Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Mas’uulin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa maanta xarunta Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador Qin Jian.

Kulanka oo ay dhanka Wasaaradda ku wehliyeen Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka Nasir Xasan Xuseen, Latilayaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto iyo Agaasimaha Qorshaynta Cabdiraxmaan Axmed Xuseen halka Safiirka Shiinaha uu wehliyay Madaxa qaybta Siyaasadda iyo Warfaafinta Mr Yu Hanaan.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo la isla qaatay in labada dal ay sameeyaan is dhexgal dhanka Saxaafadda ah, taas oo dhawaan la hirgelindoono, waxaana lagu bilaabi doono in saxafiyiin Soomaaliyeed oo ka socda qaybaha Warfaafinta ay Wasaaraddu u dirto dalka Shiinaha si ay waxbadan uga soo ogaadaan sida uu Dalkaasi ushaqeeyo, iyadoo ay safarkaas fududaynayso Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa uga mahadceliyay Safiirka sida ay u garabtaaganyihiin Soomaaliya gaar ahaan dhanka Saxaafadda , Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo xusay in taageeradoodu aanay ahayn mid cusub oo waqti dheer uusoo jiray.

Ugu danbayntii labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo sidii labada bulsho loogu kala warqaadi lahaa, iyadoo labarayo fursadaha ka jira labada Dal, sida dhaqaalaha, Waxbarashada, Dhaqanka, Ganacsiga, Dalxiiska iyo Arrimaha la midka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...