Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatay duqa magaallada Ankara

Date:

Guddoomiyaha oo dalka Turkiga kulamo kula qaadanaya qaar ka mid ah Maamullada Degmooyinka iyo Gobollada dalkaas ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay sidii Degmooyinka Gobolka Benaadir ay uga faaiideysan lahaayeen khibradaha shaqo ee dhiggooda dalka Turkiga iyo sidii loo soo gaarsiin lahaa aaladaha casriga ah ee ay adeegsadaan Dawladaha Hoose ee dalkan.

“Duqa magaalada Ankara, waxaan u bandhignay qorsheyaasha aan doonayno in ay si dhow noogala shaqeeyaan oo ay ka mid tahay casriyeynta shaqada iyo adeegyada Dawladaha Hoose, annaggoo xoogga saareyna hannaanka baahinta adeegyada asaasiga ah iyo qorshayaasha la xiriira faya dhowrka.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolku ayaa uga warbixiyey dhiggiisa magaalada Istanbuul oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah ganacsatada dalkaas, fursadaha maal gashi ee ka jira Gobolka Benaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonyihiin hannaanka maal gashi ee shirkadaha iyo ganacsatada dalka Turkiga.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiye Yarisow, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...