Madaxweynaha Kenya oo balan qaaday inuu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV);- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ballan qaaday in dalkiisu uu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay in xasilloonidoodu ay asaas u tahay nabad galiyada dalkiisa.

Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal qani ah ay dhibaato ku hayaan dad Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaya Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,wuxuuna balanqaaday in Kenya ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya, si ay u sii xoogeysato hannaanka dowladnimo ee ka jira.

“Waxaan ka shaqeynay in aan xaqiijinno garab istaagga Soomaaliya iyo in ay hesho taageero ku haboon caqabadaha hor yaalla, waan sii wadaynaa in aan arrinkas ka shaqeyno. Soomaaliya waa taageernay, waana sii wadi doonaa inaan gacan ka geysano in shacabka Soomaaliyeed ay dhistaan dawlad adag oo xasiloon.” Ayuu ku yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Khudbadda uu ka jeedeyey Mudanayaasha Baarlamaanka Dalkas

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa ammaanay Ciidanka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya,kuwaasi oo ka caawiya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada AlShabaab.

Mr. Kenyatta ayaa sheegay in danta Kenya ay tahay Soomaaliya oo degan,isagoona xusay in Soomaaliya uu yahay wadan dagaalo sokeeye aafeeyeen,balse si dhaqsi ah hadda u soo kabsanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...