Home Blog Page 1325

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka oo ku guuleystay kursiga Alabama

0

Doug Jones ayaa noqday xubintii ugu horeysay oo Dimoqraadi ah oo muddo 25-sano ah ku guuleysta kursiga aqalka odoyaasha ee gobolka Alabama,kadiib loolan adag oo uu la galay Roy Moore oo ka socday xisbiga Jamhuuriga.

Guusha uu gaaray  oo aheyd mid aan la fileyn  waxaa la tilaamay in ay dhabar jab ku tahay Madaxweyne Donald Trump oo ahaa mid taageeraayey ninkii laga adkaaday,waxayna ciriiri gelineysaa aqlabiyaddii xisbiga Jamhuuriga oo ahaa 51-49.

Loolanka loo galay kursigaasi ayaa ahaa mid banaanaa illaa horaantii sanadkaan,kaas oo uu baneeyay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka.

Mr Moore ,ayaa natiijadii hordhaca aheyd ku gacanseyray ,isagoo tilmaamay ilaa hadda in uusan dhicin tirinta gebi ahaan codadka

Golaha Shacabka oo ansixiyay Misaaniyadda Dowlada 2018

0

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya waxaa maanta shir guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudeey, waxaana Xildhibaanada ay ansixiyeen Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2018

162-Xildhibaan ayaa ogolaatay Miisaaniyadda dowlada ee 2018, halka uu diiday Hal Xildhibaan Midna uu ka aamusay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale  Beyle ayaa kaga mahad celiyay dhamaan xubnaha golaha shacabka ee meel mariyay Miisaaniyadda, wuxuuna ku tilmaamay Talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Qaraar uu soo diyaariyay Guddiga arimaha dibada ee Baarlamaanka oo ku aadanaa Cambaareynta go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil.

Somalia oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo+Sawirro

0

Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen.

Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.

Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri “Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka.

Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur.”

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri “Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska.

Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa.

Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha. Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka.

Soomaalid waa dad jecel safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.

daxweynaha Ruushka”Go’aanta Trump ee Qudus wuxuu burburinaya wadahadalada Bariga Dhexe”

0

War ka soo baxay aqalka Cremilinka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay siweyn uga soo horjeeda in magaalada Qudus loo aqoonsado in ay tahay Caasimadda Israel.

Madaxwaynaha Wadanka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay uu yahay mid meesha ka saaraya wadahadaladii nabadda ee Bariga dhexe.

Mr Putinka Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga,halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa Bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa soo xoogaysanayay tan iyo wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanaddii 2015,muddo sanad gudihiisa ayaa waxaa dhexmaray 8 kulan labada madaxweyne.

Shirka Wadamada Islaamka ee looga hadlayo Arinta Qudus oo Goordhow Furmay

0

Waxaa goordhow magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka deg dega ah oo ay isugu yimaadeen dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hogaamiyeyaasha 16-dal  iyo wakiilo ka socda qaar ka mid ah wadamada Islaamka ayaa waxaana khudbada furitaanka ka jeedinaya Madaxweyne Turkiga Erdugan oo ah Shir guddoomiye ah, isagoo ugu baaqay Mareykanka inuu ka laabto Go’aanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil, wuxuuna ugu yeeray Dowladaha iyo Hay’addaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha inay caasimada Falastiin u aqoonsadaan inay tahay Qudus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu khudbad ka tarjumeyso qadiyada Falastiin inuu ka jeediyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

IMF oo soo dhaweysay Guulaha Somalia ay ka gaartay Hanaanka Maamul Maaliyadeed

0

Hay’adda lacagta ee IMF ayaaa soo dhaweysay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanaayo siyaasad ahaan iyo isbadal ahaan barnaamijyada horumarineed ee lagu kobcinaayo dhaqaalaha dalka iyo kuwa lagula dagaalamayo musuqa

IMF ayaaa aaminsan in guul ay tahay ballanqaadka adag ee Madaxda Dalka ay ugu jiraan jiheynta iyo wax ka badalka  nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo fulinta barnaamijyada horumarineed ee hey’adda IFM ay u qorsheysay dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan xaalado adag oo ku xeeran.

Hay’addu waxa ay taageertay sida madaxda dowladda ay u qaadeen tallaabooyinka looga hortagayo yaraanta daqliga gudaha iyo  horumarinta nolosha dadka.

Wax qabadka Maamulka si waafaqsan SMP Bishii September 2017 si weyn ayaa loogu Qancay. Waxay Cusbooneeysiiyeen Isfahamka Dhaqaalaha iyo Siyaasadaha Maaliyadda Waqtiga u dhexeeya 2018 iyo 2019.

Kooxda kormeerka Sameeysay waxay Aaminsanyihiin in Siyaasadaha iyo Dib uhabeeyntuba ay Dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan si ay u gaarto Koboc, dib u kabsasho iyo Hadafyadda bulshadda.

Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle uu magaalada Nairobi kula yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi usocodka Deyn Cafiska ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Hogaamiyeyaasha Islaamka oo maanta kulan ka yeelanaya go’aankii Donald Trump

0

Waxaa maanta ka dhacaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaa dalalka Islaamka kaasi oo looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu Caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mowliid Oglo ayaa sheegay in aysan suuragal aheyn in laga aamuso dulmiga ay Israa’iil ku heyso Falastiin, isaga oo balan qaaday in Shirka ay kasoo bixi doonto fariin xooggan oo la xiriirta Qudus.

“Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta ayaa si daciif ah oga fal celiyay arrintaan, sababtoo ah waxa ay qaarkood walaac ka qabaan Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Shirkaan uu noqon doono Turjumaad wax ku ool ah oo Shacuubta Carabta iyo Islaamka ay kaga horimaanayaan talaabada Donal Trump.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Shirkan ayaa la filayaa in aysan u kala harin Hogaamiyaasha dalalka Carabta iyo Islaamka, waxaana Soomaliya oga qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Caro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Muuse Biixi Cabdi oo maanta la caleema saarayo

0

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha dhawaan  la doortay ee Somaliland lafilayaa in maanta lagu caleema saaro magaalada Hargeysa,iyadoo qaban qaabo ku aadan munaasabadda dhaarinta madaxweynaha ay haatan ka socoto aqalka madaxtooyada.

Xafladda Caleema saarka ayaa waxaa ka soo qeyb galaya Marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay xaflada,Madaxweynaha xilka degaya Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa dhawaan loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliland,kadib markii uu ka guuleystay musharixiintii kula tartamaysa xilka madaxweynenimo,taasi oo dhawaan ka dhacday halkaasi.

Somalia oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo+Sawirro

0

Cuman(SONNA) Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen.

Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.

Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri “Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka.

Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur.”

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri “Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska.

Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa.

Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha. Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka.

Soomaalid waa dad jecel safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.

Madaxweynaha Ruushka”Go’aanta Trump ee Qudus wuxuu burburinaya wadahadalada Bariga Dhexe”

0

Mosco(SONNA) War ka soo baxay aqalka Cremilinka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Mosco ay siweyn uga soo horjeeda in magaalada Qudus loo aqoonsado in ay tahay Caasimadda Israel.