Home Blog Page 1352

Ciidanka Xoogga dalka oo degmadda Galdogob kasoo qabtay Nin Gaalkacyo ku dilay Qof Rayid ah.

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guulwade oo dhowaan Taliyaha CXD uu ka aas-aasay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, ayaa maanta gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle C/raxmaan oo 12 February 2018 Gaalkacyo ku dilay Qof rayid ah oo lagu Magacaabi jiray Hanad Jaamac Faarax.

Ciidanka oo howlgal lagu baadi goobayo Abshir Cabdulle muddooyinkii u dambeeyey waday, ayaa gacan ku dhiiglahaan kasoo qabtay Degmadda Galdogob oo dhinaca galbeed ka xigta Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo in muddo ah uu ku dhuumanayey.

Taliyaha Ururka Guul wade Korneel Cabdi Xukun, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey qabashada gacan ku dhiigle Abshir Cabdulle, isaggoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeni doono Cadaaladda.

Tababar lagu baraneyey hanaanka sharci qorista iyo farsamooyin kale oo Muqdisho lagu soo gabogabeeyey (Sawirro).

0

Xiritaanka tababar socday 5 maalmmood oo lagu baranayay hanaanka sharci qorista iyo farsamooyin kale oo muhuiim ah, kuna saabsan arrimaha caadaladda, ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyaddo loo qabanayay shaqaallaha Wasaaradda cadaaladda iyo kuwa Maamul goboleedyadda dalka.

Qaar ka mida xubnaha matalayay Maamul goboleeydda dalka, ayaa ugu horeyn ka hadalay waxyaabaha ay ka barteen tababrkaan, islamarkaana uga mahad celiyay Wasaaradda Cadaaladda oo u suura galisay in ay ka faa’iideystaan tababar noocaan oo kale ah.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan xuseen Xaaji, ayaa sheegay in wasaaradda qorshaheedu yahay tayeynta iyo sare u qaadista shaqaallaha Wasaarada iyo kuwa maamul goboleedyadda.

Dhowaan ayey aheyd markii Wasaaradda Cadaaladda ay heshiis la saxiixatay kuwa maamul goboleedyada, islamarkaan lagu hishiiyay siddii sare loogu qaadi lahaa tayada shaqaallaha Wasaaradaasi, kuwaas oo looga baahanyahay in si waanagsan uga shaqeyaan cadaalada dalka.

 

Cabdi-Xaashi oo qaabilay Michael Keating (Sawirro).

0

Kulankaan ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxay uga hadleen dastuurka iyo howlaha aqalka sare.

Kulanka oo saxaafadda dibad joog ay ka ahayd,ayaa  markii uu soo gaba-gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay habdhooraha Golaha Aqalka sare ee  baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Kaafi Macalin Xasan, waxa uu sheegay in arrimaha dastuurka iyo furitaanka fadhiyada aqalka sare  looga hadlay kulanka, iyaddoo Ergayga gaarka ee Q.M ee  Soomaaliya ay tahay markii 3aad ee kulan uu la qaato Guddoonka Golaha Aqalka sare.

Dhinaca kale Xarunta Golaha Aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa kulan ku lahaa xubnaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka  JFS, iyaddoo kulankaasi uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole mudane Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxaana laga doodayay oo qodob qodob loo dul istaagayay qabyo qoraalka dastuurka,  kulankana waxaa ku sugnaa xubno ka socday dowlad goboleedyada oo xubno ka noqonaya  guddiga sida warbaahinta uu u sheegay Sen, Xuseen Sheeq Maxamuud xoghayaha guud ee guddiga la socodka iyo dib u eegista laba gole baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

 

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Eng,Yarisow oo sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo sidii shacabka loo siin lahaa awoodda dowladnimada (Sawirro).

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay tartanka Cayaaraha dugsiyada degmada Hodan, isagoo ku boorriyey in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo horumarinta caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dhalinyaradu ay yihiin kuwa ugu badan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aragtidooda iyo hamigooda loo isticmaali doono sidii mar kale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd, magaalada Muqdisho na u noqon lahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda iyo amniga badan Caalamka.

Eng. Yarisow waxuu sheegay ka sakow muhiimadda uu Isboortigu u leeyahay isdhexgalka bulshada, in tani muuqaal cad ay ka bixinayso sida magaaladu uga soo kabanayso dhibaatooyinkii ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana ay maamulkiisa cusub ku dhiirigelinayso inuu dhabaha u furo bulsho isku duuban oo ka fekereysa mustaqbalka horumarka dalkooda.

“Waxaan naga go’an horumarinta degmada iyo xoojinta Isboortiga oo laf-dhabar u ah bulsho isku duuban. Degmada Hodan waa xaafaddii aan ku koray waxna ku soo bartay aad ayay ii farxad gelinaysaa inaan mar kale arko shacabkii aan jeclaa oo maanta hortayda taagan wajiyadoodana ay ka muuqato farxad iyo rajo weyn”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo talada in loo dhaweeyo shacabka si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalkooda, taasina lagu gaari karo marka la helo shacab isku duuban oo leh hal aragti.

Xafladda daah furka tartanka cayaaraha dugsiyada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool degmada Hodan ee gobolka Benaadir.

Shirkii u dhaxeeyey Booliska Federaalka iyo kuwa goboleedyada oo Bay-dhabo ka socdo (Sawirro).

0

Waxaa maalintii Labaad galay Shirkii ka socday Magaaladda Baydhabo ee u dhaxeeyey Booliska Federaalka, kuwa dowlad goboleedyadda iyo Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaraddaha dhigeeda ah ee Maamulada dalka ka jira, waxaana shirkaasi diiradda lagu saarayaa arrimaha ammaanka dalka.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo kulankaasi shir guddoominaya ayaa kulanka kadib booqasho ku tagay dhowr Xarumood oo Booliska Magaaladda Baydhabo ay ku sugnaayeen, waxaana kormeerka ku wehliyey Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saraakiil kale.

S/guuto Mukhtaar Xuseen Afrax, Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Abaal marino Lacageed guddoonsiiyey qaar kamid ah Ciidanka ku sugnaa Xarumaha uu booqashada ku tagay, taasi oo ah mid lagu dhiiri gelinayo Ciidanka, si ay u laba jibaaraan Shaqada culus ee Qaranka ay u hayaan.

 

Maamulka Degmada Heliwaa oo faah faahin ka bixiyay dab ka kacay Suuqa Xoolaha (Sawirro).

0

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa faah fahin ka bixiyay dab xalay saqdhexe ka kacay dukaamo ku yaalo xaafadda Suuqa Xoolaha, kaasi oo geystay qasaare hantiyeed oo aad u balaaran.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Dab xoogan ayaa ka kacay Dukaaman ku yaala Suuqa Xoolaha abaaro 12:00 am saqdhexe, waxaana Alle nagu guuleysiiyay in aan damino dabka Tobankii ama Afartii iyo bar Habeenimo (4:03am), waxaana gubtay ilaa iyo sagaal dukaan, kaasi oo ka bilowday dabka koronto”.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa xusay in dabka uu geystay khasaaro hantiyayeed oo aad ubalaaran, waxaana uu intaa ku daray in guddi isugu jira ganacsato iyo maamulka degmada uu u saaray inay soo qiimeeyaan waxyaabaha uu ka dhashay dabka iyo qasaaraha dhabta ah ee uu geystay.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa Alle uga baryay ganacsatadii ku hanta beeshay in uu badal kheyr qabo siiyo, isagoo u mahadceliyay dhamaan intii kala qeyb qaadatay daminta dabkaas oo qaatay waqti aad u dheer.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ugu baaqay shacabka in ay is garab qabtaan marka ay dhacdo musiibo nuucaani oo kale ah., si loo yareeyo qasaaraha.

Gurmadka doonidii kusoo caariday Xeebta Boosaaso oo meel wanaagsan maraysa (Sawirro).

0

Dekedii macmalka aheyd ee Magaaladda Boosaaso oo laga barbar dhisayey dekeda weyn, ayaa iminka umuuqata mid gabogabo ah, waxaana suurta gashay in la gaaro halka ay kusoo caariday doonida.

Ganacstada Shacabka boosaaso iyo Dowlad goboleedka Puntland, ayaa iska kaashanaya qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo doonida xafiis oo Uraran ganacsato soomaaliyeed, taasi oo sababtay in la hirgeliyo dekedan macmalka ah.

inkastoo ay aad u liidatay rajada laga qabay in la badbaadiyo Hantida saaran doonida 7aad ka hor hadana waxaa muuqata in Qorshaha lagu samatabixinayo hantida saaran doonida xafiis uu gabgabo yahay.

Gurmadkaan oo loo kala harin ayaa maraya halkii ugu dambeeyey Haweenkuna Doorkoodii may gabin oo cuntada iyo cabitaanada ayey samaynayaan ‘ Waxaana gaadiidka dhulka iyo dadkuba iminka ay gaari karaan halka ay taallo doonida Xafiis oo Dekedda boosaaso u dhow.

Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland oo wasiiradda Amniga iyo Dekeduhu ay ku jiraan ayaana maalmo ka hor boggaadiyey shaqada ka socota xeebta xilli ay kormeer ku tageen goobta laga dhisay dekeda macmalka ah.

In kastoo rajo laga qabay in la dejiyo hantida saaran doonida galabnimadii khamiista hadana badda oo kacsan darteed waxaan dib loogu dhisay maalinimada berito oo jimce ku beegan, Hantida doonida saaran ayaana isugu jirta Gawaari Qalab dhisme iyo bagaash.

 

 

SONNA

Maxamed Muuse Tarsan Sonna Boosaaso.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo is casilay..

0

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo maalmahan danbe cadaadis dhanka Siyaasada ah heystay ayaa Habeenkii Arbacada khudbad Qaran uu ka jeediyay Telefishinka  ku dhawaaqay inuu is casilay.

Madaxweyne Zuma ayaa heystay Cadaadis uga imaanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

“ Waxaan halkaan  u imid go’aan ah inaan is casilo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu Mr. Zuma ka sheegay magaalada Pretoria.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.

Ku-xigeenka madaxweynaha dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo isagana dhawaan la doortay ayaa la filayaa inuu noqdo siihayaha madaxweynaha maanta oo khmaiis ah.

Waxaana madaxweyne cusub lagu soo dooranayaa 30-cisho gudahood,balse Wasiirada howlahooda wey sii wadan doonaan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay iney xoogga saari doonaan dhismaha iyo Tayeynta Ciidanka Cirka (Sawirro).

0

Munaasabad  loogu Dabaaldageyay Sanadguuradii 58-aad ee Ka soo Wareegtay Aas aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka,islmarkaan ay ka qeyba galeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Qaarkamid ah Taliyaashii Hore ee CXD Saraakiil katirsan Cidamada Xoogga Dalka kuwa Booliksa ayaa Lagu Qabtay Xarunta Cirka ee Maqaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Waxa ay Salaan Sharaf ka qaateen Cutubyo katirsan Cirka ee Xoogga Dalka.

Ugu horeyn ayaa waxaa Munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali (Dable-Beyloot), wuxuuna ku dheereeday ka sheekeynta Taariikhda ay leeyihiin Ciidanka cirka iyo marxaladihii kala duwanaa ay soo mareen.

Wuxuu sheegay Taliyaha in marxalado kala duwan uu soo maray Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka,islamarkaana uu saameyn ku yeeshay bur burkii dalka soo maray,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in Ciidanka Cirka hadda uu marayo meel wanaagsan oo u baahan in horay looga sii dhaqaajiyo.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali Dable-beylood ayaa ugu baaqay madaxda Qaran iney waqti u huraan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Ciidanka Cirka.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ka Hadley Munsabada ayaa Hambalyo U direy Dhamaan Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa u mahad celiyay Taliyaha Ciidanka Cirka iyo kuwii ka horeeyay oo uu ku amaanay iney meel wanaagsan soo gaarsiiyeen Ciidanka cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Generaal Gorod,in ciidanka Cirka saameyn uu ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka Soo maray,islamarkaana waqti iyo waayo fiican uu soo maray hadana uu joogo meel laga sii dhaqaajin karo.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan Musrsal oo gaba gabadii munaasabadda Ka Hadley ayaa Muujiyay in Dowladda ay Xooga Saari Doonto Dhismaha iyo tayeynta  Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh C/raxmaan Mursal ayaa sheegay iney u istaagayaan sidii dib u dhis xooggan ugu sameyn lahaayeen Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Cirka ee xoogga dalka.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadguurada xigta la gaari doono iyadoo sida hadda laga qurux badan yahay.

Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la aas aasay bishii February 15,sanadkii 196Okii,waxaana hadda laga joogaa 58-sano.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degmada Kurtunwarey..

0

Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM ayaa howlgal qorsheysan oo lagu bur buriyay saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Weerarada iyo Qaraxyada dadka ay ku dhibaateeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ayaa shalay gelinkii danbe waxay howlgal ka dhan ah Kooxda Nabadiidka Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kurtunwarey iyo nawaaxigeeda.

“Ciidamada Xoogga dalka waxay galeen degmada Kurtunwarey,waxayna bur buriyeen saldhigyo Shabaabka ay lahaayeen  oo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo weerarada dadka ay ku dhibaateynayaan, “ ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ibraahim Aadan Najax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii ay Ciidamada Xoogga dalka ay ku soo guuleysteen howlgalkii Qorsheysnaa ay ka fuliyeen degmada Kurtunwarey iyo nawaaxigeeda dib ugu soo laabteen fariisimihii markii hore ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidan oo kale horay howlgalo qorsheysan uga fuliyay qeybo ka mid ah dalka oo ay ku sugaanyeen Maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasoo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab,iyadoona lagu bur buriyay saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada.