Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraaha oo Stadium Muqdisho looga saarayo AMISOM.

Date:

Brussels (SNTV)ย -Wasiirka wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale islow ย oo ka qeyb galayey shirka caalamiga ah ee looga hadlayey Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Belgium-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegi doonaan goobo muhiim ah oo ay hadda ku sugan yihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya, iyadoona qorshaas uu qeyb ka yahay qorshe kumeel gaar ah oo ay dowlaadda Soomaaliya ay u soo bandhigtay Beesha Caalmka .

Wasiir islow, ayaa waxaaย  xusay in Garoonka Stadium Muqdisho oo ay hadda ay dagan yihiin Ciidamaddaย AMISOM ay dhawaan la wareegi doonaan ciidanka Soomaaliyeed, islamrkaana lagu wareejin doono Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, si loo soo celiyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed oo ay dhalinyarado badanย  ay fursad ugu ย helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan.

โ€waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabadaโ€ ayuu yiri wasiir islow .

Maxamed Abukar islow, waxaaย ย  uu hoosta ka xariiqayย  in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu farxo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...