Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo gaartay Dalka Kuwait

Date:

Kuwait(SNTV) Wafdiga Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa si diiran waxaa garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Dhalinyarada Dhaqanka iyo Ciyaaraha Dalka Kuwait iyo Siihayaha Safaaradda JFS ee Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax oo ay wehliyan qaar kamid ah diblomaasiyinta Safaaradda.

Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo casuumad rasmi ah ka heshay dhiggeeda Dalka Kuwait ayaa ka qeybgali doonta Xaflad ballaaran oo lagu soo gunaanadayo muddoheysta Caasimadda Dhaqanka Carbeed oo magaala Madaxda Kuwait “Al-Kuwait” ay soo heysay tan iyo sanadkii 2016. Inta Wafdiga Wasiiradda ay joogaan Dalka Kuwait ayaa waxaa lagu wadaa in ay qaabili doonto dhiggeeda Dalka Kuwait iyo Amiirka Dalka Kuwait Sheikh Sabax Al Axmed oo xiriir qotto dheer ku leh Dalkeena, iyadoo Amiirku bari-samaadkii uu Soomaaliya ku qaadan jiray fasixiisa, iyadoo beer weyn laga siiyay degmada Afgooyo.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kuwait oo weligiisba ahaa mid walaalnimo oo qoto dheer ayaa misna hadda u muuqda in uu aad u sii xoogeysanayo, iyadoo tobonkii maalin ee u dambeeyay ay Dalka Kuwait booqashooyin kala duwan ku tageen Wasiiradda kala ah Mudane Maxamed Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Siihayaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ahna Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cisman Libaax Ibrahim.

Arrimahan oo dhan ayaa muujinaya in Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait uu aad u sii xoogeysanayo iyadoo Safaaradda JFS ee Dalka Kuwait ay kaalin mug leh ka cayaareyso xoojinta Xiriirka laba dal ee walaalaha ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...