Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

Date:

Djibouti (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

labada Taliye ayaa kawada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen , Xoojinta xiriirka labada Talis ka dhaxeeyo, isdhaafsiga qibradaha dhanka ammaanka ku saabsan, kordhinta tababarada Jamhuuriyadda Jabuuti ay siiso Dawladda Soomaaliya, in la iska kaashado sugida nabad gelyada si wadajir ah iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaan waxaa ku wehlinayey Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...