Maxkamada sare ee CQ oo ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada 1-aad ugu xukuntay Ex-G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed

Date:

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay danbiile gacan ku dhiigle Ex-Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed ka dib markii lagu helay dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Sareeye Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u akhriyay Xukunka.

“ Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay racfaanka Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyihii raxanta doomaha ciidamada Badda Xoogga dalka Soomaaliya,markii ay aragtay Xukunka Maxkamada darajada koowaad ciidamada Xoogga dalka ee soo baxay 20/2/2018-ka,oo ay ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed dil toogasho ah.”

Wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Sareeye Guuto Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha Ex-Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed inuu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ay ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida horay ugu xukuntay danbiile C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

C/naasir Xoosh Jabriil oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino),sidaasina u geeriyooday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...