Brussels, May, 03, 2018โ-ย Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen guddiyada Midawga Yurub u qaabishan Badaha, kaluumeysiga iyo gargaarka.
Kulanka hore oo looga wada hadlay sidii looga faaโiideysan lahaa khayraadka Soomaaliya, ayuu Raโiisul wasaare Khayre la yeeshay guddiga midawga Yurub ee arimaha badaha iyo Kaluumeysiga.
kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socota maamul gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Raiisul wasaare Kheyre waxa uu kusoo ban-dhigay qorshayaal ku saabsan sidii midawga Yurub uga taageeri lahaa Soomaaliya ka faaโiideysiga khayraadka iyo kalluunka.
intii uu socday kulanka, waxaa lagu lafa guray hanaanka ugu haboon ee si wadajir looga faaโiideyn karo shacabka Soomaaliyeed kalluunka iyo khayraadka badaha dalka.
Guddoomiyaha Guddida arimaha badadaha iyo kalluumaysiga Midowga Yurub, Karmenu Vella, ayaa soo dhaweeyey dadaallada xukuumadda ee ku aaddan in loo midoobo hanaanka Soomaaliya ay khayraadkeeda ula soo bixi lahayd ugana faaโiideysan lahayd si dalku u gaaro isku filanaansho dhaqaale.
Kulan kale ayuu Raโiisul wasaare Kheyre la yeeshay Gudoomiyaha guddiga gargaarka iyo kahor tagga musiibooyinka, Christos Stylianides, waxa ayna ka wada hadleen arimaha gargaagka gaar ahaan qaabka loo caawin karo kumanaanka kun ee daadadku barakiciyeen. Christos Stylianides ayaa ballan qaaday in midawga Yurub uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya.