada maalinta jimcaha ,sida uu baahiyay TV-ga qaranka Dalkaasi Zimbabwe.

Shaqo ka cayrintii Mr Mnangagwe ayaa horseeday in ay xaaladda soo faragaliyaan militariga iyo xisbiga talada haya taasi oo ugu dambeyntii soo afjartay 37 oo uu dalkaasi ka talinayay Mugabe.

Emmerson Mnangagwe ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah oo ay xilka ugala wareegeen Mugabe.

Wasaaradda Amniga oo soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan Weerarkii Soobe+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Wasaaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay macluumaad hor leh oo ku saabsan shabakadii fulisay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Macluumaadka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa sidan u Qoran:-

Hey’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa weli sii wada baaritaannada ku aaddan dadkii loo qabtay qaarkood weerarkii 14-kii October lagu xasuuqa  boqollaal dad masaakiin ah.

Shaqsiyaadka la soo bandhigay ayaa qaarkood laga heyn sawiro,iyadoo Hay’adaha amaanka Dowladda ay sheegeen iney ku daba jiraan walina baaris ay socoto.

(Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa.

(Sawir malahan)- Cabdiweli  Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa.

 

Xasan Aadan Isaaq waxaa loo diyaariyey markii hore in gaariga NOAH-da ah uu isku qarxiyo, waana isku xirihii weerarkii Soobe, waxaa gacanta ku haya hey’adaha amniga ka hor inta uusan qarxin gaariga NAOH oo uu watay.

 

Ali Yusuf Wa’eys (Duale) waxa ay ciidanka Amniga ku qabteen isaga oo weli uusan soo gaarin dhagar-qabihii gaariga  NOAH-da waday ee la qabtay.

 

gaarigii TM-ka ee SOOBE lagu qarxiyey waxaa waday naftii halige Xuseen Aadan Maadeey (Cusmaan Xaaji) ayuu ku magac dheeraa, Hooyadiis waxaa la yiraahdaa Faaduma Cismaan Cali deggan Mareerey.

“Gaariga TM-ka waxaa la gaday 18-08-2017-ka waxaa laga gaday (Sawir malahan)- Cabdullaahi Ibraahim Xasan, wuxuu ka iibiyey Xasan Aadan Cabdullaahi “Afrax” iyadoo lagu wareejiyey Nootaayo ku yaalla gobolka Benaadir”.

ninka Milkaalaha ah Cabdullaahi Ibraahim Xasan weli hey’adaha amniga gacanta kuma dhigin laakiin waxaa la shaacin doonnaa sawirradiisa, ciddiisa soo sheegtana waxaa la siin doonaa abaalmarin ay ku faraxdo.

“gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee SOOBE isku Qarxiyey.

 

Cabdiweli Axmed Diiriye ayaa dammiintay gaariga, TM-ka laakiin ciidanka amniga ayaa diidey oo ku qanci waayey.

 

Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ah nin si weyn looga garanayey oo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa  ugu dambeyn gaariga TM-a dammiintay kaddib markii ciidanku ay ku qanceynna sidaa ayaa lagu sii daayey gaarigii.

 

Canshuur bixiyihii gaariga TM-ka waxaa lagu magcaabaa Cabdullaahi Cabdi Warsame oo hadda ku jira gacanta hey’adaha Amniga Soomaaliya.

Hey’adaha amniga Soomaaliya ayaa wada dhammeystirka xogta ama macluumaadkii ugu dambeeyey ee baaritaannada ay hadda ku howlan yihiin, si jawaabbo looga bixiyo gummaadkii Muqdisho ka dhacay 14-kii October ee 2017-ka, xogta oo dhanna dhowaan ayaad ka heli doontaan hey’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiiro ka tirsan X.F.S oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Ugaas Cumar Geele Maxamed+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameedyo ayaa waxay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo mudo 20-sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra,iisul Wasaarhii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Wasiirka Qorsheynta,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Soo dhaweynta Ugaaska kadib,Ugu horeyn waxaa warfidiyeenada  la hadlay Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari oo tilmaamay iney aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaas Cumar haddii ay yihiin Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkana inta uu joogo Muqdisho wax badan ka faa’ideysan doonaan.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Ugaaska oo mudo 20-sano ka dib dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale,Waxaa madasha soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle Maxamed ka hadlay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iney ka faa’ideysto hanaanka hogaanka uu qibrad fog u leeyahay Ugaaska maalmaha uu ku sii sugnaan doono magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii,Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo Garoonka kula hadlayay Wariyaasha ayaa marka hore u mahad celiyay dhamaan madaxda Qaranka iyo Duubabka dhaqanka sida wanaagsan ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha G.Banaadir oo la kulmay Safiirka Turkiga +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)–Guddomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaaliya Olgan Bekar.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo sida ay iskula shaqeyn lahaayeen, islmarkaana ay isaga kaashan lahaayeen waxqabadkooda ku aadan casriyeynta Magaalada Muqdisho.

Dhoianaca kale Shirka Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa shalay Galab Lagu Qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Saalax Sh Maxamed, Waxaana Goob Joog Ka ahaa Ku Xigeenada Maamulka Gobolka Benaadir, Xoghayaha Guud Subeyda Maxamed Mukhtaar iyo Gudoomiyasha 17 Degmo ee Gobolka Benaadir.

Shirka Waxa Looga Hadlay Dardargalinta Amniga Nadafada iyo Sidii Loo hormarin lahaa Magaalada Muqdisho Sida Dib u dhiska Wadooyinka.

Wasiir Isloow” Ujeedka Xeerka la dagaalanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”

0

Muqdisho( SONNA) Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa muhiimadda uu leeyahay xeerka la dagaalanka Argagixisada ku sheegay inuu yahay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada laguna xakameyn lahaa falal danbiyeedyada ka dhasha Argagixisada loona dhowri lahaa sareynta sharciga iyo Xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay Wasiir Isloow in xeerkaan uu ka kooban yahay afar qeybood oo ka kooban 37-Qodob,sidoo kale,Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in xeerkaan uu waafaqsan yahay dastuurka KMG ah,isagoo dhanka kale cadeeyay inuu xeerkaan la jaan qaadayo qaraarada la dagaalanka iyo ka hortaga Argagixisada ee ka soo baxa Qaramada Midoobay.

Wasiirka oo shalay hortagay Golaha shacabka ayaa cadeeyay in faa’idada uu xeeraan leeyahay ay tahay inuu si cad u qeexayo wuxuu yahay Argagixiso iyo fal argagixiso,wuxuuna adkeynayaa cadaalada iyo daba galka,xaqiijinta iyo cadeynta danbiyada argagixisada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ka doodeen Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin.

1:Ansixinta Soojeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018

2:Akhrinta1-aad hindise Sharciyeedka ladagaalanka Arggagixisada

3:Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Ansixinta Xeerka la dagaalanka Argagixisada ayuu muhiim u yahay sidii dalka looga cirib tiri lahaa kooxaha Argagixisada oo hadda gabalkooda uu sii dhacayo,waxaana hadda socda howgalo la doonayo in looga sifeeyo deegaanada fara ku tiriska ay ku harsan yihiin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho soo gaarey+(Sawiro)

0

Waxaa maanta Khamiis ah magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad siday Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyey

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa lafilayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka,islamarkaana uu lakulmi doono Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaari Soomaaliya,balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa shalay xarunta Golaha Shacabka ka sheegay in 23-ka bishan oo maanta ku beegan uu Muqdisho soo gaarayo Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta Baydhabo ka dhagax dhigaya Xabsi cusub

0

Baydhabo(SONNA) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaaladaasi kaga qeyb galaya munaasabad lagu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ka dhagax dhigayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhagax dhiga xabsiga cusub ee laga dhisayo magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wariyaha Warbaahinta Dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo Siraaji Sheikh Isxaaq oo ka hadlay ujeedka laga leeyahay dhismaha xabsiga cusub ayaa sheegay in baahi weyn oo dhanka xabsiga ah ay ka jirto deegaanada Koonfur galbeed,islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo isagoo lugta soo mariyay meelo badan muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baydhabo gaar ahaan xarumaha maamulka uu ku shaqeeyo.