Home Blog Page 1325

Toyota oo xarun ka furatay Muqdisho

0

Mogadishu (SNTV)-Shirkadda ayaa 27-sana kadib ka furatay xafiis ay leedahay magaalada Muqdisho oo uu maanta  xariga ka jaray wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Somalia Maxamed Cabdi Xayi Maaraaye.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha maal gelinta shirkadaha shi-sheeye ay ku maal gashanayaan Soomaaliya, waxa uu  sidoo kale sheegay in Soomaaliya baabuurta laga isticmaalo ay isku soo mari jireen ilaa laba gacan balse wixii xilligan ka dambeeyo arrimahaas la xalin doono.

Shirkadda ayaa sameyn doonto dalabyo cusub iyo dib u habeyn lamid ah sida dowladaha kale ee caalamka ay ula macaamilaan, waxa ayna arrintan qeyb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo arrimaha  ganacsiga Soomaaliya.

Hadalkan ayuu u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxa uuna sii raaciyay in Soomaaliya wixii xilligaan ka dambeeyo ay dunida u iib geyn-doonto agabyada ay caanka ku tahay halka xilli hore Soomaaliya loo iib keeni jiray alaabaha dowladaha kale.

 

 

Shir looga hadlayo in la helo sharci mamnuucaya dhoofinta dhuxusha oo ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Shirkan oo looga hadlayay ka hortaga Jarista dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha Qaramada Midoobay, Dowladaha taageera Soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo Mas’uuliyii ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in jarista dhirta ay waxyeelo ba’an ugeysatay gayiga Soomaaliya iyo in dhuxusha dalka laga dhoofiyo ee shan laab ka badan tahay tan dalka gudihiisa lagu isticmaalo.

“Waxay dhibaato weyn ku keeneyaa Xoolihii dhirta hadaynan jirin deegaanka qurux ma yeelanayo, dhirta hadaynan roob la heli maayo abaarihii waa weynaa ee dalka ku dhuftay ayaa soo laalabanaya marka waa inaan raadinaa habab kale oo isticmaalka gudaha ee tamarta loogaga maarmi karo”ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenku in ay isku dayayaan in la sameeyo sidii ay u meelmarin lahaayeen sharci mamnuucaya jarista dhirta.

Peter de Clercq. oo ah ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashaan doonaan qaabkii loo heli lahaa ilo kale oo lagu daboolo isticmaalka dhuxusha.

Dhanka kale waxaa shirka laga sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo dalka ay dhaqaalo badan ku qabaan kooxaha argagixisada.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in labo maalmood uu ka socdo magaalada Muqdisho, iyada oo la filayo gaba gabadii in laga soo saaro qodobo muhiim u ah joojinta xaalufka lagu hayo deegaanka.

Madaxweynaha Jabuuti oo Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Wafdigii la socday

0

Djibouti (SNTV), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdigii uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo masuuliyiin kale.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa Madaxweynaha Dawladda Jabuuti, waxa uu kala hadlay dhinacyo badan oo ammaanka quseeya iyo siddii Jamhuuriyadda Soomaaliya looga taageeri lahaa adkeynta Nabad gelyada.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ballan qaaday in gacan weyn Dawladda Djibouti ay ka geeysan doonto taageerada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,  kordhinta tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Geelle sida walaaltinimada ay ka muuqato ee  loogu  soo dhaweeyey Djibouti, waxaana uu tilmaamay in uu yahay Hiil Walaal oo Soomaaliya mar walbo garab taagan.

 

Soomaaliya oo u gudbaysa wajiga 3-aad ee hanaanka cafinta daymaha

Wasiirka maaliyadda xukuumadda FS mudane C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku kulmayaan madaxda hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Waxa ay ka wada hadlayaan geedi socodka maaliyadeed ee Soomaaliya u fududaysanaya in laga cafiyo Balaayiin Doller oo lagu leeyahay, waxaana lagu wadaa in halkaasi lagu saxiiso SMP3 (Staff-Monitored Program) oo ah wajiga 3-aad ee shuruudaha la doonayo in Soomaaliya ay buuxiso si lacagahaasi looga dhaafo.

Sanad iyo barkii la soo dhaafay waxaa wasaaradda maaliyadda xukuumadda FS ay ku guulaysatay inay fuliso dhammaan shuruudihii ku xusnaa SMP1 iyo SMP2, waxaana hay’adaha dhaqaalaha dunidu ay hadda dawladda Soomaaliya ula fal galayaan inay tahay mid la aamini karo hanaankeeda maamulka maaliyadda.

Golaha shacabka oo ansixiyey xeerka xubinimada Midawga Baarlamaanada Africa

Kulanka golaha shacabka JFS ayaa maanta lagu ansixiyey hab maamuuska xeerka lagu aas asay Baarlamaanada Midawga Africa, kaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

141-Mudane ayaa ogolaaday xeerkan, waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen.

Xeerkan ayaa shalay golaha wasiirada xukuumadda FS ay ansixiyeen, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.

 

Wafdi ka socda hay’adda Gargaarka Boqorka Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray

0

Sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo arrimaha Bani’aaddanimada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socday hey’adda gargaarka boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga.

Madaxa wafdiga  ka socda hey’adda Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga Maxamed Deyman oo isaga iyo wasiirka gargaarka iyo arrimaha bani’aaddanimada xukuumadda F. Soomaaliya  ay saxaafadda kula hadleen garoonka Aadan  Cadde ayaa sheegay in u jeeddada ay dalka u yimaadeen ay tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinaha bani’aaddanimada,  gaar ahaan afurinta dadka danyarta ah maddaama ay soo dhawdahay bilashada bisha fadliga iyo kheyrka badan ee Ramadan.

Ku simaha wasiirka wasaaradda  gargaarka iyo arrimaha Bani’aaddanimada xukuumadda F. Soomaaliya ahna wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Cilmi Cumar Ceysane oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wafdigan ka socda dalka Sucuudiga ay dalka u yimaadeen sidii ay wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bani’aaddanimada ugala shaqeynlahaayeen howlaha lagu caawinayo ummadda Soomaaliyeed.

Imaatinka wafdigan ka socda hey’adda gargaarka boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan howlo loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadda wabiyada ee ku kala nool deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraaniyo Gedo, iyadoo waliba ay maalmo yar ka dhimantahay bilashada bisha barakeysan ee Ramadanka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay shirka 45-aad ee “OIC”

0

Muqdisho(SNTV);– Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shirka dalalka ku midoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” uga qeyb galay magaalada Dhaka ee dalka Bangaladesh ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka jeediyay shirkaasi.

Shirka ayaa sanadkaan diirada lagu saaray arrinta Qaxootiga Muslimiinta Rohingya,shirka oo socday mudo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi ka kala yimid 28-dal oo ku mideysan Ururka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa marka hore uga mahad celiyay Dowladda Bangaladesh Hoggaaminta iyo qaban qaabada wanaagsan ee shirkan,isagoona sidoo kale muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin isaga iyo wafdigiisa soo dhoweynta diiran ee Dowladda Bangaladesh u sameysay.

Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa khudbada uu ka jeediyay shirka 45-aad ee Wasiirada arrimaha dibada dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka “OIC” ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhaka ku soo hadal qaaday Fatahaadii ugu danbeysay ee ka dhufatay dalka,taasi oo saameyn ku yaalatay magaalooyinka iyo tuulooyin badan oo ku yaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in Fatahaada ay sababtay khasaaro isugu jira naf,maal iyo bur bur intaba.

Wuxuuna Wasiirka ku-xigeenka arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay Wadamada walaalaaha iney caawiyaan dadka ku sugan deegaanada ay Fatahaada saameysay.

Sidoo kale,Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya Horumaro dhinacyo badan leh ku tallaabsatay ka dib doorashadii 8-dii February ee sanadkii hore laguna doortay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo magacaabista Ra’iisal Wasaaraaha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,wuxuuna sheegay in Dowladda Xoogga saartay dhismaha Hay’adaha dastuuriga,dib u heshiisiinta,sidoo kalena waxay la dagaalantay Masuq maasuqa iyo Kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Ugu danbeyntii,Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay Dowladda Bangaladesh sida Mas’uuliyad leh ay isaga xil saartay qaabilaada ku dhawaad Hal Milyan oo Muslimiinta Rohingya ah oo Xididada looga soo siibay dalka Myanmar ka dib xasuuq halkaasi loogu geystay.

Magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangaladesh ayaa markii labaad waxay marti gelisay shirka Wasiirada arrimaha dibada ee Ururka iskaashiga islaamka,waxayna markii ugu horeysay oo shirkan ay marti geliso ay ahayd sanadkii 1983

Xaflad lagu taageeryay gudoomiyaha la doortay ee golaha Shacabka oo lagu qabtay dalka Mareykanka

USA-(SNTV)-Xaflad lag soo dhaweynayey Guddoomiyaha Golaha shacabka Somaliya Amb ; Maxamed Mursal Sheekh, ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Dalka Maraykanka.

Xafladdan oo ay soo qaban-qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ,ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka socda qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo marti sharaf kale.

Ganacsade C/xaafid, oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha kulanka ayaa si weyn uga sheekeeyey Taariikhda wax qabad ee Gudoomiyaha  Cusub Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Amb; Moxamed Mursal Sheekh C/rahman.

Xubnihii kala duwanaa ee munaasabba ka qayb galay ayaa waxay sidoo kale ku dheeraadeen wax qabadka Dowladda , waxanay Bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmeen inay si buuxda u garab istaagaan Dowladda, iyagoo isku boorriyay inay ka qayb qaataan dib u dhiska Dalka.

Dhammaan  Dadka ka qayb gala munaasabadda iyo xubnihii goobta ka hadlay ayaa  si weyn usoo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Soomaaliya, waxanay ku bogaadiyeen xilka loo dhiibay iyo kartida uu u leeyahay gudashada waajibaadkiisa Qaran, waxanay Allee ugu baryeen inuu la garab galo masuuliyadda ballaaran ee uu hayo.

Guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa beddelay Prof; Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden, oo xilka Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya iska casilay 12-kii April ee Sanadkan.

Cabdixakiim Cabdi Ismaciil

War baahinta Qaranka Minnesota Maraykanka.

 

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku soo dhoweeyay Guddoonka Gollaha Shacabka

Muqdisho(SNTV);– Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan,Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawad waxay ku balameen in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xafiiskeyga ayaan kusoo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka. Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka,” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

30-ka bishii April ee aan ka soo gudubnay ayay ahayd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Gen. Bashiir Ameeriko oo kulan dhiiri gelin ah Djibouti kula qaatay Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir Sports Clup

0

Djibouti (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Taliyaha hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, ayaa kulan dhiiri gelin ah dalka Djibouti kula qaatay Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir Sports Clup oo ka dheesha Horyaalka Seera A ee Soomaaliya.

Kooxdaan, ayaa dalka Djibouti u timid inay ka qeyb galaan Koobka wadamada Jaamacadda Carabta oo dalkaasi ay ka socoto hadda, waxaana Kooxda Banaadir Sports Clup habeen hore ay la dheeleen koox ma taleysay Jabuuti, ciyaartaasna waxay ku dhammaatay 1-1 ama Bar bar dhac.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa ku dhiir geliyey kooxdaan inay sii laba jibaaraan dadaalkooda, isaggoo xusay in tusaale ay u yihiin Qaranka, ayna la yimaadaan kulamada soo socda ciyaar wanaag.

Kooxda Kubadda Cagta ee Banaadir Sports Clup, ayaa habeenka dambe waxay la cayaari doonaan Koox ka socota Dalka Camaroos, waxaana hadda ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee kulankaasi.