Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan maamuus ah u sameeyey Xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano

Date:

Muqdisho (SNTV), 3 March 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay Guddiga Ciyaaraha Qaranka, Macalimiinta, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahannada Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka yartahay 17 sano.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee heer Qaran, daadaalka ay muujiyeen iyo sida ay caalamka ugu soo bandhigeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lahaan karaan saaxada tartannada heer qaaradeed.

“Annaga waxa ay noo xisaabsan tahay in aad guuleysateen, sababtoo ah waxaad ka soo guuleysateen intaas oo dal, idinkoo dalkiinnu uu soo kabanayo ayaad ka badiseen dowlado badan oo aan bur bur ku dhicin, dowladahaas oo sannadadii aan bur burka ku jirnay iyagu soo dhismayey.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka iyo shaqaalha Wasaaradda Cayaaraha, dhallinyarada iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen da’yarta heer Qaran iyo guud ahaan cayaaraha dalka.

Xulka Da’yarta Qaranka ee U-17ka ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Koobka Qaaradda Afrika ee 17-jirrada oo saddex bilood kaddib fumi doona.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...