Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kormeer ku tagay Isbitaalka Erdogan ee Ex Digfeer kulane la qaatay madaxda isbitaalka iyo bukaanada ku jira

Date:

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra”iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa ujeedada kormeerkiisa waxa ay ahayd u kuurgalida Xaalada caafimaad ee dadka ku jira Isbitaalka iyo qaabka wax loogu qabanayo..

Maamulaha Isbitaalka iyo Dhaqaatiirta oo isugu jira Soomaali iyo Turki ayuu warbaxin ka dhageystay Ra’iisul Wasaare Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana ay sheegeen Maamulka Isbitaalka in si wanaagsan loogu adeego Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeegyada caafimaad u yimaada.

Intaasi ka dib ayuu Mudane Mahdi Maxamed Guuled Khadar wuxuu wareystay xaalada bukaanada ku jira Isbtaalka sida ay tahay iyo qaabka loogu adeego, wuxuuna u rajeeyay caafimaad deg deg ah inuu ilaah siiyo dhaawacyada ku jira Isbitaalka.

Booqashada Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu maanta ku tagay Isbitaalka Digfeer waxa ay qeyb ka tahay kor joogteynta iyo hubinta  adeegyada bulshada Soomaaliyeed in si wanaagsan u gaaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....