Home Blog Page 1326

Mudaneyaasha Golaha Shacabka JFS oo loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Xaqsiinta Ciidamada Qaranka

0

Kulanka Mudaneyaasha Golaha Shacanka JFS oo uu shir gudoominayay guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha  Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayay xildhibaanada kusii amba qaadeen ka doodista warbixinta guddiga maaliyadda ee Akhrinta labaad Miisaaniyada sanadka 2018-ka,  waxayna xildhibaanada aragtiyadooda ka dhiibteen warbixinta Miisaaniyada oo ay guddiga iyo Wasaarada iska kaashadeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,wasiiru-dowlaha iyo wasiir kuxiggeenka wasaaradda maaliyadda oo kulanka goob joog ahaa ayaa ka jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanada weydiinayeen oo u badnaa hanaanka loo diyaariyay miisaaniyada  iyo meelaha qaar ee miisaaniyada.

Sidoo kale Xildhibaanada golaha Shacabka,  ayaa maanta loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka sida iyo Hay’daha Qaab Ciidameedka leh sida ku cad Sharciga LR 6 ee soo baxay 31-kii October sanadkii 1969-kii.

Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray,  ayaa sheegay in guddiga Maaliyada ee golaha Shacabka iyo wasaarada Maaliyada oo iskaashanaya ay kasoo wada shaqeyn doonaan aragtiyada xildhibaanada ka dibna dib loogu soo celin doono fadhiga kan xiga ee golaha shacabka.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday Ciidanka ku jira Xerada 54aad

0

 

Garoowe (SONNA), Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi wali  Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay Booqasho ku tagay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa maanta booqday Xerada 54aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxay soo indha indheeyeen wafdiga Taliyaha uu hoggaaminayo qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad  ku jirta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay  inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan, isagoo xusay in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.

 

Maxaabiis Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Maxaabistan oo Tiradooda gaareysay Todobo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xirnaa jaziirada Sechelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka, Waxaana  Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona  dalka halka qofka todobaad la sii dayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsiga lagu xukumay.

Taliyah Ciidanka  Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa sheegay  in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran Wadamada Calamka.

Xeerilaaiyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Dahiir oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxaabiis kale khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaan  Xukunnada  u dhiman.

Wasiirka Cadaalada Xukumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji  ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaalad oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha dibada ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay Shir uu la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda IMF

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi usocodka Deyn Cafiska ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona Madaxdii Wasaaradda ee uu hogaaminayay Wasiir Bayle ay guul dib ugula soo laabteen Dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hadii sidaan wanaaga ah loogu wado maamulka Maaliyadda Dalka ay dhici doonto in Soomaaliya laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.

Turkiga oo qabanaya kulan sadex geesood ah oo la xiriira amniga

0

Taliyaha ciidamada Turkiga ayaa lagu wadaa in 14-ka bishan uu la kulmo dhigiisa dalka Ciraaq iyo saraakiil ka socota dalka Mareykanka ,sida ay xaqiijiyeen maalinimadii  shalay saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Kulankaasi oo sadex geesood ah waxaa Taliyaha ciidamada Turkiga  oo lagu magacaabo Hulusi Akar, uu dhigiisa dalka Ciraaq Gen. Osman Damini iyo taliyaha Mareykanka u qaabolsan Yurub Curtis M. Scaparrotti  uu kala hadli doonaa  arimo la xiriira xagga ammaanka gobolka

Kulankaasi oo lagu wado in uu ka dhoco xarunta ciidamada dalka Turkiga waxaa kaloo ka qeybgalaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee bartamaha Joseph L. Votel, sida laga soo xigtay war qoraal ah oo ka soo baxay cidamada Turkiga.

Isbadal xooggan oo laga dareemayo Magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusemareeb (SONNA) Ka dib markii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka ay Heshiis ku Saxiixdeen Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca kaasoo ku aadanaa midnimada Gobolada dhexe iyo qeybsiga Hanaanka Siyaasadeed ee Galmudug ayaa waxaa Magaalada dhuusamareeb waxaa laga dareemayaa Isbadal xooggan oo dhanka Amniga iyo Nadaafadaba ah.

Maxamed deeq Cabdi Maxmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo kaga soo warama Magaalada dhuusamareeb ee Xaruunta Gobolka Galguduud ayaa soo sheegaya in magaalada laga dareemayo Isbadal sare oo dhanka Amniga ah iyadoo Ciidmada Gaar ah la dhigay jidadka Magaalada.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in dhawaan ay gaaraan Madax kala duwan oo ka socda Dowlada Federaalka, Maamulka Galmudug,Ahlusuna iyo Beesha Caalamka.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

Maamulka Degmada Hobyo oo ka hadlay Mashaariic ka socota Hobyo

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Magaale Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo C/laahi Axmed Cali Faad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay Mashaariic kala duwan oo ka socota Degmada.

C/laahi Axmed Cali Faad ayaa tilmaamay in garoonka Magaalada uu yahay mid shaqeynaaya hada ayna kasoo dagi karaan Diyaaradaha xamuulka ah maadaamada ay ku guulaysteen dhismaha Garoonka.

Waxaa uu sheegay mudane Faad in Magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo ay ka socdaan hirgalinta Xarumo bulshada loogu adeego sida Garoonka Magaalada oo lagu guulaystay Dhismihiisa,Isbitaalka weyn iyo Wadada Isku xirta Magaalooyinka Hobyo iyo Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka G/Hobyo:

Maamulka Goof gaduud ee G/ Baay oo faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Deegaanka

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Deegaanka Goof gaduud ee Gobolka Baay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Amniga Deegaanka.

Xasan Isaaq Guddoomiyaha Deegaanka Goof gaduud ee Gobolka Baay ayaa tilmaamay in ay wanaagsan tahay Amniga Deegaanka Goof gaduud iyo deegaanada kale ee hoos yimaada isagoona sheegay in Goof gaduud ay ka howlgalaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xasan Isaaq ayaa sheegay in ay qorshaynayaan Maamulka oo kaashanaaya Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa Darawiishta Maamulka Koonfur galbeed sidii Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab kuwaa soo dhibaatooyin kala duwan ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

Kenya oo dardar gelinaysa weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Nairobi-(SONNA)-Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa ka digay weerarro Argagixiso oo ka dhaca degaanka Lamu iyo dhulka ku xeeran, markii laga war helay xubno ka mida Al-shabaab oo ku sugan nawaaxiga Ijaara oo ka tirsan Ismaamulka Gaarisa.

Guddoomiyaha Gobolka Lamu, Gilbert Kitiyo, ayaa ugu baaqay Dadka halkaasi ku dhaqan inay ka caawiyaan xogaha la xiriira halka ay deggen yihiin iyo dhaq-dhaqaaqyadooda, si ay laamaha ammaanku u helaan macluumaad dheeri ah.

Dowladda Kenya ayaa indhowaalaba wadday howlgallo Cir iyo Dhul ah oo lagu baacsanaya cutubyo ka tirsan Al-shabaab oo fariisimo ku lahaa keymaha Boni, halkaasoo ay ka qaadi jireen weerarro ka dhan ah Ciidamada Kenya iyo Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Isha:The Standard

Madaxweyne Farmajo oo lagu so dhaweeyey Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey  magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga,halkaasi oo ka furmaya shirka madaxda wadamada Islaamka oo looga arrinsanayo qadiyadda Magaalada Barakaysan ee Qudus.

Wafdiga madaxweyn aha Soomaaliya ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga,waxaana ku soo dhawereyey diblomaasiyiinta Safaaradda Somaaliya ee Turkiga iyo mas’uuliyiinta Dalkaasi Turkiga.

Hoggaamiyaasha wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka oo Soomaaliya ay kujirto ayaa lafilayaa in ay shirkooda ka soo saaraan go’aano deg deg ah oo ku aadan arrinta Qudus.

Waxaa shirkan deg dega ah ee arrinta  Qudus 6dii bishaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan si Madaxda Islaamka ee ku mideysan OIC ay isula gorfeeyaan go’aanka Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday in ay caasimad u tahay Israaiil,iyo jawaabta ay kabixintoonto Dunida Islaamka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxmed Axmed ayaa  sheegay in shirku uu bilaabanayo maalinta Arbacada ah iyadoona la filayo in ay ka soo qeyb-galaan madax iyo wufuud ka socota 57da dowladood ee xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dhidibada u taagay Ururka Iskaashiga Islaamka. Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan kaalinteenna ka qaadano go’aan ka gaarista arrimaha nagu xeeran ama ku soo kordha dalalkan aan bahwadaagta nahay.”Ayuu yiri C/nuur.

Sidoo kale, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada waxa uu sheegay in tallaabadani ay daba socoto bayaankii ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu taageerayey xuquuqda dowladnimo ee dadka reer Falastiin iyo in magaalada Qudus ay tahay mid qiimo gaar ah u leh dunida Islaamka.

Wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel waxaa marqura caro xoogan muujiyay dhamaan shucuubta muslimiinta ah ee caalamka ku nool,waxaa bilowday bannaanbaxyo looga soo horjeedo go’aanka qaldan ee uu qaatay madaxweyne Trmp.