Home Blog Page 1347

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo dhinaca kale gurigiisa ku booqday Cumar Carte Qaalib oo horey u xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare uga soo qabtay dalkeena.

Mudane Khadar oo u joogo dalka Sucuudiga howllo shaqo ayaa u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato bulshada Soomaaliyeed, kadibna waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha. Isagoo ku boggaadiyey howlaha muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed u hayso safaaraddu.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shaqaalaha safaaradda howlaha muhiimka ah ee u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan fursad u helay inaan booqdo Safaaraddeena Soomaaliya ee ku taalla Boqortooyada Sucuudiga,waxaana la kulmay diblumaasiiyiin iyo madax u bisil una tababaran howsha loo idmaday, waana ku ammaanayaa dadaalkooda Soomaalinimo iyo sida ay uga go’an tahay iney kaalin mugleh ka qaataan soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda”. Ayuu yiri R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca kale, R/W ku-xigeenka Soomaaliya ayaa ku booqday gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Riyaad Mudane Cumar Carte Qaalib oo horey xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibedeed uga soo qabtay dalka. Wuxuuna uga mahad-celiyay tacabkii iyo dadaalkii uu geliyay dawladnimada iyo shaqadii uu ka qabtay xiriirka arrimaha Dibedda intii uu joogay Wasaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta Berri ah u amba- bixi doona Jiddah oo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Barakaysan ee Makkah si ay u soo gutaan waajibaadka cumrada.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay Sanadguuradii 100-aad ee Xurnimada Finland oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SONNA) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay Sanadguuradii 100-aad ee xurnimada dalka Finland, waxaana ka qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiiradda Finland ee Soomaaliya Tarja Fernandez kaga mahad celiyay in Muqdisho lagu xuso Sanad guuradii 100-aad ee xurnimada Finland, taas uu sheegay inay cadeyn u tahay sida Dowlada Finland ay u dooneyso in lasii xoojiyo xiriirka Taariikhiga ee u dhaxeeya Finland iyo Soomaaliya oo soo bilowday 1971-dii sida wasiirka sheegay.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa uga sidoo kale uga mahad celiyay Safiiradda sida Dowlada Finland ay u soo dhaweysay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi tagay, sida ay uga mid noqdeen Bulshada ku nool dalkaasi iyo sida ay ugu dhiiri galiyaan in dalkooda ay kusoo laabtaan oo ay ka qeyb qaateen dib u dhiskiisa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowlada Finland ay wada shaqeyn wanaagsan la leedahay wasaaradda warfaafinta, iyagoo fuliyay Mashruuc lagu qalabeeyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, sidoo tababaro siiyay saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo u soo diray Soomaaliya khubaro dhanka Warbaahinta ah.

Safiiradda Finland ee Soomaaliya Tarja Fernandez ayaa balanqaaday in Mashruucyo badan oo hormarineed ay Soomaaliya ka fulin doonaan sanadaha soo socda.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dalka Kenya

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si heer sare ah loosoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Kenya Maalinta Beri ah kaga qeyb galaya Xaflada Caleema saarka madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyaata oo markale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay heshiis ku kala saxiixanayeen baarlamaanada Soomaaliya iyo kan Dalka Jabuuti,kaasi oo ku dhisan wadashaqeyn iyo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari,guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ahna kusimaha guddoomiyaha Abshir Axmed Maxmed(Bukhaari),guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxmed Cali Xumud iyo xubno xildhibaano ah.

Heshiiskaasi waxaa u kala saxiixay Soomaaliya guuddooiye Jawaari iyo Abshir Bukhaari guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare  ahna kusimaha guddoomiyaha,halka Baarlamaanka Jabuutina uu u saxiixay  Maxmed Cali Xumud.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddiga saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan,Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed ‘’Abshir Bukhaari’’ ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo.

Waxaa kulanka intii uu socday la isku la soo hadal qaadey muhiimadda ay leedahay wadashqeynta iyo walaaltinimada barlamaanada labada dal ,iyadoo la ammaanay dowrka Jabuuti ay ku leedahay taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doonaan.isagoona bogaadiyay xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer jabuuti iyo dowladooda ,sidoo kalana Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeer ugu tagay Ciidamada ku sugan Waajid

0

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si ay u dhiiri galiyaan Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo la hadlay wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galeen xaalada Ciidamadda oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira sidii maleeshiyada Al shabaab looga saari lahaa deegaanada yar ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in talaabadan ay daba socoto dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale sheegay in sidoo kale ay booqasho ugu tageen Ciidamada ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, wuxuuna sheegay in diyaar garow fiican uu ka muuqdo, isla markaana ay diyaar u yihiin Argagaxisada Al shabaab inay ku weeraraan Saldhigyada ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ciidamada ay kaga muuqato Wadaniyada iyo kalsoonida ay ku qabaan in gabi ahaanba dalka ay ka saaraan Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Howlgaladda Xooggan oo ay wadaan ciidamadda Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay kordhisay baqdinta iyo walwalka ay qabaan Argagaxisada, iyadoo sababtay in maalmihii ugu dambeeyay ay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isku soo dhiibayeen Nabad diidka Al shabaab halka qaar kale oo badan ay iskaga carareen Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Dalka Kenya

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlay Wada hadalada Galmudug iyo Ahlu suna uga bilowday Jabuuti

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay dadaalada lagu nabadeynayo deegaanada Galmudug,wuxuuna dhanka kale ka hadlay hadal maalmahaan la isla dhexmarayay oo ku aadan inuu khilaaf ka dhex taagan yahay madaxda Galmudug,balse wuxuu carabka ku adkeeyay iney heshiis yihiin madaxda Galmudug.

Dhinace kale, Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka hadlayay Wada hadalada Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna uga furmay dalka Jabuuti ayaa sheegay in rajo wanaagsan laga qabo mira dhalka shirkaasi,islamarkaana muhiimadda ay tahay in la isku soo dhawaado.

Waxaa magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti wada hadalo uga bilowday Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna oo ku kala aragti duwan hanaan wadaagida maamulka Galmudug,waxaana shirkaasi dadka siyaasadda falanqeeya ay sheegayaan iney ka soo baxaan natiijo lagu farxi karo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku sugan magaalada Jabuuti halkaasi oo ay wada hadal kula leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu suna oo ugu horeeyo Hoggaamiyaha maamulka Ahlusanada Gobolada dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga XFS oo sirasmi ah xilkiisa loogu dhaariyay

0

Muqdisho(SONNA) Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshey kulankoodi caadiga ahaa,iyadoo ajandaha uu qeyb ka ahaa dhaarinta Wasiirka cusub ee Difaaca Soomaaliy.

Kulankaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sirasmi ah xilkiisa loogu dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Dhaarinta ka dib ayaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya waxaa la gula dardaarmay in uu si hufan u guto waajibaadka horyaala Wasaaradda Gaashaandhiga iyo u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Degreeto ka soo baxday shalay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa loogu magacaabey Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhiga,isagoo bedelaya C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan iska casilay xilkaasi,isla Degraatadaasi ayaana xilkii looga qaadey Wasiirkii Diinta yo Owqaafta Dr iimaan C/llaahi Cali.

Shirka Warbaahinta Dowladaha IGAD oo ka furmay Itoobiya+Sawirro

0

Adis-ababa(SONNA) Magaalada Bashifto ee wadanka Ethiopia waxaa ka furmay shirka Warbaahinta Dowladaha IGAD oo looga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid tahay Wada shaqeynta,gaar ahaan ka hortaga  Abaaraha iyo iskaashiga guud ahaan ee IGAD,

Shirka oo mudo labo cisho ah socon doona ayaa Soomaaliya waxaa uga qaybgalaya wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Sheikh Yuusuf Al-Cadaalla.

Gabagabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro Qodobo muhiim ah oo ay ugu horeyso wadiiqo cusub oo hab iskaashi u dhexmari kara Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hay’adaha Warbaahinta Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Guddoomiye Jawaari oo ka qeybgalay kulan dhexmaray guddoonka Aqalka sare iyo wafdigii ka socday Jabuuti+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Kulankaan Casho sharafta ah ee ay uu Sameeyeen  Xildhibaanada Aqalka sare Wafdiga uu Hogaminaayo Guddoomiyaha Golah Wakiilada Wadanka Jabuuti ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho,

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maaxmed Sheikh Cusmaan Jawaari,  Xubnaha Xildhibaanada Aqalka sare iyo Golaha Shacabka , Safiirada Wadamada jabuuti iyo Yeman, Taliyah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jamac Xuseen Gorood, Sarkiil ka Tirsan Ciidamada Booliska iyo marti sharaf kale oo lagu Casuumay Sido kale Madasha ayaa waxaa Ku sugnaa fanaaniinta Qaranka ee Hobalada Waabari,kooxda dhaantada ee Banaadir Baan oo halkaasi ay Ku soo bandhigeen heeso lagu Amanaayo waxqabadka Dawladda Aan walaalaha nahay ee jabuuti.

Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare ahna ku Simaha gudoomiyaha Abshir Maxamed Axmed Buqaari oo madasha ka hadlay ayaa Ku dheeraaday Waxqabadka Muuqda  Dawladda jabuuti ay u qabteen Soomaaliya islmarkaan uu sheegay in jabuuti ay ka go,aanthy garab istaaga soomaaliya.

Maxamed sheikh Cusmaan jawaari Guddoomiyah Golaha shacabka Soomaaliya  ayaa tilmaamay in Dawladnimada Soomaaliya ay gaartay gacan ka geysteen dawladda jabuuti.

Guddoomiyah Golaha wakiilada Wadanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud ayaa Soomaaliya u rajeeyay nabad iyo xasilooni Waarta xildhibaanada  Labadaa Aqaal uu ugu mahadceliya sida ay ugu soo dhoweyeen Muqdisho.