Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ballaaran ka bilaabay G/Shabeelada Dhexe

Date:

Howlgal ballaaran oo ka dhan ah Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka bilwoday deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe,iyadoo waqtiyadii ugu dambeeyey Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay fariisimo military ka sameystay deegaanno dhowr ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolkaasi.

Goobaha ay ciidamadaasi saldhigyada ka sameysteen waxaa kamid ah deegaanada Gololey iyo Haanshiikh oo kamid ah goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen Maleeshiyada Alshabaab,Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Jowhar Abuukar Maxamed Bacaadle oo la xiriiray qar kamid ah saraakiisha Xooga Dalka oo howlgalkaasi hogaaminaysa.

Saraakiisha ayaa ujeedka ay ciidamadaasi fariisinka uga sameysteen halkaasi ku sheegay in ay tahay ka hortaga dhibaatooyinka Alshabaab ay ka geystaan waddooyinka inta lagu guda jiro safarka,kuwaasi oo shacabka ku dhibaateeya qaraxyada dhulka lagu aaso iyo weeraro gaadmo ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soconayay qorshayaal iyo dadaallo ku aadan sidii loo sifeyn lahaa waddooyinka ay ku sugan yihiin argagixisada Alshabaab.

Howlgaladani military ayaa waxbadan ku soo kordhin kara sidii looga hortagi laha qataraha Maleeshiyaadka Alshabaab ay u soo maleegaan dadka Shacabka ah,waxaana arintani ku timid kulamo wadatashiyo ah oo horey u dhexmaray maamulka Hirshabeele,saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...