Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday guddi iskaashi iyo wadashaqeyn ka dhexeey doonaa hey’adaha Q.M

Date:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay leedahay barnaamijyo horumarineed oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo bulsho oo ka qeyb ah istiraatiijiyad ee hirgeliya hab dhamaystiran oo wax ku ool ah ee koritaanka joogtada ah, taas oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kala duwan ee adduunka.
Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidatan:
1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
2- Wasaaradda Maaliyadda
3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
5- Wasaaradda Amniga Gudaha
6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
11- Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...