Wasaarada arimaha gudaha oo daah furtay shirka aqoon iswiidaarsiga federaaleynta

Date:

Aqoon isweydaarsigan ku saabsan xiriirka federaaleynta oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka socday maamul goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Benaadir, Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Gudaha Federalka iyo dib u hishiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud ayaa ugu horey sharaxay waxa loga hadli doono maalmaha uu socdo aqoon isweydaariga.

“Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ka go’an in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana loo baahanyahay inaan wax badan ka kororsano fikradaha ay is weydaarsanaaan ka qeyb galayaasha” ayuu yiri Agaasimaha guud.

Qaar kamid xubnaha matalayaay maamul goboleedyada iyo Xoghayaha guud ee Gudiga madaxa Banaan ee xuduudaha iyo Federalka Liibaan Cali Salaad ayaa u mahadceliyay Wasaarada arrimaha Gudaha oo ka shaqeyneysa howlaha culus ee federaaleynta.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimha Gudaha, Federalka iyo dib u  hishiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cabdullahi Faarax Wehliye ayaa si rasmi ah furay madasha aqoon isweydaarsiga ee ku saabsan Arrimha awoodda dowladda Goboleedyada iyo Dolwada dhexe marka laga eego Federaaleynta dallka, waxaana uu sheegay in ay muhiimtahay la barto Federaaleynta aduunka ka jirto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Laftagareen oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdıcasııs Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulamay madax ka socotay Dowladdaha Kuwait Emaraatka iyo Mauritania

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo kulan dhiirigalin ah Aqalka Dowladda Hoose ugu sameeyay mid kamid ah dhallinyarada hal abuurka leh

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Wasiirrada Beeraha iyo Deegaanka oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada ee Malco Foods

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Xil. Maxamed...