Cornerl Kofi oo kormeerray xarunta hey’adda socdaalka Dubai

Date:

Agaasimaha guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi oo maalmahaan safar shaqo ku marayey wadamo ka tirsan dalalka Khaliijja ayaa shalay galinkii dambe booqdey safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahey magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaratka Carabta, wuxuuna kulan la qaatey siihayaha safaaradda mudane Axmed Daahir Maxamed (Axmed Global) iyo dublamaasiyiinta kale ee safaaradda.

Kulanka agaasimaha iyo siihayaha safaaradda ayaa looga hadley ilaalinta sharuucda iyo habraaacyada bixinta Basaboorka iyo Dal-ku galka (visa).

Sido kale wuxuuna agaasimuhu Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya intii uu safaaradda joogay la kulmay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka UAE oo caqabado ay ka heysteen helidda baasaboorka.

Wuxuuna u sheegay iney dadaal ku bixinayaan sidii ay si fudud oo dhib yar ugu heli lahaayeen Baasaboorka,sidoo kale,Agaasime Kofi ayaa ku amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abuu Dhabi wada shaqeynta kala dhaxeyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...