Degmada Mahadaay oo kamid noqotay meelaha uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Radio Muqdisho,ayaa sheegay in Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanada hoos yimaada degmadiisa ay saameyn ku yeesheen dadkii beeraladeyda ahaa oo ay ka baabi’iyeen dalagyadii ay beerteen.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Axmed Xuseen Afrax,in Wabiga Shabeelle oo uu ka fatahay deegaano ku yaalo Waqooyiga degmada Mahadaay cagta mariyay dhul beereed lagu qiyaasay 25-km oo ku yaalay dalagyada nuucyadooda kala duwan sida Galeyda,Digirta,Yaanyada,qaraha iyo Sisinta,isagoona dhanka kale tilmaamay in Biyaha Fatahaada ay baabi’iyeen 40-kun oo hektar.

Sidoo kale,Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo sii hadlayay ayaa sheegay in fatahaada oo sii fideysay darteed ay u xirmeyn waddooyin muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee degmadaasi.

Wuxuu sheegay in Madaxda Maamulka Hirshabeelle uu ku wargeliyay arrintaan,islamarkaana ay dadaalkeeda ku jiraan sidii tallaabo loo qaado lahaa looguna gurman lahaa dadka ay Fatahaada saameysay.

Deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle oo mara deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelle dhexe,waxaana hadda meelaha ugu daran ee Fatahaada ay saameysay ka mid ah magaalada Baladweyne oo dad badan ay ka barakaceen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ku waxyeelobay Fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ay ka kala sameeyeen Hiiraan iyo Gedo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...