Home Blog Page 1330

Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM oo ka qayb qaadanaysa samata bixinta Dadkii ay saameeyeysay fatahaadda Webiga Shabeelle

0

Baladweyne-(SNTVA)- Ciidamada nabad ilaalinta Dalka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay Magaalada Baladweyne ka daad gureeyeen 10,000 oo Qoys oo ay saameysay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, ayaa sidoo kale waxaa howl-galladan lagu samata bixinayo Dadka ay saamaysay fatahaaddu  ku wehliya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxanay sidoo kale halkaasi ka wadaan Ciidamadu caawinta Dadka jilicsan ee aan Biyaha ka bixi karin iyo gaarsiinta gargaarka Bini’aaddan-nimo ee ay halkaasi geynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Gobolka Hiiraan Col; C/raxmaan Riyaale Xareed, ayaa warbaahinta u sheegay inay sii wadi doonaan howlaha ay ku samata bixinayaan Dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaaddu.

“Waxba kama beddeli doonno dedaallada yada ku aaddan samata bixinta Dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay fatahaadda , kuwaasoo ku dhibaataysan degaanka Ceel jaallae” ayuu yidhi Col; Xareed.

Col: C/raxmaan Riyaale Xareed ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay taageero dheeri ah, wuxuuna sheegay inaysan Dadku haysan Biyo nadiif ah iyo Cunno toona.

Magaalada Baladweyne oo 335 Km dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa ah halka ugu daran ee ay waxyeellada ba’an u geysatay Biya baxadu, markii uu karkaarrada jabsaday Webiga Shabeelle, taasoo ay sababeen Roobab lixaad leh oo ka da’ay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isha/ Daily Nation

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub

0

Brussels May, 03, 2018—(SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkooda.

Intii uu socday kulanka, ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ku aadan soo kabadashada iyo horumarka dalka Soomaaliya ayna muhiin tahay in rajadaas laga mira dhaliyo, isaga oo xusay in dowladda oo ay ka go’antahay in ay fuliso dhamaan qorshayaasha horumarinta dalka.

Safiirrada midawga Yurub ee ku sugnaa kulanka ayaa waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersanyihiin qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in sida ugu fudud loo hirgeliyo, iyaga si qota dheer u fahmay caqabadaha soo wajihi kara Dowladda inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasheeda.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in €100 milyan oo Yuuro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in €80 milyan oo Yuuro midawga Yurub uu ku bixiyo dadaalada xasilinta dalka iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM.

Lacagta sida tooska ah loo siinayo dowladda iyo tan lagu bixinayo Barnaamika xasilinta waxaa la ansixinayaa dhamaadka Bishaan May, iyada doodaha la xariira ka baaraan degidda taageerada joogtada ah ee ciidanka AMISOM ay sii socon doonaan ilaa dhamaanta bisha June ee sanadkaa.

R/wasaare kuxigeenka ahna kusimaha r/wasaaraha Dalka oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhiirogelinayay xulka 17-jirada

Muqdisho(SNTV) Maamulka Gobolka Benaadir ayaa munaasab casho sharaf ah u sameeyey Xulka Qaran ee da’doodu ka yar tahay 17 ka sano oo guul taariikhi ah ka keenay koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika ee lagu qabtay dalka Burundi.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxiigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar), Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta,masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka oo bogaadiyey dadaalkii ay muujiyeen da’yarta Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa sheegay in soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee Guddoonka Gobolka Benaadir ay u sameeyeen dhallinyaradaas ay ka tarjumeyso lexjeclada iyo mudnaanta ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka warbixiyey dadaalkii iyo garab istaaggii uu u sameeyey Maamulkiisu xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartmaha tan iyo markii ay umba baxaayeen dalkaas Burundi, waxa uuna xaqiijiyey in ay sii dardar gelin doonaan qorshayaasha horumarineed ee la xiriira Cayaaraha, maadama ay qeyb weyn ka tahay arrimaha isu soo dhaweeya dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada.

“Waxaan soo jeedinyaa in aan dhammaanteen kawada shaqeyno sidii dhallinyaradan aan u gaarsiin laheyn in ay dalka iyo dadkaba u soo hoyaan guulo kale oo heer qaarad iyo mid caalamiba ah, sababtoo ah maanta waxa ay inoo caddeeyeen in Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto magacii iyo sumcaddi ay ku lahayd dhanka Cayaaraha.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Sidoo kale, Munaasabadda waxaa hadallo dhiiri gelin iyo dardaaran ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta heer Federaal ee ka soo qeyb gashay, Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo marti sharafta kale ee lagu casumay munaasabadda, iyadoona dhammaan looga mahad celiyey Maamulka Gobolka Benaadir maamuska iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen da’yarta Xulka Qaranka

WAR SAXAAFADEED MAALINTA XORIYADDA SAXAAFADDA

0

MUQDISHO(SNTV):- Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay xuseysaa maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyadoo si dhab ah u muujinaysa sida ay uga go’an tahay badbaadada saxaafadda iyo xaqiijinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed.

3-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan. Sanadkan waxaa cinwaanku yahay:: Hubinta Awoodda Maamulada: Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga. Dabaaldegyada sanadkan 2018, waxay diiradda saarayaan muhiimadda abuuridda jawi sharcigu ilaaliyo xoriyadda saxaafadda, iyo in si gaar ah loo tilmaamo doorka madaxa bannaan ee hey’adda sharciga si loo xaqiijiyo damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda iyo soo oogidda dacwadaha la xiriira dambiyada lagula kaco saxafiyiinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda.

“Waxaan isbadal ku sameynay Sharciga Saxaafadda si aan u tixgalinno qodobo ay saxaafadda madaxa bannaan soo jeediyeen in laga badalo sharcigii jiray. Sharciga, ayaa hadda horyaalla baarlamaanka federaalka si loo ansixiyo kadibna madaxeynuhu u saxiixo, markaas kadib oo uu si rasmi ah sharci u noqonayo, Lana hirgalin doono. Waxay kaloo wasaaradda bishii April abuurtay nidaamka qaran ee badbaadada saxafiga, iyadoo sidoo kalena dhistay guddi qaran, oo ilaaliya badbaadada saxafiga. Hey’adaha cadaaladda, ayaa guddiga xubin ka ah si ay u taageeraan baahida sharciga ee saxaafadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dastuurkeeda ku damaanad qaadday Xoriyadda Saxaafadda.” Ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.

Wasaaraddu, waxay xuseysaa maalinta Xoriyadda Saxaafadda 3-da May 2018, iyadoo si buuxda ula shaqeynaysa Ururka Qaranka ee Midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo warbaahinta gaarka ah ee Soomaaliya si loogu xaqiijiyo in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay saxaafadda Soomaaliyeed, iyadoo damaanad qaadaysa xoriyadooda, isla markaana si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonta ilaalinta warbaahinta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay fulinaysaa baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ah “Dowladaha Adduunku in ay xoojiyaan xoriyadda saxaafadda, ayna difaacaan saxafiyiinta. Dhiirigalinta xoriyadda saxaafadda, waxay ka dhigan tahay in aan helno xaqa aan u leenahay ogaanshaha runta.” Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.

END

Duqa Muqdisho oo kormeeray xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Gobolka

0

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kormeeray Xarunta Ciidamada Ilaalada Deegaanka (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynaayo Ciidankaas, si loo xaqiijiyo qorshaha ku saabsan dib-u-habeynta qeybaha maamul ee Gobolka.

Guddoomiyaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka ayaa sheegay in horey ugu soo shaqeeyeen duruufo adag, iyagoona u soo dhabar adeygay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarinta Gobolka, maantana la taaganyahay xilligii lagu maamusi lahaa howl-karnimadooda.

“Waxaan idin ku bogaadinayaa sida aad habeen iyo maalin uga taagneydeen danta dadkiinna iyo dalkiinna, shaki kuma jiro in duruufo adag aad ku soo shaqeyseen, waxaanse idiin ku bishaareynayaa in mirihii iyo dadaalkii aad bixiseen uu haatan yahay mid aad ku faani kartaan, dadkiinuna idin xasuusanyihiin.”

Guddoomiyaha ayaa faray Saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Ilaalada Deegaanka in ay dardar geliyaan shaqada adag ee ay hayaan, iyadoona la racaayo hannaanka ku saleysan hufnaanta iyo musuq maasuq la’aanta ee Maamulka Gobolka Benaadir uu beegsanayo.

“Dareyska Minishiibiyada waxaad u xirantihiin waa u adeegidda dadkiinna iyo dalkiinna, taasna waxaa la rabaa in ay ka muuqato hab-dhaqanka aad kula mucaamileysan bulshada aad u adeegaysaan. annaga Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan xuquuqdiinna iyo dhiiri gelintiinna ka shaqeyno sidii aan u joogteyn lahayn.”

Kormeerkan oo u ku wehelinayey Guddoomiyaha qaar ka mid ah Kuxigeennadiisa iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa halkaas waxa ay qiimeyn ku soo sameeyeen xafiisyada iyo xarumaha ay ka koobantahay Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka Gobolka.

Maamulka Hir-shabeelle oo ballan qaad u sameeyay kaluumeysatada deeganada maamulkaasi

Warshiikh(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Maamulka Hirshabeelle ayaa kullan la qaatay iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee degmada Warshiikh,kaasi oo inta badan looga hadlay dhibaatooyinka heysta iskaashatooyinka Kalluumeysiga degmada Warshiikh iyo sidii lagu horumarin lahaa.

C/llaahi Macallim Mustaf,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamul Gobolleedka Hirshabeelle iyo Kalluumeysatada ayaa kullankooda inta uu socday si weyn diiradda u saaray caqabadaha heysta Iskaashatooyinka ee ku aadan dhinacyada qalabka iyo amni darada mararka qaar ay la kulmaan iyo sida la iskala wada shaqeyn karo horumarinta iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee deegaanada ku teedsan Xeebta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii u danbeeyay dadaal ku bixineysay dar dar gelinta howlaha horumarinta iskaashatooyinka Kalluumeysiga eek a shaqeeya Gobolka Shabeellaha dhexe.

Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah Gobollada Ilaahey ku maneystay Kheyraadka dabiiciga ah,kuwaasi oo u baahan in si wadajir ah looga faa’ideysto.

Masuuliyiin ka socda Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti

0

Jabuuti (SNTV), Wafdi uu hoggaaminayey Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D, islamarkaana uu qeyb ka yahay Gen Cabdullaahi Xasan Bariise, Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale, ayaa maanta gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdigaan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dawladda Jabuuti iyo sidoo kale Saraakiil ciidan oo ka socday Dawladda Talyaaniga, kuwaasi oo tababar dalkaan ku siiya Saraakiil Soomaali ah.

Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maalinta Khamiista ah Tababar u soo xiri doono Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo tababar Jabuuti ku qaatay, waxaana la filayaa wafigaan inta ay ku sugan yihiin dalkaan inay la kulmaan Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

 

Guddiga Kheyraadka Biyaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda M/Goboleedyada oo ka shiray sharciga Keyraadka Biyaha dalka

0

Muqdisho(SNTV);- Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Gobolleedyada dalka ayaa maanta kullan wadatashi ah oo ku saabsan Keyraadka biyaha dalka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo furay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in shuruucda dalka loo sameynayo in si wadajir ah kaalin looga qaato,islamarkaana maamul goboleedyada laga tali geliyo sameynta sharciga Keyraadka Biyaha dalka si tabashada iman karta xal wadajir ah looga gaaro.

Wuxuuna Guddiga KheyraadkaQaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare uga mahad celiyay abaabulka iyo kaalinta uu ka qaatay sameynta shuruucda Keyraadka Biyaha dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyees Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha oo uu sheegay iney gacanta ku hayaan.

Sharciga Kheyraadka Biyaha ayaa horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Wasiirki Biyaha iyo Tamarta u gudbiyay,waxaana ka dib loo soo gudbiyay Golaha Aqalka sare oo isla Wasiirka akhrinta koowaad ka horjeediyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare.

Shirka oo maanta furmay ayuu Senator Ilyees Cali Xasan wuxuu tilmaamay in Xubnaha ka socda Maamul Gobolleedyada iyo iyagaba dhowrka maalmood ee soo socda ka wada arrinsan doonaan ka dibna ay ka soo saari doonaan sharci loo wada dhan yahay oo laga talageliyay dhammaan xubnaha uu sharcigan quseeyo.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in maalinta berito ah isugu yeeri doonaan boqol Xubnood oo ka socda Gobolka Banaadir si ay uga wada hadlaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha dalka,kuwaasi oo looga baahan yahay iney taladooda ku darsadaan sharcigan.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

0

Muqdisho (SNTV) Abaaro 7:00 fiidnimo ee xalay saacada Koonfur Afrika ayaa Kooxdaan burcada ah waxay weerar ku qaadeen goob ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku taala deegaanka Zonkizizwe oo qiyaastii 35 km ka xigta dhinaca Koonfur magaalada Johannesburg.

Kooxda Burcada ah ayaa marka ay galeen goobta ganacsiga waxaa ay toogteen mid ka mid ah dhalinyaradii halkaasi joogay oo lagu magacaabayay Qadar Maxamed Nuur oo ku dhax jiray goobta dadka macaamiisha ah lacagaha looga qaado kadibna waxaa ay halkaasi ka qaateen lacago iyo kaararka telfoonada lagu shubto iyo sidoo kale telfoonada ay isticmaalaayeen dhalinyarada dukaankaas ka shaqeyneysay sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Muqtaar Cabdulaahi Xasan oo dukaanka ka shaqeynayay.

Ciidamada Police-ka ayaa goobta yimid saacad kadib markii ay kooxda burcada ah goobta ka baxsadeen waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxda falkaan geystay,sargaalka madaxda ka ah saldhiga police-ka ee xafaadaasi oo warbaahinta qaranka ay kula hadashay goobta ayaa ka kaabsaday in uu wax faahfaahin ka bixiyo dhacdooyinka soo laab laabanaya ee ka dhaca deegaankaasi.

Inkastoo qofna aan saacadiisa la dhaafineynin hadana waa lama huraan ganacsatada in ay ka gaashaantaan falalka ugaarsiga ah oo ay sameynayaan kooxaha burcada ah.

Iidle aadan Colaad oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ganacsatada ay bilaabeen in goobahooda ganacsiga ay ku xeraan muraayadaha aan xabada Karin si loo badbaadiyo nafta dhalinyarada ka shaqeysa halkaasi.

Alle ha u naxariisto Marxuum Qadar Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu aasaya qabuuraha muslimiinta ee magaalada Johannesburg galinka dambe ee maanta.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeybgalaya Kuwait

0

Muqdisho (SNTV) Wasiir Ku Xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Siihayaha Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibrahim iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kuwait, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Tamarta iyo Biyaha Kuwait, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax oo uu wehliyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Farxaan Cabdi Gurxan.

Soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay Wafdiga Wasiirka Hotel Shareton uu ka furmay Shirweynaha 3aad ee Arrimaha Biyaha Carbeed oo heer Wasiiro ah, kaas oo ay sanadkan martigalisay Dowladda Kuwait.

Wafdiga Wasiirka waxaa ku wehliyay Enj. Cumar Shuuriye, Lataliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Biyaha iyo Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Carabta Cumar Carab Ibrahim.

Wasiirka iyo wafdigiisa inta ay ku sugan yihiin dalka Kuwait waxaa lagu wadaa in ay kulamo gaar gaar ah la qaataan Wasiiradda Carbeed ee Shirka ka soo qeybgalay iyo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Kuwait oo ay marti u yihiin.