Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Sawaariikhdii lagu ridey Riyadh (Dhageyso)

Date:

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka hortagtay Gantaalo Jabhadaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ay kusoo rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, hase ahaatee ciidamada Cirka ee dalka Sacuudiga ay ku guuleysteen iney ka hortagaan oo ay bur buriyaan Gantaalladaasi.

“Nimankii Xuutiyiinta ahaa ayaa waxey kusoo tuureen Todobo Gantaal magaalooyin kamid ah dalkaan Sacuudiga, Riyadh sadex-baa soo gaartay, Balse ciidamada Difaaca Cirka ee Sacuudiga waxaa u suuroowday in ay ka hortagaan Gantaaladaasi oo aaney ku dhicin meelihii ay ugu talo galeen nimanka Xuutiyiinta ah”ayuu yiri Ambasator Daahir Maxamuud Geelle.

“Dowladda Soomaaliya raggaasi aad iyo aad ayey u cambaareneysaa, waxeyna ku eedeeneysaa nimanka Xuutiyiinta ah oo gacanta ka helaya Iiraan oo aad ogtihiin in Soomaaliya ay xiriirka u jartay, Hadda Iiraaniyiintu culeys badan ayey ku hayaan Sacuudiga oo nimanka Xuutiyiinta ah maahan niman heli kara Tiknoolajiyaddaan Sawaariikhda isaga kala goosheysa intaasi oo KM,”ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga islamarkaana ay taageersantahay Isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga, sidaasi oo kalena Soomaaliya ay aqoonsan-tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka Yemen.

180325_005

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...