Shirka Madasha Horumarinta Galmudug oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Date:

Madashan Wadatashiga Horumarinta Galmudug ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Ganacsato aad u fara badan kuwaasoo danaynaya Maal Gashiyada Deegaanada Galmudug.

Waxaa Halkaasi ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Maxamed C/lahi Cabdi waxa uuna sheegay in shirkani uu yahay Mid lagu Farxo Ganacsataduna ay gaari karaan Heerar ay ku maalgashadaan Deegaanadooda.

Dhinaca kale waxaa isna Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Galgaduud Yaasiin Sh Maxamed waxa uuna tibaaxay inay Muhiim tahay Horumarinta iyo kor uqaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha Galmudug.

Ugu dambayn Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf  ayaa Ganacsatada u sheegay inay Horumariyaan Deegaankooda waxa uuna xusay in la siin doono Dhulal ay dhistaan isla markaana ka samaystaan Goobo Ganacsi.

Shirkan ayaa inta uu socanayo waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Galmudug iyo Ganacsatadu ay taageeraan Maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...