shirkadaha duulimaadyada oo soo dhaweyay qorshaha ay wasarada duulista kula soo wareegtay arimaha xujeyda

Date:

Mas’uuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada ayaa soo dhaweeyay qorshaha ay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee X. F. Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka arrimaha xujeeyda iyo Cumrada, kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho oo loga hadlayay arimaha xujeyda.

Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibbi oo ka hadlay kulanka ay soo qabanqaabiyeen mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ayaa ku ammaanay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixiyeen dib ula soo wareegidda maamulka arrimaha Xajeyda mudo 27-sano kaddib, waxa uuna ku bogaadiyay shirkadaha ka shaqeeyo arimaha xajka in dowlada ay la shaqeeyaan.

Sidoo kale Xildhibaan C/casiis “Dhegaqool’ oo isna ka kadlay kulankaasi ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay ayideen qorshaha wasaaradda ay ku maamuleyso arrimaha Xujeyda, isagoo xusay in wadashaqeynta wasaaradda iyo shirkadaha diyaaradaha ay xujeyda u fududeyndoonto gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Waa sanadkii koobaad ee 27 sano kaddib ay dowladda Federaalka Soomaaliya dib ula soo wareegto maareynta arrimaha Xajeyda, taasina waxey ku timid dadaal dheeraad ah oo taabbagelinta arrintaasi ku bixiyeen madaxda dowladda jamuuriyada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...