Home Blog Page 1353

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda oo Dhagax dhigay MCH-ka degmada Wadajir (Sawirro).

0

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa maanta dhagax-dhigay MCH ka degmada Wadajir, iyadoo ay ka qeyb galeen munaasabadda dhigax-dhigga maamulka iyo bulshada degmada.

MCH-kan ayaa marka uu dhamaado dhismihiisu wuxuu bixinayaa daryeelka hooyada ka hor iyo kaddib dhalmada, waxuna noqon doonaa xarun si buuxda ugu qalabeysan bukaannada haweenka ah oo ay muddo dheer baahi weyn u qabeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii wadidda in ay ka shaqeeyaan caafimaadka dadka ku nool Caasimadda, si loo buuxiyo baahida ballaaran ee ka jirta dhinaca Caafimaadka.

“Xaruntan waxaa ay faa’iido weyn u tahay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku nool degmada Wadajir , Dhibaatooyinka ka jira dalka waa ay badan yihiin, balse qaybaha dhibaatada ugu weyn soo gaartay waa caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgelyada. Waxaan aaminsanahay in shakhsi waliba uu dowr ka qaadan karo wax ka qabashadooda”.Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Tuulax.

Hirgelinta isbitaalka haweenka iyo caruurta u gaarka ah ayaa ka dhigan tallaabo loo qaaday dhinaca wanaajinta caafimaadka dadka nugul oo baahi weyn u qabeen bulshada magaalada Muqdisho.

Maxamuud C/llaahi Siraaji oo ku guuleystay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka…

0

Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalaad Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Siraaji oo la dhashey Ex. Wasiir Cabaas Siraaji.

Waxaa uu heley Maxamuud C/llahi Sheekh Siraaji codad gaaraya 50-cod, taasi oo fursad u siisay in uu ku guuleysto buuxinta kursigasi ka bannaanaa Golaha SHacabka.

Waxaa kursigaasi kula tartantay Gabar lagu magacaabo Fardowso Xuseen Maxamed oo aan helin wax cod ah,iyadoo mid kamid ah codadkii la dhiibtay uu halaabay.

Fardowso Xuseen Maxamed ayaa sheegtay in ay aqbashay qaabka ay u dhacday doorashadaasi,islamarkaana soo dhoweeysay.

Dhanka kale Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday qaab cadaalad ah,islamarkaan uu kamid ahaa 4 kuraas oo ka bannaaneyd Golaha Shacabka oo mid kamid ah Jowhar dhowaan lagu doortay,halka 2 kalena Muqdisho iyo Galmudug lagu qaban doono.

Eng:Yariisoow “Looma Dulqaadan karo in dhulalka danta guud lagu tagri falo”

0

Bulshada ku nool Gobolka Banaadir ayaa xaflad soo dhaweyn u sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalda Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) iyo Maamulkiisa.

Xafladaan ayaa waxa ka soo qeyb galay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya, Wasiiro, Odayasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo ka hadlay xafladda ayaa uga mahadceliyay bulshada Gobolka Banaadir sida ay u garab taaganyihiin Maamulkiisa waxa uuna ka codsadey in wadashaqeynta la sii xoojiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa u balan qaadey in Shacabka reer muqdisho ay ka caawin doonaan waxyaabaha ay tabanayaan.

ugu danbeyntii Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa sheegey in aan loo dul qaadan karin Dhulalka Danta Guud ee sida Sharci darada loo dhisanaayo Maamulkiisane uu wax ka qaban doono.

Ra’iisulwasaaraha Xukumada Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Faransa u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayay mas’uuliyiintu ka wada hadlayn xoojinta iyo wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga qayb qaadan lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka guud ee wadanka.

Safiirka Faranse u qaabsilsan arrimaha Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay horumarka ay samaysay mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha mudada dheer lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado wadamada horumaray hadii laga cafiyo daymaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo dardargalinta arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin Maaliyadda, Amnigg,a la dagaalanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.

“Soomaaliya uma baahana oo kaliya in lagu taageero lacag, balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi lahaa daymaha. Sidoo kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo jidad casriya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladda ay ku dadaalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka,waxuuna u soo jeediyay in dalka Faransa uu qayb muhiim ah ka qaato sidii dunidda loo tusi lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu caalamku uu maalgashi uga samaysto Soomaaliya.

ergo ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika oo uguurgalaayo nabad muqdisho ka jirta

0

Xubno ka socda waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nadab ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxanay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.

Xubanahan Socdaalkooda waxay diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray , caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.

 Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose oo ka warbixiyey Howlgalo maalmaahaani socdey

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen Gobalka Shabeelaha Hoose, isagoona sheegay in cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab lagala wareegay deegaano dhowr ah, sidoo kalena la burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Dhibaateynta shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalada ay ku socdaan si xawli ah, Nabad diidka Al shabaabna ay cabsi xoogan ka qabaan Ciidamada Xoogga dalka, isla markaana ay ka cararayaan deegaankii ay ciidanka ku dhaawadaan

“Markey maqlaan in ciidanka uu soo socdo iyaga ayaa cararaya tabar iyo naf ay leeyihiin malaha, aad ayay u liitaan, mana awoodaan inay u babac dhigaan awooda ciidamada xoogga dalka, ciidamada xalay waxay ku sugnaayeen Tuulada Deemaay ka dib markii ay ka ruqaansadeen degmada Sablaale oo shalay ay gacanta ku dhigeen ciidamada xoogga dalka”

Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in Howlgalka qorshahiisa koowaad uu yahay in la burburiyo Saldhigyada cadowga, isla markaana la xaqiijiyo amniga meelaha laga saaro Al shabaab.

“Howlgalka qorshahiisa koowaad waxa waaye in la burburiyo Astaamaha iyo Saldhigyada Cadowga goobaha laga ceyriyo, oo ciidamada ay xaqiijiyeen amniga halkaasi, awooda cadowga halkaas ku leeyahay in la ogaado, markaas ka dib awood ku filan oo Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaban karta in la geeyo, waxaana ciidamadaas looga baahan yahay inay shacabka ka difaacaan cadowga”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Argagaxisada Al shabaab ay cuuryaamiyeen waxsoosaarka Gobalka Shabeelaha hoose, isagoona sheegay in Howlgaladan ujeedadoodu ay tahay in Meelaha laga saaro Al shabaab la gaarsiiyo Iftiinka dowladnimo dadkuna ay yeeshaan waxsoosaar dalka anfaca.

“Waxsoosaarka iyo nabada Gobalka Shabeelaha hoose ayay cuuryaamiyeen Al shabaab, Lacago baad ah ayay shacabka ka qaadaan, Howlgaladan waxay bilow u yihiin in Deegaanada ay mugdi iyo Nolol xumada ugu dhuumaaleysanayaan Nabad diidka la geeyo Iftiinka Dowladnimada”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu dambeyn sheegay in Shacabka ku nool deegaanada Al shabaab lagala wareego ee Shabeelaha hoose ay si weyn ugu baahi qabaan dowladnimada, iyagoona si qiirad iyo wadaniyad ku jirto usoo dhaweeya ciidamada xoogga dalka oo Calamo qoyan ay u lulayaan.

Xigasho Sonna

Wasiirka tamarta iyo biyaha xukumada federalka somaaliya oo cabasho ka muujiyey biyo la’aan ka jirta gobolada dalka

0

Mudane Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa baaq u diray Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka  ee ka howlgala Soomaaliya  in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira Dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan Dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka  in ay lagama maarmaan tahay in Hey’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo ku noolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydada biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

Munaasabad loogu diyaar garoobayay isbedelka cusub ee hogaanka golaha Murtida oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Munaasabad  oo lagu qabtay xarunta tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo fanaaniinta Waaberi taasoo loogu diyaar garoobayay xafladda xilwareejinta Maareeyaha cusub ee tiyaatarka oo lagu wado iney dhacdo maalinta burrito ah.

Maxamed Xasan Barroow oo ku hadlay magaca kooxda Qaranka ee Waaberi ayaa sheegay in ay si mideysan u soo dhaweeynayaan Maareeyaha cusub ee Tiyaatarka Cismaan C/laahi Guure

Sidoo kale Abwaan Cabdi Dhuux , C/kariin Jiir, Maki Xaaji Banaadir iyo Faadumo Cali Jaamac “Nakruuma” ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay Maareeyaha cusub ee loo magacaabay Tiyaatarka

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska C/raxmaan Yuusuf Sheekh “Al-cadaala” ayaa sheegay in Waaberi ay ku shaqeyndoonto dhismaha tiyaatarka, isagoo intaasi raaciyay in madaxweyne Farmaajo ay ka go’antahay dib u dhiska tiyaatarka

Dhinaca kale olole nadaafadeed ayaa maanta laga fuliyay dhismihii tiyaatarka, halkaasoo la rajeynayo iney ku shaqeeyaan hobollada Qaranka ee Waaberi.

Wasarrada Maaliyada XFS oo daah furtey mashruuc shaqo logu abuuraayo Dhalinyaradda soomaaliyeed

0

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah furay mashruuc ku saabsan shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dahfurka mashruucan oo ah mid looga tala galaay habka shaqo Abuurka looga sameyn karo dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo kaalinta horumarinta Dalka islamrkaana laga qeyb qaato sidii Dalka looga fulin lahaa mashaariic wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Xubno ka socday Dowladd Gobaleedyadda xubnaha ka ah Dowladda Dhaxe iyo Gobalka Banaadir  ayaa si isku mid ah isugu raacay in muhiim ay tahay  in laga wadda qeyb qaato horumarka dalka iyo sidii kaalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed looga abuuri lahaa shaqo  si looga bad baadiyo tahriibka iyo  ku biirista kooxaha arggagixisada.

C/risaaq Mohamed Abukar Ku xigeenka xisaabiyaha guud ee Qaran oo ka hadlaay madasha dahfurka mashruucan shaqo Abuurka ayaa shegaay in xafiiska xisaabiyaha guud uu mar walibo diyaar u yahay ka shaqenta shaqo abuukar iyo howlaha guud ee lagu horumarinayo dalka.

Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi  ayaa shegay in muhiim ay tahay in mar walibo laga qeyb qaato shaqo abuurka Dhalinyaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Feraalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo Daahfuray mashruucan ayaa siweyn uga hadlay ujeedka mashruucani.

‘’Waxaa loo baahan yahay kordhinta wax soo saarka Dalka iyo shaqo abuurka loo sameeyo Dhalinyradda Soomaaliyeed,si ay ugu qeyb qataan hormarka iyo mustaqbalka dalka’’. Ayuu Yiri Wasiir Beyle.

Ciidamada dowladda soomaaliya oo Howlgalo ka fuliyey Deegaano hoos taga Gobolka Sh/Hoose

0

Howlgaladaan oo ahaa Mid Qorsheysan ayaa Cidamada Xoogga Dalka waxa ay ka Fuliyaan Degaanada  Farsooley, Janaale, Turatoorow, iyo Mubaarak oo kawada Tirsan ee Gobalka Shabeelada Hoose  iydoo Qasaaro Xogan lagu geystey Maleyshiyaadka Al Shabab.

Degaanka Mubaarka ayaa Maleyshiyaadka Al shabab laga Gubey idaacad Fm ah oo ay ka tadeyna jireen Afgaardooda Qaldan iyo labao Gadiid oo ay ka buuxeen Walaxa Qarax isla markaane ay doonayeen iney ku dhibaateyaan Dadka rayidka ah.

Waxaana  Howlagaladaasi Hogaamniyay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ee ka Baxay Degmada Baraawe  Waxa ay la wareegaan Degmada Sablaale Halkaas oo ay iska Carareen Maleyshiyaadka Al shabab kadib markii ay ka Baqeen iney Cashir u dhigaan Cidamada Xoogga Dalka sidoo kale wax ay la wareegeen Degaanka Awdhigle ee Gobalka shabeelada Hoose.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laah Cali Canood oo la hadlyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in howlgaladaani sii socon doonaan, maleeshiyaadka shabaabna laga saari doono meel walbo oo ay ciida soomaliya ka joogaan.