Home Blog Page 1346

wafdi ka socda Turki oo muqdisho soo gaarey

0

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah mashaarciida horumariineed ee Dowlada Turkiga ka waddo dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa.

Wasiirka howlaha guud iyo Dib uu Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saadiq Abdullaahi Cabdi ayaa  ugu horeyn kahadlaay imaanshiyaha wafdigan wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen sidii horumarin looga sameyn lahaa mashaariicda horumarineed ee dalku ay ka wadaan Walaalaha Turkiga.

Xoghayaha Guud ee Midowga Dowladaha Hoose ee Dalka Turkiga ayaa kaga mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho,isagoona balaan qaday in mar walibo ay noqon doonaan kuwa sii wadda mashaariicda horumarineed ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Wafdigan ayaa booqday xarumaha wasaaradda Howlaha Guud iyo sidoo kale Gobolka Banaadir,isagoo la kulmay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo kuwa wasaaradda Howlaha Guud,waxaana qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Wasaaradda Boostada oo kulan la qaadatey shirkadaha isgaarsiinta

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sida ugu habboon ee loo hirgelin karo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo la ansixiyay sanadkii hore, Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha Hay’adda oo ay ku hawlan yihiin khubaro Soomaali ah, oo farsama ahaan kala talin doona Hay’adda hannaanka dhismaha koowaad.

Maamulaha Machadka Heritage, Mudane C/rashiid Khaliif, oo hay’addiisu oo ay shaqo-wadaag yihiin shirkadda caalamiga ah ee Kalba, ay Wasaaradda kala talineyso dhismaha Hay’adda ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaaliya ay maanta haysato fursad qaali ah, sida madax dhinaca Wasaaradda iyo dhinaca Hay’adda oo aqoon iyo karti leh, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha iyo bahda isgaarsiinta oo u heellan inay la shaqeeyaan.

Maareeyaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada, iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashuur iyo ku-xigeennadiisa kalsoonida ballaaran iyo xilka culus ee ay ku aamineen, wuxuuna ballan qaaday in uu si ammaano leh uga soo bixi doono masuuliyaddaas loo xil saaray.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha Shirka in Wasaaradda ay dhaqan u tahay inay mar kastaba la tashato bahda isgaarsiinta sidii loo nidaamin iyo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya si wanaagsanna loogu daryeeli lahaa danta macaamiisha iyo dalkaba.

Sidoo kale wasiirku wuxuu warbixin ka bixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay ansixinta sharciga, isagoo xusay in hawlaha hadda yaalla ee la xiriira dhismaha Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka inaysan ka culeys yaraan doonin hawshii lagu guuleystay ee ansixinta sharciga.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa soo dhoweeyay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo dhowaan uu Golaha Wasiirradu ansixiyay inuu noqdo maareeyihii ugu horreeyay ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, isagoo uga mahad celiyay madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada kalsoonida ay ku aamineen maareeyaha cusub, wuxuuna ballan qaaday in Wasaaraddu la shaqeyn doonto maamulka cusub ee loo soo dhisi doona Hay’adda.

 

Wariye Ahmed Colaad oo ku geeriyoodey Muqdisho

0

Allaha u naxariirtee Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka mid ahaa wariyaasha ka howgala Magaalada Muqdisho kana tirsanay shaqaalaha laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay in Axmed Xasan Colaad uu  maalmihii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, waxa uuna ku geeriyooday Isbital ku yaala Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay.

Allaha u naxariirtee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka ugu tagay 4 caruur ah laba wiil iyo laba gabdhood, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Axmed Allaha u raxmadee waxii ugu dambeyey ee Idaacadan uu soo direy ayaa aheyd Barnaamijka Faaqidaadda Todbaadka ee Jimcadii.

Marxuumka ayaa VOA lasoo shaqeeyey muddadii Laantani Afka Soomaliga ay soo jirtey oo uu wariye uga soo ahaa magaalada Muqdisho.

Wasiirka Beeraha soomaliya oo ka qeyb galey shirka hormarinta beeraha

0

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad ayaa xiritaankiisa ka soo qeyb galeen Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba Siihayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule.

iyadoo mudada shanta cisho ah ee uu socday  looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaari lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo Dowladda Soomaaliya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay in shirkaasi  xoogga lagu saaray waxqabadka hey’aadda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa  adeegyada beeraha geeska africa.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka  Dowladda Soomaalilya Saciid Xuseen Ciid ayaa kulamo gaar ah la qaatay Gudoomiyaha Hey’adda FAO iyo Wasiirada Beeraha Qaaradda Afrika ee ka soo qeyb galay shirkaasi.

Eng: Yariisoow oo booqdey dadkii ku dhaawacmey qaraxii shaley

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan maqribkii xalay.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.

“Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.

Ciidamada amaanka oo ka hortagey weeraar argagaxiso damacsanayeen

0

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow  ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray howlgalkaasi, islamarkaana ciidanku ay dileen ilaa 5 ka tirsan maleeshiyada Shabaab ee weerarkaasi soo qaaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay gadaal ka soo sheegi doonaan khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray shacabkii ka ag dhawaa halkaasi marka ay soo dhamaato xog uruurintana ay soo gudbin doonaan.

Qarax koowaad ayaa ka dhacay Baakinga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT,sidoo kale Gaari  saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin Sayidka,ciidamada oo horey uga feejignaa gaariga ayaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday maleeshiyaad ilaa 3 qof ahaa, iyadoo Daqiiqado kadib uu gaarigaasi uu ku qarxay aga-gaarka Taalada Dhagaxtuur.

 

Ciidanka Xooga dalka oo burburiyey fariisimo alshabaab ku lahaay Gedo

0

Taliyaha Ururka 49 aad , guutada 10 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac, ayaa sheegay in Ciidnka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaanno hoos taga Degmooyinka  Baardheere , Buurdhuubo iyo goobo kale oo Gobolka Gedo ka mid ah.

Taliyaha oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay Ciidamadu Cagta mariyeen Saldhi ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Juungal oo 30 KM u jira Baardheere.

Taliyaha Turbac ayaa sheegay inay howl galladan iska kaashadaan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo AMISOM, ujeeddadooduna ay tahay baacsiga Al-Shabaab, si weynna ay u wiiqeen cadwga.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya ayaa koofurta iyo Bartamaha Dalka waxaay ka wadaan howlgallo maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-Sshabaab looga saarayo degaannada lagu tuhmayo inay ku dhuumaalaysanayaan.

guddoomiye Yariisoow oo xaflad u sameyey gudiga doorashooyinka

0

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xarunta dawladda hoose ee Xamar ugu sameeyey Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka xaflad lagu soo afmeerayey kulammadii wadatashiga ee uu ka waday dalka oo dhan.

Waxaa jirta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed talada dib loogu celiyo si ay go’aan uga gaaraan cidda matalaysa, maamulka G/Benaadir na qorshihiisu waa in taladu ay dib ugu noqoto shacabka” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Kulammadaas ayaa intii eey socdeen waxaa diiradda lagu saaray qorshaha Istaraatiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku aadan waddooyinka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorashooyin qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Guddiga doorashooyinka ayaa socdaal ku soo maray dhammaan maamul gobaleedyada dalka magaalooyinka ugu waa weyn, waxa eeyna dadka badi kala hadlayeen sidii eey uga qeyb qaadan lahaayeen doorashooyinka shacbiga ah ee la filayo in eey ka dhacaan Soomaaliya.

 

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbada hoose.

0

Ugu yaraan Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda nabad diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar xagga cirkaa ah oo xalay ka dhacay Tuulada Bangeeni oo 8 KM dhanka galbeed kaga beegan Degmada Jamaame ee Gobbolka Jubbada hoose.

Duqeyntan oo ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa lala beegsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Shan Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo kusii jeeday Degmada Jamaame.

19-Kii Bishan ayay ahayd markii ay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka duqeyn ka geysteen meel ku dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasoo ay ku dileen Malleeshiyaad ka mid ahaa Al-Shabaab.

Ciidanka Milliteriga Soomaaliya qaybta Danab iyo Xoogagga nabad ilaalinta AMISOM oo kaashanaya kuwa NATO ayaa indhawaalaba howlgallo xagga Cirka iyo Dhulka ah ka waday degaanno ka tirsan koofurta Soomaaliya.

Isha/VOA

Doorashooyinka Baarlamanka Jabuuti oo Maanta Furmaya.

0

Waxaa Saaka oo Jimca ah Dalka Jabuuti looga dareeray goobaha cod-bixinta Baarlamaanka oo ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Dalka Jabuuti Diini Maxamed Burhaan, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay ayaa sheegay inay si hufan u kormeeri doonaan goobaha ay cod-bixintu ka socdaan.

Mr; ayaa meesha ka saaray inuu jiro tuhun ah in doorashada lagu Gacan bidxaynayo mucaaradka, wuxuuna sheegay inay taasi tahay kalsooni darro, isagoo intaa raaciyay in mucaarad iyo muxaafadba ay halkaasi u joogi doonaan wakiillo.

Baarlamanka Dalka Jabuuti oo ka kooban 65 Kursi ayaa 55 ka mid ahi waxaa ku fadhiya xisbiga talada Dalka haya ee UNB, halka 10 ka kalena ay haystaan xisbiyada mucaaradka.

Lixdii aroornimo ee Saakay ayay cod-bixintan si isku mid ah ugu billaabatay dhammaan Gobollada Dalkaas, iyadoo ay Kuraasta ugu badan oo ah 35 ay taallo Magaalada Caasimadda ah ee Jabuuti.

Doorashada Baarlamanka Dalka Jabuuti ayaa haddii uu ku guuleysto xisbiga talada haya ee UNB waxay fududeyn kartaa in markii Shanaad xilka Madaxtinimo loo doorto Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dalkaasi soo xukumayay tan iyo Sanaddii 1999-kii.