Munaasabadda Midaynta xildhibaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu qabtay Dhuusomareeb ( Sawirro)

Date:

Magaalada Dhuuso-Mareeb ee xarunta Galmudug ayaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay Xildhibaanada maamulki Ahlusuna uga mid noqonaya Baarlamaanka Maamulka Galmudug,si loo dhaqangeliyo  heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa madaxda maamulka Galmudug iyo xildhibaanada la isku daray,kuwaasi oo tiro ahaan gaaraya 178-xildhibaan oo ah guud ahaan Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Shiikh  Max’ed Shaakir Cali Xasan ayaa si wada jir ah u saxiixay Liiska xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo khudbad ka jeediyay munaasabadda isku dhafka labada dhinac ee xildhibaanada ayaa kula dardaarmay Baarlamaanka Galmudug in ay ka shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa deegaanada Galmudug.

Madaxa Xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa tilmaamay in lagu guuleeystay isku dhafka xildhibaanada ayna tahay horumar lagu talaabsaday,isagoo dhiirigeliyay midnimada iyo wada jirka Galmudug.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa xusay in tani tahay dhameystirka heshiiska labada Maamul islamarkaana ay qayb ka qaadan doonto nabadeynta deegaanada Maamulkaasi,wuxuu kaloo sheegay madaxweyne Xaaf in Galmudug ay cagta saartay dhabihii horumarka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...