Home Blog Page 1346

Masuuliyiinta Indonesia oo sheegay inay xoog uga saari doonaan dadka dagan goobtii volcanuhu ka qarxey.

0

Indonesia (SONNA) Masuuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in ay si xoog ah uga soo daad gureynayaan dadka ka agdhaw Buurta Agung ee Jasiirada Bali, halkaasoo Volcano ay ka qarxay, Tobanaan qof ayaa ilaa hada ku sugan Agagaarka Buurta Volcanuhu ka qaraxday sida uu sheegayo Stobo Boro Nugroho oo u hadlayay hay’adda ka hortaga Masiibooyinka Dabiiciga ah isagoo intaas ku daray inay dad badan ka guureen goobta volcanuhu ka qarxey, inta ku hartayna ay si Xoog ah uga soo daad gurayn doonaan.

Garoonkii diyaaradaha iyo wadooyinkii kale ee loo mari jirey Gobalkan Dalxiiska ku wanaagsan ayaa gabi ahaanba la joojiyey.

In ka badan 100-kun oo qof ayuu noloshoodii saameeyey, iyagoo ka barakacay goobta uu ka qarxey volcanuhu, Ilaa hadana dad lagu qiyaasey 40 kun oo qof ayaa ku sugan goobta kuwaasoo Maamulka gobolkaasi bilaabay siduu u daad gurayn lahaa.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa kor u qaadday Heerarka feejignaanta ee heerka 4 aad 6:00 subaxnimo Maalintii isniinta markaasoo laga cabsi qabay inay ka dhacdo xaalad bini aadannimo.

Ciidamada Xoogga dalka oo diyaargarowgii ugu dambeeyay ugu jira Howlgalada Al shabaab dalka looga saarayo

0

Muqdisho (SONNA) Maamulka Gobalka Bakool ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Bakool C/llaahi Maxamad oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay wadaan Dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay kula wareegayaan deegaanada fara ku tiriska ah ay cadawgu gacanta ku hayaan.

“Howlgaladani waxa ay qeyb ka yihiin kuwii dowlada ay ku Dhawaaqday isla markaana Maleeshiyada Al-shabaab looga saarayo deegaanada gobalka ka tirsan, waxaana heer gaba gaba ah maraya abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ciidamada dowlada kula waregayan daganasi ;sidaa waxaa yiri gudomiya ku xigeenka.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa muddooyinkii dambe isku diyaarinayay Howlgalo guud ahaan dalka looga xureynayo cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, iyagoo sidoo kale howlgalo ay sameeyen guulo waa weyn kasoo hoyay, waxaana isa soo dhiibay Maleeshiyo ka tirsanaa Al shabaab iyadoo kuwa kale ay ka carareen meelihii ay ku sugnaayeen waxaana ku daba jira Ciidamada oo ay ka go’an inay guud ahaanba dalka ka sifeeyaan Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab.

Wafdi ka socda Dowladda Qadar oo Muqdisho soo gaarey+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha H.E. Mr. Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa maanta si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayay Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta.

Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, iyadoo wadahadallo waxgal leh uu dhici doono inta lagu gudajiro kulamada la qorsheeyay.

Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah.

Soo dhoweynta wafdigan ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Mohamed Ali Gaal, Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Mr. Yusuf Alasow Mohamud, Kusimaha Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Mr. Mohamed Abdi Ali iyo diblomaasiyiin kale oo katirsan Wasaaradda.

Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad Al shabaab ah iyo Walxaha qarxa oo Muqdisho laga sameeyay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Howlgalkaan oo xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa si gaara u fulinaayay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, iyagoo ku socday goobo gaar ah oo Bartilmaameed u ahaa oo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Aragagxisada Al shabaab iyo goobo kale oo iyana la tuhmayay inay ku keedsadeen walxo ay amniga Caasimadda ay ku wiiqaan.

Intii uu socday howlgalkan qorsheysan oo ay fulinayeen ciidamada Booliska Laantooda Dambi Baarista ee CID-da oo xogta lagu duulayay huwaneyd ayaa waxaa lagasoo qab qabtay xaafadihii howlgalka uu ka dhacay Maleeshiyaadkii la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah.

Howlgalka oo bilowday abaaro 8 Fiidnimo ayaa si nabad galyo ah kusoo gaba gaboobay saqdii dhexe, waxaana dad degan xaafadaha howlaha amni laga hayay la arkaayay iyagoo si nabad galyo ah u wata howlahooda shaqo iyo isku socodka dadweynaha, marka laga reebo guryaha sida gaarka ah diirada u saarneyd oo wax dhaq dhaqaaq kale oo howlaha socda ka madax banaan laga dhowrayay.

Hay’adaha amniga dowlada Soomaaliya ayaa har iyo habeen u taagan ka hortaga falalka amni darada oo ay qorsheynayaan Nabad diidka Al shabaab oo baryihii ugu dambeeyay laga fashiliyay falal qaraxyo ah oo ay doonayeen inay ku waxyeelaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Mareykanka oo war ka soo saarey duqeyn lagu dilay horjooge katirsan Argagixisada Soomaaliya

0

Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa Warqad qoraal ah oo uu soo saarey ku sheegay in Ciidamada Mareykanka oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Duqeyn la beegsadeen Argagixisada Daacish,kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya deegaano katirsan Puntland.

Saraakiisha Miliytariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay sida ku cad qoraalkoda in duqeyntaasi lagu dilay horjooge katirsanaa Koxda Daacish ee bartilmaameedka uu ahaa.

Col. Cali Cabdi oo kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa faah faahiyay sida ay wax u dheceen iyo wixii ay halkaasi ku arkeen.

“Waxaa weerarka uu ka dhacay buuralayda ku dhow dhow degmada Qandala,waxaanu maqalnay guuxa hub culus,kooxihii way ka carareen halkaasi markii la duqeeyay,waxaan booqanay goobtii duqeyntaasi ka dhacday,waxaan halkaasi ku aragnay meydadka dad dhintay”. Ayuu yiri Col Cali Cabdi.

Sidoo kale warka qoraalka ah ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan Duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale Mareykanka uu sheegay inuu xoojinayo taageerada uu siiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Talaabadani ayaa qeyb ka ah howlgalo ka dhan ah kooxhaha argagixisada eek u sugan Soomaaliya,Mareykanka ayaa sii kordhiyay todobaadyadii ugu dambeeyey weerarda xagga Cirka ah oo lala beegsanayo ALshabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka qeyb galaya Caleemasaarka Uhuru Kenyaata

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galaya Xaflad Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya oo ka dhaceysa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday xafladan, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle,Uganda Yoweri Museveni, Ian Khama madaxweynaha dalka Botiswana,Paul Kagame madaxweynaha Rwanda, John Pombe Magufuli Tanzania, Edgar Lungu Zambia,Namibia Hage Geingob, Faure Gnassingbé Togo, iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Xaflada lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyaata ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Nairobi oo si weyn lo adkeeyay amaankeeda.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha dalka Seychelles+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha dalka Seychelles  (Mr.  Danny Faure)  ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxayna ka wada hadleen arimaha soo socda:

1: Soo celinta Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles, si kuwa xukumani ugu dhamaystaan Soomaaliya xukunnadooda , kuwa lasii daynayana lagu celiyo dalkooda.

2.Xoojinta iskaashiga Amniga Badda Indean Ocean oo ka dhaxaysa labada dal iyo marinada biyaha ee ganacsiga aduunku isaga goosho, lagana hortago falalka Bucad-badeednimada.

3.In Soomaaliya iyo Seychelles iska kaashadaan dhinacyo kala duwan sida Ganacsiga, Dalxiiska, iyo in Khibradda Seychelles ee xagga badaha loo gudbiyo Soomaaliya.

Dhanka Dalka Seychelles waxaa goob joog ka ahaa kullanka , Xoghayaha Arrimaha Dibadda (Ambassador Barry Faure) iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada, dhanka Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Dhamaan arrimahaas wa laysku afgartay, Madaxweynaha Seychelles-na waxa uu bogaadiyay horumarka dhinac kasta ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaartay waxa uuna sheegay in Seychelles markasta garab taagan tahay Soomaaliya.

Hindisaha Telefishinka & marxaladihii uu soo maray.

0

 

In la hindiso Telefishin oo sawir maqal iyo muuqaal ah loo diro xagga hawada ma aheyn wax cajiib ah  ,marka loo eego dhegeysiga Idaacadaha iyo daawashada Aflaamta oo farsamo ahaan la tilmaamay in ay ka horeeyeen soo ifbixii Tv-ga oo ah aalad laga daawado muuqaalada iyo maqalka ay soo gudbiyaan xarumaha tlefishinada .

Ma jirin cid u howlgashay hindisaha aaladda TV-ga  ilaa laga soo gaaray dhamaadkii qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarmigii 20-aad,waxaana Hindisaha telefishinka uu yimid xilli aqoon durugsan loo lahaa sameynta qalabka biraha ee farsamo ahaan loo adeegsado aaladaha wax soo saarka, barashada cilmiga iyo Habka gudbinta farsamada.

Aqoonyahano badan ayaa  ka qeybgalay dhismaha aaladda TV-ga,waxaana ka mid ahaa Alexander Bain,Frederick Bakewell, Giovanni Caselli , J. Thomson , Karl Ferdinand Braun, Boris Rosing ,Vladimir Zworykin iyo kuwo kale , kuwaas oo sanadihii u dhexeeyay 1843-dii ilaa 1911-kii soo bandhigay farsamo iyo fikrado keenay in khuburro kale ay dhameystiraan qalabka telefishinks.

Khuburadaasi oo ahaa farsamo yaqaanno,waxa ay diiradda saareen farsameynta aalad yar oo  tv-ah oo wadata miraayado qabta  dhaqdhaqaaqa muuqaalka ay soo gudbiyaan kaamerooyinka ,iyagoo qaabeeyay  awoodda korontada iyo sida ay u saameeyaan muuqaalka ay gudbinayaan telefishinka ku shaqeeya xargaha Kaamerada .

Sanadkii 1920-waa markii ugu horeysay ee muhandas Scottish oo lagu magacaabo John Logie Baird  uu soo bandhigo aalad yar oo telefishin ah oo lagu habeeyo muuqaalka sawirada fidiyowga ah ,isagoo gacan ka helaya Nipkow, Waxaana fikradda aaladddaasi kaga  horeeyay, Georges Rignoux iyo A. Fournier oo iyaguna sanadkii 1909-kii daahfuray habka gudbinta  muuqaalka.

Horay u dhaqaajintii qalabka korontada ee uu ku shaqeeyo telefishinka ,waxa ay calaamad u noqdeen bilowga dhameystirka habka farsamada telefishinka,waxaana la daahfuray markii ugu horeysay duni uu ka shaqeyo hab telefishin oo la isku halleyn karo.

Philo Tylor Farnsworth oo xilligisu agaa (1906 –1971-kii) waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa aabihii ama aasaasihii Television-ka casriga ah,isagoo noqday qofkii ugu horeeyay ee soo bandhiga telefishin uu ka muuqdo muuqaalka sawirka biniaadamka ,kaas oo ahaa muuqaal yar oo ka kooban 3-inch iyo bar ,isla markaana laga qaaday xaaskiisa Elma

Mr. Justin Tolman ayaa ka mid ahaa macalimiinta  gacanta ka geystay in Fransworth oo ku xeel dheeraa  cilmiga xisaabta,fisigiska iyo kimisteriga uu ku dhiirado dabagalka fikradaha cilmiga ah ee u suuragaliyay in uu hindiso Telefishin dhameystiran.

1927, isagoo ah 21-sano jir waxa uu soo saaray Tv-ku shaqeeya awoodda korontada ee loo adeegsado gudbinta sawirada ama muuqaalada,wuxuuna hawada u diray sawir ama muuqaal aan dhameystirneyn oo go’go’aya, iyadoo tallaabadaasi keentay in la galay xilli cusub ,isla markaana la helay madadaallo iyo qalab soo jiidasho leh.

Intii u dhaxeysay sanadkii 1927-1930-kii Fransworth waxa uu noqday ninkii sida buuuxda uga shaqeysiiyay soo uruurinta qeybaha muqaallada,awoodda korontada iyo kaamerooyinka fiidiyowga ee la  shaqeeya telefishinka,isagoo sidoo kale dhameystiray kala go’go’ii muuqaaalada ee habka korontada iyo sawiradii ama muuqaaladii mugdiga ahaa ee laga daawanaayey aalada tv-ga.

1938-1951,waxaa kordhay farsamada aaladda Tv-ga,xarumaha Tv-ga,sameynta diishashka,xarkaha korontada ee la shaqeeya  Tv-ga iyo Kaamerooyinka la shaqeeya aaladdaasi,waxaaana suurtagalay in ay abuurmaan shirkado ganacsi oo wada shaqeeya sida :Television and Radio Corporation,kuwaas oo ku baahay  deegaanno uu ka mid yahay  Fort Wayne oo ka tirsan  gobolka Indiana ee dalka Mareykanka iyo kuwo kale.

Sanadkii  1954-tii  waa markii ugu horeysay ee la soo bandhigay habka  midabada telefishinka,taasoo dunida ka dhigtay ama u saafi gareeysay is-badal xagga dabeecadda ah iyo ilbaxnimada casriga ah.walow ilaa bartamihii 1970-kii ay sii jireen ama ay yaraayeen telefishinada Caddaanka iyo Madowga ah

Farnsworth markii uu gaaray da’da 64-sano jir Waxa uu helay in ka badan 3-boqol oo isugu jira abaalmarinno,billad sharafeed iiyo aqoonsi ku aadan wax soo saarkiisa ,kuwaa oo ay bixiyeen dowladda Mareykanka,Ingiriiska iyo dalal kale,kadib kolkii loo aqonsaday in uu qaabeeyay ama aasaasay  Telefishinka ku haboon ganacsiga.

Fransworth oo geeriyooday 1971-dii  waxaa Sanadki 1988, matxaf  ku yaalla magaalada Rigby ee gobolka  Idaho ee Mareykanka uu u aqoonsaday in uu ahaa nin u go’ay horumarinta iyo sameynta aaladda telefishinka,waxayna ku magacaabeen halyeeyga aasaasaha Television casriga ah.

May 2, 1990, waxaa taallo lagu sharfayo looga dhisay xarunta ama hoolka caasimadaa Washington ee D.C,iyadoo taalladii labaad laga hirgaliya gobolka Utah ee Mareykanka,inkastoo maamuuskii ugu horeeyaay uu ka dhacay Jaamacadda Brigham Young oo uu Fransworth wax ku soo bartay yaraantiisii.

Inkasta oo loo yiqiinnay horumariyihii  habka hindisaha Telefishinka ,Farnsworth waxa uu ka qeybqaatay ama lug ku lahaa sahminta aalado badan sidas Microscopka,Wuxuuna helay magac iyo maamuus mudadii uu ku jiray howsha hindisaha Telefishinka

Horumarinta isgaarsiinta telefishinka iyo telefishinka ku shaqeeya Satelite-ka sanadkii 1970-kii waxay ogolaadeen in kanaalo badan oo gudbiya telefishina ay dhiirigeliyeen  in ganacsato badan ay muhiimadda saaraan barnaamijyo ku socda  dhageystayaal gaar ah,waxayna kaloo ay awoodeen in ay sare u kacaan dadka doonaya in ay rukuntaan ama la macaamilaan kanaalada telefishinada,sida  Home Box Office  (HBO), Showtime oo ka jiray Mareykanka iyo , Sky Television oo isna ka jiray Ingiriiska.

Bishii October 1984, aqalka Congress dalka Maretkamka waxa ay meel mariyeen qoraallo ku wajahan siyaasadda isgaarsiinta (Cable Communication ) oo la diyaariyay isla sanadkasi ,kaas oo kuwa isticmaala habka telefishinada u ogolaanaya in ay si xaq ah u helaan adeegsiga qalabka fududeeya isgaarsiinta la mariyo hawada.

Sanadkii 1986-dii waxaa la bilaabay in kaanaalada baahiya telefishinada qaarkood ay ku dhiiradaan isticmaalka aaladda Satelite-ka oo ah qalab awood u leh in isagoo ku sugan hawada sare uu qabto muuqaallo iyo maqal laga baahiyay dhulka,isla markaana loo gudbin karo qaarad illaa qaarad kale ,iyadoo la isticmaalayo diishash ama saxanno waa weyn oo ku shaqeeya qalabka korontada

Internet telefishin ama  online telefishin waa hab suurtagaliya in telefishinadu ay si  degdeg ah u adeeegsadaan  gudbiyaanna macluumaadka,iyagoo ku xiran aaladda Internetka,waxaana shaqada dhaqsaha leh ee  ay wadaagaan telefishinada ay dulucdeedu tahay in loo sii mariyo habka internetka,kaas oo gebi ahaan ka horjeeda hab dhaqameedkii  hore

Digital television waa telefishiada u shaqeeya sida dhaqsiyaha leh ee heerka sare,isla markaana awooda in uu baahiyo muuqaalada dhaqdhaqaaqa iyo maqalka.

Habka ditigaka waa kuwo  badiya macluumaadaka la qabtay ee la baahinayo haba kala duwanaadeen kanaalada telefishinada iyo  aaladda isku xirta muuqaalka,maqalka  iyo waxa kale ee la gudbinaayo

Digital TV waxa uu kaa caawini karaa wax ka badan hal barnaamij oo aad u isticmaasho kanaal teleshin oo keliya,waana xididada si dhow isugu xira in si fudud loo isticmaalo waxyaabaha jaban ee kombiyuutarada waxtarka leh

Sanadkii 1990 -kii iyo wixii ka dambeeyay digital TV waxa uu  noqday fursad dhaxalgal ah oo bulshada caalamka u horseeday in horumar laga gaaro isticmaalka ama adeegsiga qalabka warbaahinta .

W/Diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika(SAWIRRO)

0

Johannesburg(SONNA):–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow.

Safarkan shaqo ee qaadan doona muddo isbuuc ah ayaa ujeedadiiso tahay in Wasaaradda ay la tashi la sameeyso jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika iyo sidoo kale in wax laga ogaado qibradda dalka Koonfur Afrika ee ku aaddan arrimaha Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Muuqaal Baahiyaha Qaranka Soomaaliya la
hadlay ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Safiir Jamaal Barrow iyo shaqaalaha Safaaradda ay u soo dhaweeyeen, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda ay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Geedi-socdoka dib-u-eegista Dastuurka la qaadan doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, safarkan ayaa waxa uu biloow u yahay safaro ay Wasaaradda ku kala bixin doonto wadamo dhawr ah si dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay aragtidooda ugu darsadaan dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magalada Nairobi ee dalka Kenya ( Faah-faahin + Sawirro )

0

Nayroobi, Nofeembar, 27, 2017– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo gaaray Maagalada Nayroobi.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.

“Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo bishii Maarso ee sanadkan ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Kenya si loo xoojiyo xiriirkaas, haatanna waxa uu ka qeyb galayaa caleema-saarka Madaxweyne Kenyatta.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axemed.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qaadan doona muddo hal maalin ah, waxaana berri oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka oo ka qeyb galaya caleema-saarka.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.