Shirka Madasha Horumarinta Galmudug oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Date:

Madashan Wadatashiga Horumarinta Galmudug ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Ganacsato aad u fara badan kuwaasoo danaynaya Maal Gashiyada Deegaanada Galmudug.

Waxaa Halkaasi ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug Maxamed C/lahi Cabdi waxa uuna sheegay in shirkani uu yahay Mid lagu Farxo Ganacsataduna ay gaari karaan Heerar ay ku maalgashadaan Deegaanadooda.

Dhinaca kale waxaa isna Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Galgaduud Yaasiin Sh Maxamed waxa uuna tibaaxay inay Muhiim tahay Horumarinta iyo kor uqaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha Galmudug.

Ugu dambayn Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf  ayaa Ganacsatada u sheegay inay Horumariyaan Deegaankooda waxa uuna xusay in la siin doono Dhulal ay dhistaan isla markaana ka samaystaan Goobo Ganacsi.

Shirkan ayaa inta uu socanayo waxaa looga hadli doonaa arimo ay ka mid yihiin Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Galmudug iyo Ganacsatadu ay taageeraan Maamulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...