Wasiir C/raxmaan Iidaan”Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa”

Date:

Muqdisho(SNTV):–3-da May, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan, Sanadkan waxaa cinwaanku yahay Hubinta Awoodda Maamulada, Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga, Dabaaldegyada sanadkan 2018.

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta, kusimaha Agaasimaha guud ahna Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda Warfaafinta  iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka qaybgalay  Munaasabo kala duwan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo hambalyo u diray dhamaan suxufiyiinta.

“Maanta meesha aan ka joogno Xorriyadda hadalka qiyaastii waddamada gobolka in badan oo ka mid ah baan uga horreynaa, taas oo ku timid dhabar adeeggii ay u soo galeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dil, dhaawac iyo dhibaatooyin kaleba kala soo kulmay hasa ahaatee mirihii  maanta la joogo”. ayuu yiri sii hayaha Wasiirka Warfaafinta.

Mudane Cabdirixmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay  in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda, sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradda ay ku mashquulsan tahay sidii xiriirkooda loo adkeyn lahaa Warbaahinta, wuxuuna tilmaamay in ay rajeynayaan in dhawaan ay Baarlamaanka ansixiyaan xeerka Saxaafadda.

“Wasaaradda waxa ay ku howlan tahay isku xirka Warbaahinta Soomaaliyeed, innaga oo shirar ku kala qabanay qeybo badan oo dalka ka mid ah, taasi oo wadada u xaareysa fursad siinta xoriiyadda hadalka si akhlaaq ay ku jirto, waxaan markale ku amaanayaa warbaahinta dadaalka wanaagsan ee ay hayaan,” Ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Iidaan.

Dhamaan madaxdii kale iyo masuuliyiintii hadashay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan dhowritaan (Protection) iyo in ay dhamaanta la xisaabtan la’aanta kuwa tacadiyada u geysta bahda warbaahinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...