Home Blog Page 1348

Unicef oo ka deyrisay xaalada Nolasha Caruurta Yeman

0

Muqdisho(SONNA) Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in 11-Milyan Caruur Yeman ah ay iminka la soo deristay xaalad tii ugu xumeyd ee dunida guudkeeda ah, waxayna hay’adu cadeysay in hadii wax gargaar ah la gaarsiin caruurtaas ay qarka u saaran yihiin xaalada bani’aadanimo oo geeri ah.

Agaasimaha hay’adda Unesco u qaabilsan  Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada dalka Urdun ee Cuman ayaa sheegay  in qiyaas la sameeyay ay ka soo ifbaxday in tobankii daqiiqaba hal Canug uu u geeriyoodo xanuun laga hortagi karay.

Dhanka kale Mas’uul sare oo isna ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qiyaastii 5-kun Caruur  Yeman ah laba sano iyo bar gudahooda siyaabo kala duwan loogu dilay daagalada ka socda dalkaasi Yeman.

Markab siday gargaar dhan 5-kun tan oo bur ah ayaa shalay ku xirtay Dekad ku taal magaalada Al-xudeydiya ee dhacda waqooyiga dalkaasi , waana markabkii ugu horeeyay ee gargaar gaarsiya dalkaasi tan iyo markii sacuudiga ku soo rogay xayiraada dalkaasi yeman.

Madaxda dalalka Qadar iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha Gobolka Bariga Dhexe

0

Muqdisho( SONNA) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani oo khadka isgaarsiinta ku wada xiriiray ayaa ka hadlay  xaaladda dalka Suuriya iyo qadiyadaha caalamka sida laga soo xigtay Madaxtooyada dalka Turkiga.

Sidoo kale Labada hoggaamiye ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,xiisadda mandiqada iyo waxyaabaihii ka soo baxay kulankii todobaadkii tagay dhex maray iyo waxyaabihii ay ku heshiyeen hoggaamiyeyaasha labada dal Turkiga iyo Ruushka.

Waxayna labada dhinac ugu baaqeen mucaaradka Suuriya inay ka qeyb galaan shirka dhexdhexaadinta dhinacyada dagaalka isaga soo horjeeda Suuriya oo la filayo inuu dhawaan ka dhaco dalka Ruushka.

Dhanka kale Madaxweynaha Rushka Vladimir Putin ayaa la sheegay in xiriirka xagga khadka Taleefoonka ah uu la yeeshay Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani  ayna ka wada hadleen arrimaha shirkaasi dhexdhaxaadinta ah ee la filayo inuu ka qabsoomo dalka Ruushka iyo waliba arrimaha xiriirka labada dal ka sokow midda dowliga ah.

Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab oo ka qaxay deegaano ka tirsan Gobolada Jubooyinka iyo Shabeellaha Hoose

0

Muqdisho(SONNA) Janaaral Max’ed Axmed Tareetisho oo kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga Dalka ee Gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in ay ka war-hayaan firxadka maleeshiyada argagixiisada Al-shabaab ee kaso caraaray Shabeelada hoose,  Gado, Jubada Dhexe iyo Jubada hoose ,ayagona doonaya in ay ku dhumaaleystaan  deegaanada hoostaga Gobolada Hiiraan,  Mudug iyo Galgaaduud.

Janaaral Max’ed Axmed Tareetisho ayaa intaasi raaciyaay in ay doonayaan argsgixiisadu in ay ugudbaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud balse ay u diyaarsan yihiin ciidanka xoogga dalka sidii ay uga hor istaagi lahaayeen argagixisada dhibaateynta Shacabka,islamarkaana  Shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagi doonaan.

Wuxuu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya iney ku taageerto sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa haraadiga Kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo hadda bilaabay iney firxadaan.

Dhanka kale,dad shacab ah oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in deegaano ay ku sugan yihiin ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka baxsanaya,islamarkaana hubkooda ay ka uruursanayaan.

“Firxadka Horjoogayaasha Shabaab ayaa bilaabay iney ka cararaan goobihii  ay kaga dhuumaleysanayeen Gobolada Koonfurta,ka dib markii ay dareemeen culeys kaga yimid Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda”,sida ay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay u xaqiijiyeen dad shacab ah oo ku kala sugan deegaano kala duwan.

Xuska Dhalashada Nabi Muxamed (NNKH) oo lagu qabtay Mareynkanka+Sawiro

0

Columbus(SONNA) Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsanaydee Nebi Muxamed (NNKH).

Culumaa’udiinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada ee Nebiga (NNKH) oo ay ku jireen kuwo aan Soomaali ahayn ayaa ku dheeraaday sida ay muqadas ama lagama maarmaan u tahay in la barto sunadii Nebiga iyo saxaabadiisii loogana baahan yahay waalidiinta qoysaska Muslimka gaar ahaana Soomaalida in ay caruurtooda ku ababiyaan ayna baraan wadadii Rasuulkeena SCW.

Qaar ka mid ah Culimadii xaflada ka hadashay ayaa carabka ku adkeeyey dhibaatooyinka iyo falalka ay geysanayaan dad ku andacooda in ay Islam yihiin ee loo geysto dad Muslimiin ah iyo kuwo aan Muslim ahayn,taas oo ay ku tilmaameen in aysan marnaba qeyb ka ahayn dhaqanka iyo Sunadii Nebi Muxamed SCW loona baahan yahay in si cad looga soo horjeesto falalkaas guracan ee ka dhan ka ah Diinta Islaamka, ayagoo tusaale u soo qaatay qaraxii lala beegsaday Masaajid ku yaala Dalka Masar oo ay ka dhaceysay Xaflad midaan oo kale ah.

Caruur ay da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 15 jir oo kaga qeyb galay Munaasabada lagu wenaynayo dhalashada Nebiga SCW su,aalo iyo jawaabo ku saabsan taariikhda suuban ee Islamka ayaa soo jeetay dareenka ka soo qeyb galayaasha ayagoo si qurux badan u soo bandhigay Taariikhda dhalashada Nebiga oo dhameystiran.

Isu imaatinada lagu weynaynayo dhalasha Nebigeena Muxamed SCW ayaa lagu qabtaa caalmka oo dhan waxaana lagu tilmaamaa in ay muhiim u tahay Ummada Muslimiinta si aan maanka looga saarin ku dayashadda tilmaamihii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee Rasuulka SCW.

Induniisiya oo ku baaqday in feejignaan laga galo Halista Folkaano laga cabsi qabo

0

Muqdisho( SONNA) Dowladda Induniisiya ayaa ku dhawaaqday  feejignaantii ugu sareysay ee la geliyo jasiiradda loo dalxiiska taga ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabo in folkaana uu halkaasi ka qarxo.

Waxaa gebi ahaanba la xiray garoonka kaliya ee ku yaalla jasiiraddaasi,waxaana looga digay in duulimaadyada sidoodii u sii socdaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Induniisiya ayaa sheegay in cirka uu is qabsaday Qiic iyo Uuro u midib eg deebta (Ash),waxaana si cad ah loo arki karin buuraha ku teedsan magaalooyinka qaar.

Waaxda Qaran ee maareynta masiibooyinka ayaa sheegeysa in folkaanaha buurta Agung uu hadda ku dhow yahay in uu qarxo, waxaana maadooyin shiilan la arkay iyaga oo ka burqanaya afka folkaanaha.

Daruur ka samaysan uumi ka baxay folkaanaha ayaa gaaray joog gaarsiisan 4,000 oo miitar

Mas’uuliyiinta ayaa dadka ugu qaabay in 12 kilo mitir aysan u soo dhaafin buurtaasi.

Boqolaal kun oo qof ayaa la geeyay guryo ku meel gaar ah.

Folkaanaha buurtaasi ayaa markii ugu dambeysay qarxay sanadkii 1963, waxaana xilligaasi ku dhintay 1600 oo qof.

Waa markii ugu horeysay oo Xukuumadda Induniisiya ay soo saarto digniin ku aadan in feejignaan sare laga galo Jaziirada loo dalxiis tago ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabno in folkaano uu halkaasi ka qarxo,waxaana shacabka lagu amray iney dhulalka looga cabsi qabo folkaanaha ka sii fogaadaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles dhawaan ayay nagu soo wareejinaysa maxaabiista”+Sawirro

0

 Seychelles(SONNA) Mudane Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaliya ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ku booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran,kuwaasi oo ku xukuman sannado kala duwan ka dib markii lagu eedeeyey burcadbadeednimo.

Waxaa laga soo qabtay xeebaha Soomaaliya,Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa,sida uu sheegay Wasiir Yuusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitterka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Inta kale oo ay u dhimmanyihiin  sannado xabsi ah,balse Mas’uuliyiinta Seychelles ay diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.

“Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl,Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona”.Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Yuusuf Garad Cumar oo ka hadlayay xaaladda nololeed iyo qaabka loo daryeelo maxaabiistaasi ayaa yir”

“Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah,Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood,Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo.”Ayuu intaasi kudaray Wasiirka.

Dhalinyaradaasi ayaa dhanka kale waxaa ay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato,islamarkaana wax hub ah laguma arag doontooda,balse waxaa ay sheegeen in markii uu matoorka ka ciladoobey ay doontu ula sabeysay jeho kale.

“Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah,Faahfaahin badan hadda kama bixin karo,Baaritaan ayaa ku socda,Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa
Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa,  toosa oo isku tiirsada,Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.” Wasiir Yuusuf Garaad ayaa hadaladaasi ku soo geba gebeyeey warbixinta ku aadan maxabiistaasi.

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

0

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga  kula kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ayaa sidoo kale magaalada Riyad uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  oo khudbad ka jeediyey shirka  ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidee ayey Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Q.S.S u qaadaa kiisaska soo gaara?

0

Muqdisho (SONNA), Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad soo kabasho oo dhan kasta ah, waxaa soo hagaagaya addeegyada garsoorka, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada kuwaasi oo dhibaato badan dadka shacabka ah ay ku qabi jireen muddo badan.

Qormadaan waxaan ku eegeyaa isbadalka  sida xowliga ah ku socda ee hadda ka hana qaaday  Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ,qeybaheeda  darajadeeda koowaad iyo midda sare  oo ku guuleystay kiisas  culus inay  qaadaan, iyaggoo cadaaladda iyo sharciyadda dalka uu leeyahay aan dhinac mareynin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad  ee C.Q.S, G/sare Xasan Cali Nuur shuute, waxaa xilkaasi loo magacaabay 24 September 2014, biloow ilaa iyo dhammaad waxbarashadiisa dalka ayuu kusoo qaatay, waa dhalinyaro firfircoon oo har iyo habeen u istaagay in saldhigga ay ka duulaan uu noqdo cadaalad iyo in meesha ay ka baxdo qof jecleysi ama  xeer jajab in lagu dhammeeyo kiisaska maxkmadda loo soo gudbiyey.

Garsoorka Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay xaliyaan isbuuc kasta kiis dacwadeed gaaraya Lix ilaa iyo Todobo, kuwaasi oo isugu jira kuwa ay galeen Ciidamada qalabka sida iyo Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab, waxay arrintaasi ku tusineysaa in guddoonka Maxkmadda ay ka go’antahay in la dardar galiyo howlaha Maxkamadda.

Kiis walba meeshii uu ka dhacay ayey maxkamadda tagtaa, si halkaasi xukunka uu uga dhaco, waxaana ognahay  kiisas kala duwan inay ku qaaday qaar kamid ah gobolada dalka sida Maamulada Koonfur-galbeed Hirshabeelle iyo Gal-mudug, iyaddoo maxkamadda magaalooyinkaas ay ka fulisay xukuno kala duwan oo ay galeen Askar dowladda ka tirsanaa iyo kuwa Maleeshiyada Alshabaab ka tirsanaa.

Eedeysanaha dambiyada  ciidanka ku saabsan gala waxaa marka hore kiiskiisa qaada Maxkmadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, qareen ayaa loo qabtaa, xeer ilaalinta Maxkamdda ayaa dambiyadii uu galay kusoo oogta, waxaana garsoorka maxkamadda uu dhageystaa kiisaska la keenay, marqaatiyaasha, xeer ilaalinta iyo qareenada eedeesaneyaasha loo qabtay, iyaddoo dood dheer kadib maxkamadda go’aan ay  ka gaarto kiis dacwadeedka markaasi taagan, sidaasi ayuuna xukunka u dhacaa, intaasi waxaa dheer in qofka la xukumay uu qaadan karo racfaan, si qodobadii lagu eedeeyey dib loogu soo baaro, kiiskaasi ayaana ka gudba maxkamadda darajada koowaad ee CQS, waxaana uu u gudbaa Maxkamadda Sare ee C.Q.S.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, G/sare Xasan Cali nuur Shuute, oo la weydiiyey su’aal aheyd

waxaa la idinku eedeeyaa  dadka eedeysaneyaasha ah in aydan u qaban  qareen difaaca oo iyagga ay keensadeen, balse aad u qabataan qareen dhanka Maxkmadda u janjeera”  isagoo ku jawaabay:-

Arrinta la xiriirta qareenka waa arrin sharci ah, garsoore  ama guddoomiye maxkamadeed sidduu doono kama yeeli karo, waa arrin dastuuri ah, qofka markii dambi lagu eedeeyo waxuu xaq u leeyahay inuu qareen helaa, haddii uu qabsan Karin waxaa waajib ah in dowladda ay u qabato, kiisaska qaar waxaan sameynaa in eedeysanaha aan u qabano labo qareen ah, dacwo hufan  oo cadaalad ah ma dhici kareyso haddii aan la helin cidda eedeysanaha Eedeyneysa oo xeer ilaalinta ah  iyo cidda difaaceyso Eedeysanaha oo qareenkii ah iyo maxkamadda oo ah qoortii labada garab u dhaxeysay” ayuu yiri guddoomiye Shuute

Markii shaqada maxkamadda ay laba jibaarantay waxaa yaraaday kiisaskii tirada badnaa ee waqtiga badan lagu bixin jiray xalintooda, kuwaasi oo ah in loo fariisto dacwad ku saabsan Askari kufsi geeystay, askari qof dilay iyo Askari isbaaro dhigtay, waxaana kiisaska hadda la qaado ay u badan yihiin arrinta maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Alshabaab, taasi oo ku tusineyso in maxkamadda ay la jaan qaaday xaaladda dalka  ee ku saabsan dagaalka ka dhanka ah nabad diidka, waxaana gasha ka baxsan  seefta cadaaladeed ee Maxkamadda, mana jirto cid dambi gashay oo seeftaasi loogu turaayo sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Eedeysaneyaasha racfaanka ka qaata xukunada Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida, ayaa waxay u gudbaan Maxkamadda sare ee Ciidamada, si looga dheeraado in qofka eedeysanaha ah isaggoo aan ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada xukunkaasi lagu oofiyo, haddaba markii  Maxkamadda sare uu usoo gudbo siddee loo wajahayaa kiiskaas?

Xaaladdiihii maxkmadda darajada koowaad uu kusoo maray  ayuu marayaa mar kale, kiiskiisa ayaa dib loo baarayaa, baaris dheer kadib haddii Maxkamadda ay usoo baxdo in xukunka ku dhacay eedeysanaha ee racfaanka uu ka qaatay uu sax ahaa ay ku xukumeyso isla xukunkaasi mar kale, balse haddii baarista maxkamadda sare ay kusoo baxdo dambiyo kale oo dheeraad ah eedeysanahaasi xukunkiisa ayaa ka adkaanaya kii horey ugu dhacay, dad waxaa jira markii la baaray kiisaskoodii dambi lagu waayey oo la sii daayey” mid kamid ah garsoorayaasha  Maxkmadda ciidamada ayaa siddaasi inoo sheegay .

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in guddoonka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay iska fogeeynayaan in eedeysane la dulmiyo oo dacwo uusan laheyn dusha laga saaro, iyaddoo kii galayna la fasaxayo, arrinta ugu muhiimsan waxaa ah in marqaatiyaasha garsoorka la horkeeno dhammaantood lagu dhaariyo Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxaana la weydiiyaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan kiiska la qaadayo markaasi, si hadalka marqaatiga loo kala saaro oo run iyo been midkuu sheegayo loo hubiyo, dabagalna loogu sameeyo.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa wacyi galin u sameeya Ciidamada qaranka, waxaana kamid ah in la baro sharciyada muhiimka ah ee Ciidanka iyo ilaalinta anshaxa iyo gudashada waajibaadkooda, si ay uga dheeraadaan wax kasta oo ka hor imaanaya qawaaniinta dalka uu leeyahay.

Lama qarin karo wanaagga maxaa yeelay si dhaqso ah ayuu  ku faafaa, bulshadana uu u gaaraa, Shacabka Soomaaliyeed ayaa xaqiiqsaday in tuhunkii jiray uu dhammaaday oo ay arkeen garsoor u tafaxeytay cadaalad iyo ku dhaqan sharci, waxaana ay fal celintooda noqotay inay boggaadiyaan shaqada adag ee qaranka ay u hayaan, Guddoomiyaha Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan cali nuur shuute, Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee Ciidamada qalabka sida S/guuto Liibaan cali yaroow, garsooreyaasha iyo xeer ilaalinta Maxkamadda.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Itoobiya oo xirtay 103-Qof oo la xiriirinayo iska hor imaadka gobolka

0

Muqdisho(SONNA) Dowladda Itoobiya ayaa xirtay 103-Qof oo lala xiriirinayo dagaalo dhawaan ka dhacay Xuduudaha Labada Gobolka ee Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada,sida  uu Sarkaal ka tirsan Xukuumadda u sheegay Wakaalada Wararka ee Xinhua.

Isagoo la hadlaayay Wariyaasha, Negeri Lencho, oo ah Wasiirka Warfaafinta  ee Itoobiya (GCAO), ayaa sheegay in la xiray  98-tuhmane oo ka soo jeeda gobolka Oromia iyo shan tuhmane oo ka soo jeeda Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wuxuu intaas sii raaciyay in xaaladda xudduudaha ee labada dawlad goboleed ay si aad ah u xasiliyeen inkastoo wali ay jiraan xaalado adag.

Dagaal culus oo ka dhacay xuduudda Dowladda Goboleedyada Oromida iyo Soomaalida bishii Sebtembar ee ku saleysnaa Qowmiaydda Labada shacab ayaa galaaftay geerida dad badan halka kumanaan kale ay ku barakaceen.

Xukuumadda Adis-ababa ayaa sidoo kale shaacisay iney qaadeyso talaabo kale oo lagu xakameynayo ganacsiga sharci darrada ah ee qaadka sababo kale oo khilaafka la xiriira.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo badan oo adkeeya amaanka geysay deegaanadii dhawaan ay ku dagaalameen Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromida ee dega dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulan amniga ku saabsanaa

0

Kismaayo(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (AXmed Madoobe) ayaa maanta shir Guddoomiyay kulanka Golaha Amniga heer Dowlad Goboleed oo noqonaya kii ugu horeeyay oo qabsooma tan iyo markii golahan la dhisay.

Labada Madaxweyne ku xigeen Taliyayaasha Ciidamada iyo qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ee golahan ku jira ayaa ka qayb galay kulankaasi

Waxaa siweyn loogu falanqeeyey kulankaasi Xaaladaha Amniga ee Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada oo ay aad u gorfeyeen golaha amniga Jubbaland,iyagoo isla soo hadal qaadey dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab.

Kor u qaadista dhaqaalaha deegaanka Cadaalada iyo garsoorka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday inta uu kulanku socday,iyadoo la isku raacay in la dardar geliyo sidii Ciidamada Jubbaland loo tayayn lahaa si loo dadajiyo hawlagalada dhawaan bilaabanaya,kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in Shabaab laga saaro dhamaan dhulka ay ku suganyihiin.

Deegaanada Jubbaland ayaa kamid ah Gobaha ay ka soconayan howlgalada ka dhanka ah Shabaab,waxaana jira Shabaab badan oo la sheegey in ay ka firxanayaan goobihii ay ku sugnaayeen kadib markii ay dareemeen culeys kaga Imaanaya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Saaxiibada Soomaaliya oo duqeymo ku beegsanaya SHabaab