Aqalka sare oo 50 kun oo dollar kaga qeyb qaadanayo gurmadka fatahaayada wabiyada Jubba & Shabelle

Date:

Muqdisho(SNTV); Xildhibaanada Golaha Aqalka sare oo maanta kullankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa waxay kaga hadleen Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay,iyagoona warbixin ka dhageystay Guddi ay u saareen taakuleynta dadka ku waxyeeloobay Fatahaada.

Kullanka maanta ayaa waxaa shir-guddoomiayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad  ee Aqalka sare  Abshir Maxamed Axmed ” Bukhaari” waxa ayna Xildhibaanada Aqalka sare 50-kun oo doolar ugu deeqeen dadka ay saamaayeen fatahaadyada wabiyada Jubba iyo Shabeelle/

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer,Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Aqalka sare, sidoo kale guddoomiya u ah Guddiga Gurmadka Fatahaada oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay xiriiro la sameeyeen madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyagoo ka xog wareystay halka ay mareyso Xaaladda dadka ay saamaayeen  fatahaadyada  Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa bogaadiyay qaabka loo maareynayo   howlaha gurmadka loogu sameynayo dadka ay wax yeeleeyeen fatahaayada,waxa  ayna ku baaqeen in la sii laba jibaaro dadaallada loogu gurmanayo dadka dhibaatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiyada  Shabeelle iyo Jubba.

Ugu dambeyn, waxaa kullanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed ” Bukhaari” oo ku booriyay guud ahaan shacabka in loo midoobo sidii loo caawi lahaa dadkii ay saameeyeen fatahaadyada wabiyada Shabeelle & jubba.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...