Wasiirka Gaashaandhiga xukumada soomaaliya oo shaaciyay ciidamada Imaaraadka tabaray in dowlada la wareegtay

Date:

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Ciidamada ay tababarka siisayaan Dowlada Imaaraadka si buuxda ula wareegi doonto Dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in qorshahooda la diyaariyay isla markaana lagu kala dari doono Guutooyinka Ciidanka Xoogga dalka uu leeyahay.

“Dowlada Soomaaliya guud ahaan ciidamada oo dhan xil ayaa ka saaran Ciidamada Imaaraadka tababaray qorshahooda waa la diyaariyay, Numberadooda waa la diyaariyay haduu alle yiraahdo Guutooyinka ayaa lagu kala dari doonaa, dowlada Soomaaliya ayaana la waraageysa, waxaana lagu aadin doonaa Munaasabada dabaal daga 12April”. Ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaaliya ay masuuliyad ka saaran tahay Xaquuqda dhamaan Ciidanka, ayna waajib ku tahay inay bixiso Mushaaraadkooda, isagoo u mahad celiyay Dowlada Imaaraadka.

“Anaga ka dowlad ahaan waajibkeena waxa waaye inaan kaafaalad qaadno inaan ciidankeena mushaar siino masuuuliyadeena maaha inaan dad kale ku dhibno, waan kaga mahad celineynaa dowlada Imaaraadka Tababarka ay siiso ciidamadeena iyo garab istaaga hagar la’aanta ah”

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay diyaar garow ugu jiraan u dabaal daga sanad guudara 58-aad ee aas aaska Ciidanka Xoogga dalka oo ku began Maalinta beri ah oo Taariikhda ay tahay 12-April, waxaana uu sheegay in ciidanka ay sameyn doonaan Dhoola tus iyo Tababar.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...