Home Blog Page 1326

Kulan dhexmaray Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Ururada Dhallinyarada

0

Muqdisho(SNTV);- Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay ka qaybgaleen kulan su’aallo weydiin ahaa oo ay soo qabanqaabiyeen qaar kamid ah Ururada Dhallinyarada.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa looga hadlay doorka dhallinyarada ee Hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka tirsan Gudigga Baarlamaanka iyo Marwo Muumino Sheekh Cumar oo ah xubin kamid ah Gudigga Madaxabanaan ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen su’aallo dhanka dhallinyarada ka imaanayay.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 100 qof oo dhallinyaro ah ayaa waxaa la isku dhaafsaday talooyin badan oo ku qotomay Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Masuuliyiinta matalayay sedexda Hay’ad ee ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka ayaa waxay dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhiirageliyeen inay kaalintooda ka qaataan horumarka dalka ka socda gaar ahaanna Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka ee dhawaan dalka ka bilaaban doono.

Degmada Mahadaay oo kamid noqotay meelaha uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Radio Muqdisho,ayaa sheegay in Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanada hoos yimaada degmadiisa ay saameyn ku yeesheen dadkii beeraladeyda ahaa oo ay ka baabi’iyeen dalagyadii ay beerteen.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Axmed Xuseen Afrax,in Wabiga Shabeelle oo uu ka fatahay deegaano ku yaalo Waqooyiga degmada Mahadaay cagta mariyay dhul beereed lagu qiyaasay 25-km oo ku yaalay dalagyada nuucyadooda kala duwan sida Galeyda,Digirta,Yaanyada,qaraha iyo Sisinta,isagoona dhanka kale tilmaamay in Biyaha Fatahaada ay baabi’iyeen 40-kun oo hektar.

Sidoo kale,Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo sii hadlayay ayaa sheegay in fatahaada oo sii fideysay darteed ay u xirmeyn waddooyin muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee degmadaasi.

Wuxuu sheegay in Madaxda Maamulka Hirshabeelle uu ku wargeliyay arrintaan,islamarkaana ay dadaalkeeda ku jiraan sidii tallaabo loo qaado lahaa looguna gurman lahaa dadka ay Fatahaada saameysay.

Deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle oo mara deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelle dhexe,waxaana hadda meelaha ugu daran ee Fatahaada ay saameysay ka mid ah magaalada Baladweyne oo dad badan ay ka barakaceen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ku waxyeelobay Fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ay ka kala sameeyeen Hiiraan iyo Gedo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

0

Djibouti (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

labada Taliye ayaa kawada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen , Xoojinta xiriirka labada Talis ka dhaxeeyo, isdhaafsiga qibradaha dhanka ammaanka ku saabsan, kordhinta tababarada Jamhuuriyadda Jabuuti ay siiso Dawladda Soomaaliya, in la iska kaashado sugida nabad gelyada si wadajir ah iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaan waxaa ku wehlinayey Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil kale.

 

Aqalka sare oo 50 kun oo dollar kaga qeyb qaadanayo gurmadka fatahaayada wabiyada Jubba & Shabelle

Muqdisho(SNTV); Xildhibaanada Golaha Aqalka sare oo maanta kullankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa waxay kaga hadleen Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay,iyagoona warbixin ka dhageystay Guddi ay u saareen taakuleynta dadka ku waxyeeloobay Fatahaada.

Kullanka maanta ayaa waxaa shir-guddoomiayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad  ee Aqalka sare  Abshir Maxamed Axmed ” Bukhaari” waxa ayna Xildhibaanada Aqalka sare 50-kun oo doolar ugu deeqeen dadka ay saamaayeen fatahaadyada wabiyada Jubba iyo Shabeelle/

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer,Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Aqalka sare, sidoo kale guddoomiya u ah Guddiga Gurmadka Fatahaada oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay xiriiro la sameeyeen madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyagoo ka xog wareystay halka ay mareyso Xaaladda dadka ay saamaayeen  fatahaadyada  Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa bogaadiyay qaabka loo maareynayo   howlaha gurmadka loogu sameynayo dadka ay wax yeeleeyeen fatahaayada,waxa  ayna ku baaqeen in la sii laba jibaaro dadaallada loogu gurmanayo dadka dhibaatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiyada  Shabeelle iyo Jubba.

Ugu dambeyn, waxaa kullanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed ” Bukhaari” oo ku booriyay guud ahaan shacabka in loo midoobo sidii loo caawi lahaa dadkii ay saameeyeen fatahaadyada wabiyada Shabeelle & jubba.

 

 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar ku soo geba gebeysay Magalada Boosaaso

Boosaso(SNTV) -Tababarkan lagu baranayey sidii loo maarayn lahaa Xuduudaha Dalka iyo muhaajiriinta soo qulqulayaa oo 3 maalmood ka socday magaalada Boosaaso ayaa lasoo gabgabeeyey,waxaana ka faa’idaystay saraakiil socday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ee ka hawlgala Garoomada Diyaaradaha,Dekedaha iyo xuduudaha Dhulka.

Waxaa Tababarkan oo ay  iska kaashadeen  laant Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM  uu yahay  mid kor loogu qaadayo aqoonta saraakhiisha ka shaqeeya Xuduudaha  dalka ee kala ah Dhulka Cirka iyo Badda.

Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso  C/nuur Maxamed Jaansaar oo faahin kabixiyey tababarkan waxa uu sheegay intababarada noocan ah xooga lagu saarayo sidii saraakiisha loo bari lahaa qabashada dadka sida sharciyada dalka ay ku soo  galaan  ee kala ah Soomaalida iyo Ajaanibta.

“Waxaa lagu guuleystay in la soo celiyo sharaftii Baasboorka,dhinaca socdaalka waxaa lagu guuleystay in la qaato tababaro badan,si looga hortago dhagar qabayasha sida sharci darada ah ku soo galaya dalka,ha noqdo muwaadain Soomaali ah oo dhagar qabayasha kamid ah ama kuwa ajaanibta ah”.Ayuu yiri C/nuur.

Axmed Raage oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa sheegay in jamhuuriyada federaalka soomaaliya ay tababaradii dalka dibadiisa loo aadi jirey ayusoo weecisay degmooyinka dalka si muwaadiniinta magaalooyinkooda wax loogu baro.

“Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dhamaan inta ayay ku dhanyihiin,markii labaad waaye oo aan halkan tababara,marka hore waxaan ku qabanaya Garoowe bishii Febraayo,kana waxaan ku qabanaynaa halkan,ee halkii loo aadi lahaa dalka Dibadiisa hadda dowladda Soomaaliya waxaa ay fahmaysaa in lagu qabto gudaha dalka meeshii nabad ah”.Ayuu yiri Axmed Raage.

Duqa magaalada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa laanta Socdalka iyo Jisiyadda Soomaaliya ku ammaanay dadaalada dheeriga ah oo ay ku bixinayso sidii loogu shaqeyn lahaa Umadda Soomaaliyeed,maadaama magaalooyinka waaweyn ee Dalka ay si isku mid ah  muwaadinintu baasa boor Soomaaliga iyo adeegyada kale uga qaataan.

Saraakiish tababarka qaatay ee ka socday Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa sheegay in ay tababarkan ku barteen aqoon iyo qibrad wanaagsan ayna  uga faa’iidayn doonaan dadka kunool  deegaanadii ay ka shaqaynayeen.

Ayaan C/qaadir Cali oo kasocotay Laanta Socdaalka Iyo jinsiyada xafiiska Degmada Dhoobley Ee gobolka jubbada Hoose ayaa sheegtay intababarkan uu yahay mid qiimo gaar ah u leh’ Sababta ayeyna Ku tilmaamtay in ay ka soctay dhanka xuduudaha Deegaankeeda looga baahanyahay sidii loo maarayn lahaa Muhaajiriinta xuduudka kasoo gelaya.

Tababarkan ayaa kamid noqonaya dedaalo  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku doonayso in lahu tayeeyo shaqaalaha Dowladda ee ka shaqeeya Xaduudaha Dalka.

 

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo gaartay Dalka Kuwait

0

Kuwait(SNTV) Wafdiga Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si diiran waxaa garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Dhalinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Dalka Kuwait iyo Siihayaha Safaaradda JFS ee Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax oo ay wehliyan qaar kamid ah diblomaasiyinta Safaaradda.

Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo casuumad rasmi ah ka heshay dhiggeeda Dalka Kuwait ayaa ka qeybgali doonta Xaflad ballaaran oo lagu soo gunaanadayo muddoheysta Caasimadda Dhaqanka Carbeed oo magaala Madaxda Kuwait “Al-Kuwait” ay soo heysay tan iyo sanadkii 2016. Inta Wafdiga Wasiiradda ay joogaan Dalka Kuwait ayaa waxaa lagu wadaa in ay qaabili doonto dhiggeeda Dalka Kuwait iyo Amiirka Dalka Kuwait Sheikh Sabax Al Axmed oo xiriir qotto dheer ku leh Dalkeena, iyadoo Amiirku bari-samaadkii uu Soomaaliya ku qaadan jiray fasixiisa, iyadoo beer weyn laga siiyay degmada Afgooyo.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kuwait oo weligiisba ahaa mid walaalnimo oo qoto dheer ayaa misna hadda u muuqda in uu aad u sii xoogeysanayo, iyadoo tobonkii maalin ee u dambeeyay ay Dalka Kuwait booqashooyin kala duwan ku tageen Wasiiradda kala ah Mudane Maxamed Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Siihayaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ahna Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cisman Libaax Ibrahim.

Arrimahan oo dhan ayaa muujinaya in Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait uu aad u sii xoogeysanayo iyadoo Safaaradda JFS ee Dalka Kuwait ay kaalin mug leh ka cayaareyso xoojinta Xiriirka laba dal ee walaalaha ah.

 

Guddiga Wacyi gelinta Taakuleynta Ciidanka Qaranka oo la hadlay Soomaalida Gobolka Ohio

0

Ohio (SNTV) -Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa soo dhaweeyay xubno ka mid ah guddiga wacyigalinta taakuladda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed.

Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade iyo Cabdilaahi Xoosh  oo kamid ah guddiga taakuleynta ciidanka ayaa uga kala yimid goboladda Taxes iyo Minnesota sidii ay Soomaalida Ohio ugala hadli lahaayeen in ay u istaagaan taakulada ciidanka iyo in la soo gaaray xiligii Soomaaliya isku tashan lahayd awooda dhaqaale ee lagu xisaabtamayana ay qurbajoogtu qeyb ka tahay, iyada oo la ogyahay in ay yihiin laf dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya.

Xubnaha ka qeyb qaadanayay Barnaamijkan waxaa ka mid ahaa Sheikh Hassan Jami oo isna isla Minnesota uga yimid waxa uuna malintii jimcada boqolaal Soomaali ah kula hadlay Masjidka Ibnutaymiya ee magaalada Columbus isaga oo gaarsiinayay fariinta la xariirta sidii ciidanka loo garab istaagi lahaa.

Inkasta oo ay maalin shaqo ahayd hadana waxaa muuqanaysay in dadku ay aad ugu xiiso qabaan in ay helaan dalkooda oo leh awood ciidan oo amaanka iyo xaduudaha suga si ay u yeeshaan dal ay ku aamini karaan Ubadkooda iyo hantidooda.

Sheikh Adan Abdulle oo ka mid ah culumada Columbus ayaa xusay in ay culumu ahaan u taaganyihiin in ay qeyb ka qaataan soo celinta awoodii ciidan iyo caawinta wiilashooda ku shaqeynaya marxaladda adag.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Hassan Ali Omar ayaa dhankiisa farta ku fiiqay in hadii si dhab ah loo wajaho barnaamijka caawinta ciidanka ay qurbajoogtu ku filantahay balse loo bahanyahay in dadka la gaarsiiyo lana helo dad aan ka daalin howshaan.

Safiir Abdikarim Omar oo u soo joogay awoodii ciidanka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in baahi walba oo haysa ay isku daydo in ciidamadeeda ay iyadu tababarato kana gudubto in dalal dano kale lehay ciidamo kala nooc ah wax baraan taas oo caqabad ku noqon karta helida ciidan Nadiif ah.

Asli Xasan Cabaade iyo Cabdilaahi Xoosh oo ah xubno ka tirsan gudiga ayaa u sheegay jaaliyada in ka gudi ahaan shaqadoodu ay tahay in ay dadka gaarsiiyaan Fariinta balse aysan iyagu shuqul ku lahayn wax lacag qabasho ah oo qofkii dhaqaalo bixinayo uu ku shubi karo Akoono loogu talo galay oo Online iyo Xawilaadba leh, balse loo bahanyahay in qof walba is xil saaro oo uu daqiiqado ka mid ah waqtigiisa siiyo sidii uu taakuladda u bixin lahaa.

Waxa uu ahaa barnaamij dadku aad u xiisaynayay waxaana lagu balay in ay howlgalaan gudi lagu magacaabay isla goobta oo reer Ohio sii gaarsiin doona qaabka wax loo bixinayo.

Waa markii ugu horeysay oo ay gudigan yimaadan Ohio waxayna ku wajahan yihiin goboadda kale ee Mareykanka.

 

Duqa Muqdisho ”Waxaa naga go’an in aan xoojino fursadaha shaqo abuurka Dhalinyarada”

0

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo daah furay wajiga labaad ee Barnaamijka Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii loo dar-dar gelin lahaa barnaamijkan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in wajiga labaad ee dib loogu howl gelinayo kun dhallinyaro ah oo horey loo shaqaaleysiiyey muddaddo 6 bilood ah ay tilmaameyso mudnaanta uu siinayo Maamulka Gobolka Benaadir sidii loo joogteyn lahaa qorshayaasha ku saabsan shaqaaleysiinta dhalinyarada.

“Maamulka Gobolka waxaa ka go’an in uu fursadahan oo kale u hir-geliyo dhammaan dhalinyarada Gobolka. Iyadoona laga shaqeeynayo sidii dhammaantood ay u noqon lahaayeen qeybo wax barta iyo kuwo loo abuuro fursado shaqo, taasina waxay ku hir gelaysaa iskaashi dhammeystiran oo dhammaanteen la nimaadno.”

Dhalinyarada dib loo howl geliyey ee qeybta ka ah barnaamijka shaqaaleysiinta ayaa ka warbixiyey faa’iidada uu ku soo kordhiyay nolashooda, gaar ahaan khibraddooda shaqo, iyagoona muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay labo laabaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka iyo dadkooda.

Sidoo kale, munaasabaddan lagu daah furayey barnaamijka shaqaaleysiinta dhalinyarada Gobolka Benaadir waxaa hadallo ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax, Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed , Xildhibaanno iyo masuuliyeen kale oo heer gobol iyo degmo ah.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraaha oo Stadium Muqdisho looga saarayo AMISOM.

Brussels (SNTV) -Wasiirka wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale islow  oo ka qeyb galayey shirka caalamiga ah ee looga hadlayey Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Belgium-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan goobo muhiim ah oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya, iyadoona qorshaas uu qeyb ka yahay qorshe kumeel gaar ah oo ay dowlaadda Soomaaliya ay u soo bandhigtay Beesha Caalmka .

Wasiir islow, ayaa waxaa  xusay in Garoonka Stadium Muqdisho oo ay hadda ay dagan yihiin Ciidamadda AMISOM ay dhawaan la wareegi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, islamrkaana lagu wareejin doono Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, si loo soo celiyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed oo ay dhalinyarado badan  ay fursad ugu  helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan.

”waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri wasiir islow .

Maxamed Abukar islow, waxaa   uu hoosta ka xariiqay  in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu farxo.

 

 

Dawladda Soomaaliya oo $500,000 oo dheeraad ah ku bixineysa gurmadka fatahaadaha

Muqdisho(SNTV):– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay yeesheen guddigu oo looga hadlayay howlaha gurmadka meesha ay marayaan, sida loo sii dardar gelin karo iyo xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ugu horeyn xubna kamid ah guddiga oo khamiistii tegay magaalada Beledweyne oo kamid ah deegaanada fatahaaduhu saameeyeen, ayaa waxa ay kawar bixiyeen xaaladda deegaanka ka jirta iyo gargaarka la gaarsiiyay.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in $100,000 oo maamulka Gobalka Banaadir uu bixiyay la gaarsiiyay Beledweyne laguna wareejiyay madaxweynaha Hir-shabeelle si ay qeyb uga noqoto gargaarka lagu tabarucayo qoysaska ay fatahaaduhu saameeyeen. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in safiirada Qadar iyo Turkiga ee Soomaaliya oo khamiistii tegay Beledweyne ay raashin gargaar ah u qeybiyeen 5,000 oo qoys.

Waxaa kale oo warbixin laga dhageestay guddi hoosaadka Xog-raadinta kuwaas oo sheegay in ay jiraan deegaanno hor leh oo daadadku ay saameeyeen oo ay ugu daranyihiin deegaanno ka tirsan Jubaland.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isla gartay in lasii laba jibbaaro dadaallada loogu gurmanayo qoysaska Soomaaliyeed ee daadadku ku dhibaateeyeen qeybo badan oo kamid ah dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in horay Milyan Doolar horay dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.

“Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.