Home Blog Page 1353

Ra’iisul Wasaar Khayre “Waxaa la furayaa jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Baydhabo ayaa ku baaqay iney dadku ka qeyb qaataan dagaalka looga xoreynayo shabaab dhulalka kooban ee ay maamullaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la isku furi doono wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydbao, si deegaanka looga saaro go’doonka. isagoo tilmaamay kooxaha shabaab dhibaatada ay wadaan darteed uu maamulku u guuri la yahay xaruntiisii Baraawe.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

–DHAMMAAD—

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda oo u Hanbalyeeyey Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland

0

Muqdisho, 22 November,2017—-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland.

Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee

–DHAMMAAD–

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo dhagax dhigay dhismaha  Xarunta degmadda Gaalkacyo “Sawirro”

0

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Puntland, ayaa maanta dhagax dhigay xarun la doonayo in ay ku shaqeeyaan Maamulka dagmada Gaalkacyo ee Puntland, dhismaha xaruntaan ayaana Qeyb ka ah Mashaariicda horumarineed ee ay wasaarada maaliyadda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ka wado GobaladaDalka.

 

Munaasabada Dhagax dhiga xarunta Degmadda Gaalkacyo ee puntland, ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Duqa dagmadda Galkacyo, Maxamuud Yaasiin  Axmed Tumeey, waxaana uu sheegay in ay aadugu faraxsan yihiin in loo dhiso xarun cusub oo uu yeesho maamulka degmadda, maadaama tii horay ay ugu shaqeeyn jireen ay ku bur burtay weerar kooxda argagixisidaa ee Al shabaab ay ku qaadeen xaruntoodii iyo goobo ay lahaayeen dad shacab ah, isagoona sidoo kale uga mahad celiyay dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya dadaalka ay wado.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane  C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow, ayaa ugu danbeyntii goobta dhagax dhiga kula hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in dhismaha xarunta dagmada Gaalkacyo ee Puntland ay qeyb ka tahay mashruucyo horumarineed oo ay wasaaradda Maaliyadu ka wado qaar ka mid ah Gobalada Dalka

wasiirka, ayaa ugu baaqay dhalinyarada reer galkacyo in ay hormuud ka noqdaan sara u qaadista horumarka iyo ammaanka Gobolka Mudug.

 

 

 

Shirkad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed

0

DUBAI(SONNA)Adeegga caalamiga ee maal gelinta yar yar ee  Kaah (KIMS) ayaa loo magacaabay ku guuleystaha abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed (EFICA AWARD) ee wareegga 2017, taasoo ah abaal marin sanadeed aad u sharaf badan oo ay isla qaban qaabiyaan Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi (ADIB).  Abaal marinta ayaa lagu aqoonsadaa “xalka ugu wanaagsan ee la fullin karo horumarinta dhaqan wanaagga maaliyadeed ee caalamiga ah”

Seddexda isu soo hartay ee kala ah shirkadda maamulka hantida ee Arabesque ee fadhigeedu yahay Ingariiska, (UK-based asset management firm Arabesque), sanduuqa keydka howl gabka ee Malaysia (Malaysia’s retirement savings fund) iyo Kaah International Microfinance Services (KIMS) ayaa guddi ka kooban khuburo anshaxa maaliyadeed ka dhax doorteen in ka badan boqol tartame oo ka kala yimid dhamaan daafaha dunida.

Kadib markii la dhageystay daawadayaal 450 ah oo kasoo qeyb galay xaflada casha sharafta ah ee EFICA Gala, waxaa codka aqlabiyadda ee kasoo qeyb galayaasha ku guuleystay KIMS, iyadoona heshay abaal marinta ugu sareysa ee Boqol kun oo doolar ($100,000).

KIMS waa hay’adda kaliya ee gaarka loo leeyahay oo si xirfadaysan uga shaqaysa bixinta adeegga maal gelinta yar yar, iyadoona ganacsiyada yar yar ee Soomaaliyeed siineysa maal gelinta iyo keydinta yar yar ee mas’uuliyadda ku dhisan; isla markaana shareecada waafaqsan.

Tan iyo markii la bilaabay 2014kii, waxey KIMS maal galisay 8,000 oo Soomaali ah oo isugu jira qaxooti soo laabtay, barakacayaal gudaha lagu bara kiciyay  (IDPs) iyo qeybo kale oo halis ugu jiray in ay dalka uga tagaan shaqo la’aan u fidisay maal gelin noloshooda wax ka badashay oo gaareysa $8 million.

Isagoo faallo ka bixinayo ku guuleysiga abaal marinta EFICA, Guddoomiyaha KIMS mudane Mustafa Ali, ayaa wuxuu yiri “waan ku faraxsanahay in dadaaladeena aan ku caawineyno dadka ugu nugul Soomaaliya caawa la aqoonsaday. Abaal marinta EFICA ee KIMS waxey aad muhim ugu tahay cadeynta in aan ku taaganahay wadada saxda ah, waxeyna nagu dhiiri gelineysaa in aan sii ballaarino dadaalkena”

Justin Sykes, oo xubin ka ah guddiga maamulka ee KIMS ayaa ku amaanay qaban qaabiyeyaasha EFICA Award in ay kor u qaadeen mabaadi’da anshaxa iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed, wuxuuna yiri “ ku guuleysiga abaal marintan waxey ka tarjumeysaa aqoonsiga sii kordhay ee baahida loo qabo xalalka mudada fog ee ku saleysan suuqa ee wadamada nugul iyo kuwa khilaafaadku saameeyay.

Wuxuu barnaamijka KIMS ee maal gelinta ganacsatada yar yar iyo kuwa dhax dhaxaadka ah (SME) awood u siiyay bulshada nugul in ay noqdaan jilayaal dhaqaale. KIMS ayaa sii wadi doonta sare u qaadida awoodeda waxeyna kordhineysaa adeegyada maaliyadeed si ay shacabka Soomaaliyeed ugu xaqiijiso in ay helaan ilo dakhli oo waara”.

Cabdullaahi Cawad oo ah Agaasimaha Maamulka KIMS ayaa yiri “ Sharaf ayey noo tahay in aan ku guuleysanay abaal marinta EFICA, waxaana Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi  uga mahad celineynaa fursadda ay kusoo bandhigeen adeegyada maaliyadeed oo casriga ah oo lagu hogaaminayo mabaadi’da dhaqan wanaag ah isla markaana lagu kicinayo dadka ugu nugul faqriga laguna abuurayo dib usoo kabasho dhaqaale”.

Inta lagu guda jiray abaal marinta EFICA AWARD, KIMS waxey soo bandhigtay qorshaheeda ay wax ugu qabaneyso dadka dhaqaalohoodu hooseeyo oo ay ka mid yihiin qaxootiga ku soo laabtay dalka guud ahaan gaar ahaana magaalo xeebeedka Kismayo ee koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ka yimid xerada qaxootiga UNHCR ee Dadaab iyagoo intooda badan labaatameeyo sano dalka ka maqnaa.

KIMS waxey xaqiijisay in lacagta abaal marinta EFICA AWARD ay u adeegsan doonto in ay tababaro iyo maal gelino nolosha wax ka badala ku bixin doonto si ay 100 qof oo dheeraad ah ugu caawiso in ay bilaabaan mashaariic ganacsi.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Baydhabo ‘Sawirro”

0

 

Baydhabo (SONNA), 21 November, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

 

–DHAMMAAD—-

 

R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baydhabo

0

Muqdisho(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo.

Ujeedad socdaalka Raiisul Wasaare Khayre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo,oo uu kula kulmayo bulshada iyo waxgaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi

 

Ku xigeenka G.Banaadir oo xariga ka jaray Dugsi lagu baranayo Computer-ka +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)–Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gbolka Benaadir Cabdullahi Cilmi Xaaji Ereg ayaa Maanta xariga ka jaray Qeyb ka mid ah iskuulka Macallin jaamac oo lagu baranayo Xirfada computerka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa suura galiyay Hey,adda help yateem, waxaana lagu wadaa inay ka faa iideysan doono Caruurta Agoonta ah iyo Caruurta an awoodin in ay iska Bixiyaan Waxbarashada.

hadal halkaasi laga soo jeediyay ayaa Madaxdii ka hadashay waxay dul joogsadeen sida uu Dugsigan uga faa’ideyn doono dhallinta soo koreysa, gaar haan kuwa tabarta daran iyo aqoontaba.



Emirson Mnangagwa oo loo dhaarinayo xilkii uu katagay Robert Mogabe

0

Wixii ka dambeeyey iscasilaadii Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe Robert Mogabe waxaa sii kordhayay dabaal degyada ay sameynayaan dadweynaha wadankaasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin wareejinta Awoodda oo uu sameeyay madaxweyne Mogaabe.

Xalay ilaa iyo maanta magaalooyinka waaweyn ee Dalka Zimbabwe waxaa ka soconaya dibadbaxyo nabadeed oo siweyn loogu soo dhaweynayo go’aankii Mogabe uu qaatay,xili ay jireen xisado siyaasadeed iyo cabsi dadku ay qabeen,waddooyinka magaalada Haraare ee xarunta Dalkaasi waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay inuu iskii u gaaray go’aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Waxaa uu horey u diiday Mugabe in uu xilka iska casilo, ka dib markii ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore,waxaana ilaa xiligaasi soconayay dadaalo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa kacdoonka siyaasadeed ee taagna,kaasi oo ugu dambeyntii soo gunaanuday iscasilaadii Madaxweyne mogabe.

Theresa May oo ah Ra’iisul Wasaarah Britain ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.

Sidoo akle Waxay sheegtay in Britain oo ah “saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe” in uu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe.

Madaxweynaha xilka ka degay ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.

Waxaa lafilayaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi si KMG ah Emirson Mnangagwa oo ah ku xigeenkii Robert Mogaabe oo horey xilka looga ereyay.

Beegsiga Horjoogayaasha Alshabaab Waa dabar Go’ooda.

0

Muqdisho (SONNA) Kooxda Alshabaab oo ah koox ka inxiraaftay Diinta Islaamka iskana dhaadhicisay in ay kaligood Muslim yihiin, Soomaalida kalana u haysata dad gaalo ah ama ka ridoobay Diinta Islaamka waxay dalka Soomaaliya lagu arkay markii ugu horaysay sagaashameeyadii.

Waqtigaas waxay ahaayeen in la tirin karo oo gacmaha lagu soo qabqaban karo, haddii lagu dhaqaaqo, laakiin awoodooda xoogga leh waxay la soo baxeen, waagii Maxkamadaha  2006dii.

Waagaas waxay isku dhex qarinayeen Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee la hirgaliyey dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Iyaga oo ku dhex jira maxkamadaha oo la moodayo in ay maxkamaduhu hal hogaan oo kaliya leeyihiin ayay hoosta ka samaysteen hogaan iyaga u gaar ah.

Taasna waxaa daliil u ah markii ay soo saareen Amaro ad-adag oo aan ka soo baxin Maxkamadihii markaa jiray sida Qaadkii ay kaligood ku gubeen meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Markii la iska waraystay arintaas iyo cidda fulisay amarkaasna waxay si cad oo bareer ah u sheegteen kooxdaan in ay ka madax banaan yihiin Maxkamadihii Islaamiga mana kawar hayn kooxdaan mayalka adag ee sida tooska ah uga amar qaadanaysay dad aan u dhalan dalka soomaaliya oo horay u soo gubay kuna soo caasiyey dalalkooda, dhuumaalaysiga iyo gabaadkana ka soo raadsaday dalkeena.

maalmo ka dib waxay kooxdaani biloowday ugaarsiga ka taqaluska dadka wax galka ah ee Soomaaliyeed kana soo horjeeday mabda’ooda Xaaraanta ah ee ku dhisan gaalaynta dadka Muslimka.

waxay dilal qarsoodi ah oo abaabulan ku sameeyeen dadka u shaqeeya dawladda, saraakiisha ciidanka kuwooda aqoonta milatari leh, aqoonyahanka ummadda, Odayaasha dhaqanka ku adadag iyo cid kasta oo ay is yiraahdaan waxa garan kartaa ujeedooyinkiina.

Waxaa la dilay dad wax u tari lahaa dalkaan haddii ay noolaan lahaayeen, waxay mooraduugeen in badan oo dhaqaale ku filan haysatay, iyaga oo ugu been hawaasaya in dalka soomaaliya ay ka hirgalin doonaan dawlad islaam ah, midkii iska diida fikirkoodaas oo ka dhaga adaygana si sir ah ayay u dileen, kii ka baqay in uu faqriyo wuxuu isaga cararay dalka oo dhan.

Gumad iyo xaalufin kasta oo ay dalka iyo dadka u gaysteen kooxdaan qawlaysatada ah lama waayin weligeed dad kale oo soomaaliyeed oo rayid iyo ciidanba isugu jira oo ka horyimaada mabda’ooda dad laynta iyo boobka ah iskana celiya in kasta oo aan guul laga gaarin kooxdaas dhiigyacabka ah ee inta badan ku dhuunta magaca diinta islaamka.

Waxaa xaqiiq ah in ay kooxdaani ay yaambo iyo katarabiil ay ka dhigteen dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan wax la barin iyo dad waawayn oo maangaab ah iyo qaar kale oo nolosha lagu ciririyey waqtigii dagaalada sokeeye oo uun alshabaab u raacay in ay aargutaan oo kaliya.

 

Waa Marag ma doonto in qaar ka mid ah soomaalidu ay eedeen taageeradii indhal’aanta ahayd oo ay taageereen Burcad diineedka alshabaab oo meel dadka lagu dhaco ka furtay goobaha ay ka taliyaan Kooxdaan ka soo horjeedda dadnimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed, ka dib markii la wiiqay awoodooda dib ugu soo laabtay kuwii aqoonyaridooda ku taageeray si ay ula cunaan wixii ay haysteen, ugu dambayntiina ka dhigay dad cayr ah oo maanta gobolada dalka iyaggoo waxba heysan ay joogaan.

Hadda ayay dadkaasi ogaadeen in Alshabaab aysan ahayn dad la ah walaal kuwa soomaalida ah ee ku dhex jirana aysan ahayn dad la walaal ah, waase goor ay xeero iyo fandhaal ka dhaceen oo aan waxba loo qaban karin.

Hadda waxaa meelo ay ku dhuumaalaystaan oo dalka ka mid ah ka socda Beegsi qurux badan oo aan waxba lagu yeelaynin dadka weli ku hoos nool Alshabaab, oo uun lagu dilayo Amiirada iyo horjoogayaasha Kooxda, arintaas oo ay fulinayaan Cutubyo ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed iyo dalalka Saaxiibada la ah oo daqiiqad iyo saacad kasta lagu qaarjinayo xubno sar sare oo qawlaysatada Alshabaab ka tirsan.

Qaar laga soo qabtay iyo qaar kale oo iska soo dhiibay oo u waramay warbaahinta ayaa laga soo xigtay in lagu qalday Diinta islaamka oo aysan aqoon fara badan u lahayn islamarkaana ay run moodeen, waxay intaasi raaciyeen in ay maanta ka shalaayayaan wixii ay Soomaalida kale u gaysteen.

Waxaa hubaal ah in laynta maanta lagu hayo Alshabaab iyo weerarada isdaba joogga ah oo ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed wuxuu noqon doonaa mid looga adkaado qawlaysatada Alshabaab isla markaana ay mahadin doonaan soomaalida oo dhan.

Waxaan marnaba la iloobi doonin Baaqii Dhaxal galka ahaa ee Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ka dib markii uu ka xumaaday dhacdadii  14kii octoobar ee  alshabaab  ay naftooda ku gooyeen in ka badan 400 oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, baaqaas oo ahaa mid uu madaxweynaha si cad uu ugu sheegay in kooxdaas iyo falalkoodaan loo sii dul qaadan doonin dagaal midaysana ay ku qaadi doonaan dawladda iyo dadka Soomaaliyeed iyaga oo aan u kala harin.

W/D:- Tifaftiraha wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA