Home Blog Page 1330

In ka badan 70 Qof oo u tartmaya inay xubin ka noqdaan Gudiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya ayaa Maanta u fariistay Imtixaan”Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Sameynta Gudiga Xuquuqul Isnaanka ee Madaxa Banaan waxaa uu soo maray marxalado kala duwan, balse hadda waxaa uu marayaa inay Imtaxaanka u fariisteen in ka badan 70 kuwaas oo u tartamaya inay qeyb ka noqdaan Gudiga Xuquuqul Isnaanka oo ka koobaan doona 9 Xubnood oo kaliya.

Waxaa Goobta Imtixaanka lagu qaadayey joogay Korjeegto heer caalami ah, Xildhibaano ka tirsan Labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Isnaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf  ayaa waxaa ay sheegtay in Gudigu ka koobnaan doono 9 Xubnood  oo hal Qof uu matalayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo 3 Dumar.

“Runtii arrintaan waxaa lasoo waday mudo dheer waxaana lala soo maray Marxalado kala duwan, waxaana u jeedadu aheyd in lahelo Guddi Xuquuqul Insanka ah oo Madax banana kaas oo sidoo kale dhamaan Soomaaliya ka shaqeeya hadda arrintu waxaa ay mareysaa meel fiican”.

Xildhibaan Maryan Maxamed Gurxan oo Ka tirsan Gudiga Xuquuqul Isnaanka ee Golaha Shacabka ayaa tilmaantay in Shaqo fiican lasoo qabtay haddana qaabka dadka lagu soo xulanayo ay aad u wanaagsan tahay taasna mudo badan laga shaqeynayey.

Marka lasoo dhameystiro Gudiga Madax Banaan ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka waxaa ay Dooran doonaan Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa oo dhexdooda ah, sidoo kalena waxaa la-horgeyn doonaa Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Soomaaliya si-ay u meelmariyaan, ugu danbeyntiina waxaa ay horgayaan Golaha Shacab si’iyana Codka Kalsoonida u siiyaan.

 W/Q Cali Axmed Sheekh

 

Raiisul-wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay maaalinta Qowmiyadaha Itoobiya +Sawirro

0

Addis abab(SONNA)-Raiisul-wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo ka qeyb-galay xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya ayaa hambalyo u diray dhamaan Qoomiayadaha dalka Itoobiya oo xuska sanad guuradooda ku begneyd shalay.

Raiisul-wasaare ku xigeenka Dalka ayaa yiri, “Soomaaliya iyo Itoobiya waa labo dal oo jaar ah, kuwaasi oo dhinacyo badan iska caawiya, Shacabka labada dawladoodna waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhan walba ah”.

Xafladaasi oo ka dhacday magaalada Samara ee gobolka Cafarta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa salaan uu kaga siday Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay dhammaan Madaxda iyo Shacabka qowmiyadaha Itoobiya, isagoo ku boggaadiyay inay sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo horumar.

Khadar wuxuuna intaasi raaciyay in Shacabka labada dawladoodna uu ka dhaxeeya ilaalinta amniga mandiqada Bariga Afrika iyo iskaashiga dhanka Ganacsiga.

Kuuriyada Waqooyi oo dhaleecaysay go’aanka Donald Trump ee Qudus.

0

Muqdisho(SONNA):–Afhayeenad u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa daboolka ka qaaday in go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku wajahan u aqoonsiga magaalada Qudus Caasimadda Israel uu yahay mid cadeynaya laba wajiilnimada dhabta ee Mareykanka.

Waxayne afhayeenadu talaabadaasi uu qaaday Mareykanka ku si feysay ku xad-gudub dhanka shuruucda Dowliga ah iyo kan mujtamaca bulshada caalamiga ah,uuna go’aankaasi mudan yahay cambaareyn Caalami ah.

Sida ay maanta qortay Wakaalada wararka ee Kuuriyada Waqooyi in qaraaka uu gaaray Donald Trump  uusan aheyn mid Kedis ah ee lala yaabo, balse uu daliil u yahay xaaladaha iyo dhagarta dhabta ee uu Madaxweyne Trump caadaystay in uu dunida kula dhaqmo,wuxayna intaa raacisay afhayeenada in cawaaqibka ka dhasha Ictiraafka Qudus ee Caasimada israel ay qaadayso dowladda Mareykanka.

Afhayeenadda waxay ka loo cadeysay in qadiyada shacabka falastiin ay tahay mid lama taab taan ah ayna lagama maarmaan tahay in lagu xaliyo hab cadaalad ku saleysan iyo xuquuqda Falastiin iyo waliba deganaasha mandiqada bariga dhexe.

Wuxayna Afhayeenadda u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kooriyada Waqooyi ay hadalkeeda ku  soo gaba-gabeysay  inay dowladeedu ay si adag u canbaaraynayso hab dhaqanka Madaxweynaha Mareykanaka ee ku wajahan Qudus, sidoo kale ay taagero hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka falastiin iyo dowladaha caraabta oo uu taagan in falastiin ay hesho xuquuqdeeda sharciga ah.

Sida laga warqabo arbacdii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu Madaxweynaha Maraykanka uu ku dhawaaqay in Qgus ay tahay caasimadda israel, isla markaana u rarayo Safaaradda Mareykanka, talabadaasi oo uu ka la kulmay canbaareyn caalami ah.

Israel ayaa waxay qabsatay magaalada Qudusta bari sanadkii 1967,iyadoo sanadkii 1980 ay Israel sheegtay inay ku darsatay Qudusta galbeed oo ay haysato ilaa sanadkii 1948 dii, iyadoo mujtamaca dowliga ah ay si adag uga soo horjeesteen talaabadaasi ay israel qaaday xiligaas.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciyaaraha waxay ka qeyb qaataan Nabadda iyo Horumarka dalka”

0

Waxaa si habsami ah u bilowday ciyaarihii maamul goboleedyada iyo Gobolka Benaadir, iyadoo sanadkan ciyaaraha ay martigalisay maamulka gobolka banaadir, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Dawaashada Cayaartan oo aheyd mid aad u xiiso badneyd ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan oo kala taageersanaa labada kooxood ee maanta lagu daahfuray tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada ee kala ahaa gobolka banaadir iyo Jubaland, Sidoo kale waxaa Garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolleedka Jubaland.

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay munaasabada daahfurka ciyaaraha ayaa sheegay muhimada ay ummadda u leedahay ciyaaraha iyo is dhex galka bulshada, wuxuuna ra’isal  wasaaraha dhiirigaliyay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo doorka ay ku yeelan karaa ciyaaraha, wuxuna sheegay in cayaaruhu ay ka qeyb qaadanayaan nabadda iyo horumarka bulshada.

“Ciyaaraha waxay ka qeyb qaataan Nabadda iyo Horumarka dalka. Ciyaaruhu waxay gacan ka geysan karaan sidii dhalinyaradu uga weecan lahayd fikradaha qalafsan iyo colaadaha, isla markaana kaalin weyn ugu yeelan lahayd horumarka iyo dib-u-dhiska dalka”.Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre, Wuxuu u mahadceliyey Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha oo xil wayn iska saartay qabsoomida tartankan iyo gobolka Benaadir ee martigeliyey sanadkan ciyaaraha.

 

Wasiirka Socdaalka Kanada oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Minnesota (Sawirro)

0

Minnesota(SONNA)-Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadanka Kanada, Axmed Xuseen Dirir oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ku dhaqan la yeeshay kulamo kala duwan.

Wasiirka ayaa ka hadlay ujeedada socdaalka uu ku joogo Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin, wuxuuna sheegay in uu u yimid arrimo badan oo ay ka mid tahay in Dowladda Canada ay u soo dirtay inuu la shiro Guddoomiyaha Gobolka, masuuliyiinta Golaha deegaanka iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaasi.

Wasiirka oo ka hadlaayay Xiriirka u dhaxeeya Canada iyo Maraykanka ayaa yiri, ” labada dal waxaa ka dhaxeeya arrimo badan oo ay ka mid tahay ganacsi ayaa ka dhaxeeya, ma aha in Dowladda sare oo kaliya, balse waa in lala kulmaa oo lala sheegeysta maamul goboleedyada, Minnesota-na dalka Canada ganacsi badan ayay la yeelataa, dhaqaale badan ayaa laba dhinac u gudba, waxaa kaloo aan u imid inaan Dadka ku dhaqan Minnesota ina aan u sharaxo siyaasadda Socdaalka Dalka Canada, isbedelka iyo waxyaabaha ay qabaneyso iyo waxa ay ku talao jirto”.

Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo ka jawaabayay su’aal la xariirtay sida ay Dowladda Canad u soo dhaweynayso dadka ka cararaya Maraykanka oo doonaya inay galaan Canada ayaa yiri, ” Canada waxaa weeye wadan furan oo ogol in Dad ajnabi ah qaataan oo ay ka shaqeeyaan Canada oo ay soo guuraan, laakiin muhiimaddu waxaa weeye in ay Albaabadii loogu talagalay soo maraan, waxaan diidan nahay waxaa waaye in shaqsiyaad ama Dad iskaya inay xuduuda soo gudbaan iyagoo aan soo marin meelaha loogu talagay, marka Canadna dan uguma jirto Maraykanka-na dan uguma jirto”.

Mar wax laga weydiiyay maxaad u qabatay inta aad Wasiirka ka tahay Dalka Canada Dadka Soomaaliyeed, ayaa yiri, ” wax badan ayaa u qabtay, balse aan sheego marka hore Soomaaliya Safaarad kuma laha Dalka Canada, marka haddii ay jiri laheyd Safaaraddu waxaa sii fiicnaan lahaa xiriirka labada Dal, waxaan u gudbiyay lacag waagii abaarta iyo siyaabo kale 119 Million oo Doolar aniga shaqsi ahaan aan Dowladda Soomaaliya u gudbiyay, lacagtaasi 21 Million oo ka mid ah waxaa loo qoondeeyay Soomaaliya , Dowladda Canada waxaad moodaa inay u soo laabatay Mucaawinadii ay Soomaaliya siin jirtay ay sii xoogeysatay”.

Maleeshiyada Al-shabaab oo boobay hantida Shacabka Ceel cadde

0

Muqdisho(SONNA)–Maleeshiyaadka argagaxisada Al -shabaab ayaa boob u geystay, islmarkaana qaatay hanti ay lahaayeen ganacsatada Deegaanka Ceel cadde ee Gobolka Hiiraan.

kooxadaasi Al -shabaab ayaa la sheegay kadib markii ay boobeen goobaha ganacsi in ay hore u sii wateen afar Ruux oo ka mid ah ganacsataada ku dhaqan deegaankaasi Ceel cadde, in kastoo ay markii dambe soo daayeen, balse ay qaateen hantidii tiilalay deegaankaasi, lama oga ujeedada ay u qaateen, waxaase la sheegayaa in Shacabka deegaankaasi ay yihiin kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, kana soo horjeeda Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, sidaasi daraadeed ayay ku baneysteen inay boobaan hantida Dadkaasi, iyadoo Hantida la boobay ayaa isugu jirta Raashin, bagaash iyo waliba shidaal, waxaana lagu soo waramayaa inay hantidaasi geysteen Tuulada Buq-aqable.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed Geeddi ayaa sheegaya in Dadka Deegaanka Ceel cadde dhawaanahaanba dagaal kula jiray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, waxayna ahaayeen kuwo iskood isku hubeeyay, kadib markii ay u adkeysan waayeen, doonayana inay ka hortagaan dhibaatada ay ku hayaan Dadweynaha ku dhaqan Deegaankaasi, iyadoo dhacdaasi kadib ay shacabku isku booriyeen in mar kale la is abaabulo, si aysan mar dambe ugu soo noqon dhibaatadaan oo kale.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa mar walba dhibaatooyin kala duwaan u geeysta shacabka ku nool Degaanada ay gacanta ku hayaan ama aan laga teegeersaneyn.

QM oo cambaareysay go’aanka Madaxweyne Trump

0

Newyork(SONNA) Kadib shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa kaasi oo looga hadlayay Arinta Qudus ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go’aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dhanka kale Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa ururkaasi ku dhaliishay inuu wax u dhimayo hannaanka nabadda looga dhalinayo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go’aanka Madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.

Go’aanka Trump ayaa waxaa dhaliilay dalal badan oo caalamka, ayna ka mid yihiin kuwo xulafo dhaw la ah dalka Maraykanka.

Dhanka kale, gantaal laga soo riday marinka Qaza ayaa ku dhacay magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil, ayadoo ay weli socdaan rabshadaha ka dhashay arrinta Qudus.

Lama sheegin khasaaro nafeed oo uu geystay gantaalkaasi, balse waxaa uu burburiyay gawaari dhowr ah.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ganacsato ka socda Afrika ay maalgashi u imaan doonaan Soomaaliya

0

Masar(SONNA) Magaalada Sharmal Sheekh ee Dalka Masar ayaa waxaa weli ka soconaya shirkii looga hadlayay arrimaha ganacsiga Qaaradda Afrika,iyadoo hoggaamiyaasha Afrika ay diiradda saarayaan horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika.

Waxaa bar-bar socda shirkaasi oo Soomaaliya uga qeybgalayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo,kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar,waxaana Soomaaliya loo balan qaaday in ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dalka Masar ayaa la kulmay ganacsatada Afrikaanka ah iyo masuuliyiinta wadamada Afrika qaarkood, waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ganacsiga.

Wasiirka Wasaarada qorsheynta,maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.

R/Wasaare Khayre”Ciyaaraha waa guul iyo horumar bulshadu ay ku socoto”

0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga bilowday tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Dowlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa madaxda dowladda Soomaaliya waxaay ay arrintani kutilmaameen talaabooyin guul iyo horumar u ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisull Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay habsami u socodka tartankan ciyaaraha Kubadda Cagta ayaa sheegay in ay yihiin ciyaaraha kuwo muujinaya horumarka iyo isdhexgalka bulshada.

 

Mudane XAsan Cali Khayre ayaa bogaadiayay ciyaaraha Soomaaliya,maadaama ay qeyb ka yihiin jaranjarooyinka lagu gaaro horumar amni iyo isdhexgal bulsho,waxaana hadalka uu jeediyay xili uu gelinkii dambe shalay uu ka qeybgalay tartankii ciyaaraha ee furitaanka oo dhexmaray kooxaha Jubbaland iyo Banaadir.

 

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo xaadirey garoonka waxaana dadka dareenkoodi ku jeheysanaa ciyaaraha socda iyo muhiimadda ay leeyihiin,taasi oo ku dareensiinaysa in bulshada ay u gudubtay dhinaca wanaaga in la isgudayda,lagana gudbo dhibaatada qabyaaladda iyo kalsooni darida.

 

Tartankan ciyaaraha oo ay soo qaban qaabisay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiinta xiriirka kubadda Cagta ayaa wareegii koowaad isku arkay kooxaha Banaadir iyo Jubbaland,ciyaartaasi oo aad u kululaydd kana dhacday garoonka Banadir Studium ayaa waxaa 2-1 guusha ay ku raacday Banaadir.

 

Waxaa lafilayaa in maanta ay ciyaaraan kooxaha ka kala socoda K/Galbeed iyo Hirshabeele.

Qaramada midoobay oo ka digtay xaalado adag oo weli ka taagan Purma

0

Geneva-(SONNA)-Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ka digtay Maanta oo Jimca ah in dib loo celiyo Dadka kasoo jeeda qoomiyadda Rohingaha ee ku sugan Dalka Bangaladhesh, iyadoo aan la hubin xaaladda goobaha la dejinayo oo ay weli ka jiraan tacaddiya ka dhan Muslimiinta laga badan yahay.

Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa sheegtay in marka hore Gobolka Waqooyiga Purma ee Rakhiin laga shaqeeyo ammaankiisa iyo xasiloonidiisa inta aan Muslimiinta reer Rohinga laga soo daabulin Bangaladhesh.

Afhayeen u hadlay jimciyadda qarumaha ka dhaxaysa laanteeda qaxootiga oo lagu magacaabo Adrian Edwards, ayaa sheegay inaanan Dadka dib loo celin karin iyadoo aan la hubin xaaladda Gobolka Rakhiin ee ay Rohiinguhu degaan.

Bilihii Novembar iyo Decembar ee Sanadkan ayaa la sheegay inay gudaha Dalka Bangaladhesh gaareen 646,000 Qof, kuwaas oo ka cararay gabbood-fallada ka jira Dalka Mynamar sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.

Isha: Reuters