Wasiir Iidaan “Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 3-da May maalinta xorriyadda hadalka”

Date:

Muqdisho, 03 Maajo, 2018—maanta oo kale 3-da May waa maalin ku weyn dhammaan bahda warfaafinta adduunka iyo midda Soomaaliyeed, macdamaa loo asteeyey in ay tahay maalinta xorriyadda hadalka, ugu horreyn waxaan hambalyo u dirayaa Warbaahinta Soomaaliyeed oo aan aaminsanahay in ay kaalin weyn ka cayaaraan in Soomaaliya ay ku faanto xorriyadda hadalka.

“maanta meesha aan ka joogno Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa, taas oo ku timid dhabar adeeggii ay u soo galeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kaleba kala soo kulmay hasa ahaatee mirihii  maanta la joogo”.

Waxaan uga tacsiyeynayaa dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed  saaxiibbadii ay ku waayeen iyaga oo ku taagan helitaanka xorriyadda hadalka, waxaana EEBBE uga baryeennaa in uu siiyo Jannadiisa Fardowsa.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay dhiiragalineysaa Xorriyadda hadalka iyadoo aan la leexaneyn xeerarka iyo shuruucda dalkaan u yaalla, dhowaan waxaan rajo weyn ka qabnaa in Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed uu ka soo gudbo goleyaasha sharci dejinta, marka uu madaxweynaha dalka saxiixana waa midka aan isku dhaqi doonoo oo aan heshiiska ku nahay.

Waxaa lagama maarmaan ah in warbaahinta Soomaaliyeed ay masuuliyad dheeri ah iska saaraan sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen horumarinta dowladnimada iyo dhismaha dalkooda iyagoo ka fogaanaya in loo adeegsado burburin iyo u adeegidda fikrad aan Soomaali aheyn.

Waxaan ugu baaqayaa Warbaahinta Soomaaliyeed in ay xil iska saaraan gurmadka dadka masaakiinta ah ee ay Webiyada Shabeelle iyo Jubba ku soo fataheen, gacanna la siiyo guddiga Qaran ee uu madaxda u yahay ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, dowladda Soomaaliya waxa ay ku yaboohdey lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo gurmadka looga qeyb-qaadanayo, warbaahintuna waxaa muhiim ah in ay mudnaanta koowaad siiyaan wararkaa ayna sameeyaan barnaamijyo gargaarka ku saabsan.

Wasaaraddu waxa ay ku howlan tahay isku xirka warbaahinta Soomaaliyeed, annagoo shirar ugu qabannay Muqdisho iyo Garoowe si loo dhiirageliyo loogana wada shaqeeyo danta dalka, taas oo waddada u xaareysaa fursad siinta xorriyadda hadalka si ay AKhlaakh ku jirto, lana dhowrayo Dastuurka  dalka iyo Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed.

Mar kale ayaan ku ammaanayaa Warbaahinta dedaalkooda wanaagsan, waxaana ku dhiiragelinayaa in ay sii wadaan howsha danaha dalka u adeegeysa.

 

                             ——DHAMMAAD—-

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo uu wehliyo Duqa Muqdisho ayaa Dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Dowladda oo war kasoo saartay Qarax saakay ka dhacay xero Damaayo degmada Hodan

WARSAXAAFADEED Saakay abaare 09:20am waxaa afaafka hore ee xerada Ciidanka...

Maxkamadda gobolka Baay oo xukun dil Toogasha ah ku riday Nin horay dil u geeystay

Maxkamada gobolka Baay ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadda kiis...