Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kula kulmey madaxda shirkadda duulimaadka Turkish Airlines.

Date:

Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines.

Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Shirkadda Turkish Airlines waqtiyadii kala duwanaa ay soo martay,wuxuuna Wasiir “Oomaar” uu booqday qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Turkiga Airlines.

Wasiir “Oomaar” iyo wafdigiisa ayaa warbixino ka dhagaystay Madaxda Shirkada Turkish airlines waqtiyadii ay soo martay iyadoona wasiirka uu booqday qeebaha ay ka koobantahay Shirkada Turkish airlines .

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad “Oomaar” oo warbaahinta kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in kullan mira dhal ah uula yeeshay madaxda shirkadda Turkish Airlines,isagoona hoosta ka xariiqay in booqashada xarunta shirkadda wax badan ka caawin doonto.

Captain Caydaruus oo ka mid ahaa Duuliyeyaashii Soomaali Airlines ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed wax badan ka faa’idi doonaan dib u soo celinta diyaaradda Soomaali  Airlines.

Waxa socda dadaallo xooggan oo la doonayo in lagu mataaneeyo labada Wasaaradood, iyadoona Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya  laga caawin doono arrimo badan waxa jira kullan uu Wasiir “Oomaar” la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...