Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo ku aaddan Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka u diray Wariyeyaasha Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Saxaafadda Adduunka waxa uu u diray dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada Saxaafadda Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin wacyi gelinta bulshada, faafinta horumarka dalka, ilaalinta xasilloonida iyo midnimada shacabka.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda. Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey dhowrista xorriyadda hadalka, maadaama ay tahay xaq dastuuri ah oo muuwaadin kasta uu leeyahay, iyadoona dhanka kale ay waajib tahay in loo hoggaansamo sharciyada iyo xeerarka Qaranka uga dagsan Saxaafadda oo ay ka mid tahay Xeerka Warbaahinta Soomaaliyeed ee ay ansixiyeen Baarlamaanka dalka.

“Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay Bahda Saxaafadda in ay sii labo-jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...