Home Blog Page 1314

0

Suudaan(SNTV) Magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan ayaa lagu qabtay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay dhalinyaro Leyli tababara Leyli Saraakiil ah in muddo ah lagu barayay Dalkaasi Suudaan.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadaasi madaxweynaah Dalka Suudaan Cuymar Xasan Albshiir,kumanaan Soomaalida kunool Dalkaasi Suudaan iyo madax kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka suudaan wax ku baranayaya muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka.

Cumar Xasan Axmed oo kamid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi,iyadoo madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir uu bilada sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed.

Wuxuu Cumar Xasan Axmed hormuud ka ahaa salaam sharaftii halkaasi lagu siiyay madaxweyne Cumar Xasan Albshiir,iyadoo uu madaxweynuhu ku aaanay dhalinyaradaasi xirfadaha ay barteen,iyo tayadooda wanaagsan.

Tababarka dadka la siinayay ayaa isugu jiray Soomaali,Suudaan,iyo Urdun,iyadoo uu Cumar Xasan Axmed kaalinta koowaad ka galay

Waxaa lafilayaa in ay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan,si ay u gutaan waajibaadkoodi Qaran ee ah in ay u adeegaan Shacabkooda.

Gobolka Banaadir oo deeq gaarsiiyay barakacayaal ku dhaqan gudaha iyo daafaha Muqdisho.

0

Muqdisho-(SNTV)-Mas’uulliyiin sare oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shalay deeq ka kooban Agabka kala duwan gaarsiiyey qaar kamid ah xeryaha dhaca duleedka Caasimadda oo ay ku nool yihiin Boqolaal kamid ah Bulshada nugul ee soo barakacay.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey waxaa kamid ah xerooyinka ku yaalla Degmada Kaxda iyo degaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey Agab ay uga gaashaantaan Roobabka iyo qabowga dhacaya, maadaama lagu jiro xili roobaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimaddu u baahan yihiin jawaab deeqsinimo leh iyo gurmad wax ku ool ah oo ku soo aada waqtiga loo baahan yahay.

Mss; Basmo waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay olole wax looga qabanayo xaaladaha nololeed ee barakacayaasha, iyadoo qorshuhu yahay in gurmadka ka sakow la sameeyo dib-u-dajin iyo degaameyn.

Abaaraha soo noq-noqday ee ka jira degaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa sababay barakac baahsan, maaddaama in badan oo ka mid ah Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed iyo Beeralayba ay waayeen Duunyadii iyo dalaggii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Xarunta Dambi baarista ee C.I.D oo dib u dayactir uu ka socdo.

0

Muqdisho (Sntv), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ay wehliyeen  qaar kamid ah Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka  Booliska, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Xarunta dambi baarista CID oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah oo  lagu sameynayo xaruntaasi.

Taliyaha, ayaa mid mid u soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee dhismaha iyo dib u dayactirka lagu sameynayo, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan sida ay u socoto Shaqada  Laanta Dambi baarista Booliska siiyey Taliyaha Xaruntaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in Qarasha ku baxaya dib u dayactirka lagu sameynayo Xaruntaan uu bixinayo Taliska Ciidanka Booliska, islamarkaana aysan aheyn kaalmo ka timid dad kale, isaggoo xusay in Taliska uu sameeyey qorshe lagu dhisayo dhammaan xarumihii Ciidanka Booliska ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Qorshaha lagu dhisayo Xarunta Laanta dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID, ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha Taliska Ciidanka Booliska uu dejiey ee ku aadan dhib u dhiska Xarumihii Ciidanka, waxaana sidan oo kale dib u dayactir  lagu wadaa Xarunta Taliska Qeybta booliska G/banaadir, Xarunta Isgaarsiinta Ciidanka ee OTO OTO iyo Xarumo kale.

 

Duqa Muqdisho oo daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan.

0

Muqdisho (SNTV) –Guddoomiyaha Gobolka Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray Ololaha Taakulo ee bisha Ramadaan oo lagu caawinayo dadka nugul ee ku nool magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa yiri “Sida ay na farayso Shareecada Islaamka, Waxaa mar walba waajib ku ah ummadda Muslimka in ay is-kaalmeyso dhaxdeeda iyadoo gacan kaalmo la siinaayo qaybaha bulshada ee dhibaateysan. Bisha Ramadaan oo ay xilligaan nooga harsan tahay wax ka yar 3dex asbuuc, Waxaa muhiim ah in la TAAKULEEYO walaalaha Muslimiinta Soomaaliyeed ee aan awoodin helista Afurta bisha Ramadaanka.”

Sidaas darteed, Waxa uu maamulka Gobolka Benaadir isagoo kaashanaya qaybaha kala ah;

1. Bulsho weynta Soomaaliyeed ee 17 ka degmo ee G/Banaadir
2. Hey’daha dawladda ee heer fadaraal iyo Maamulka Gobolka
3. Ganacsatada
4. jamciyadaha Kheyriga ah iyo kuwa Waxbarashada sida dugsiyada iyo Jaamacadaha
5. Qurbo joogta Soomaaliyeed
6. Safaaradaha wadamada adduunka ee xarumaha ku leh Muqdisho

Waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 26-04-2018 si rasmi ah u daahfuray OLALAHA TAAKULO ee bisha Ramadaan kaa soo ujeedkiisu yahay in la abaabulo qaybaha kor ku xusan si loo kaalmeeyo bulshada qaybaheeda aan awoodin in ay helaan wax ay ku afuraan. Waxa uu maamulku qaban doonaa shirar wadatashiyo ah ee lala gali doono inta ay khuseyo iyo sidoo kale wacyigalino heer bulsho ah ee laga samayn doono dhammaan 17 ka degmo ee G/Benaadir.

Olalahaan wajigiisa 1 aad ayaa socon doono ilaa 14 ka May, 2018, halka wajigiisa 2 aadna uu bilaaban doono 20 ka May, 2018 ilaa inta laga gaarayo Ciidul Fidriga.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa sidoo kale yiri “Iyadoo la aaminsanyahay in umadda Soomaaliyeed lagu yaqaan umad is-taakulaysa aadna ugu wanaagsan wax bixinta iyo kaalmaynta walaalahooda, Waxaan fursadaan uga faaíideeysanayaa in aan codsi u jeediyo dhammaan qaybaha aan kor ku sheegay kaasoo ah in ay gacan weyn ka geestaan kana qayb qaataan OLALAHA TAAKULO ee bisha Ramadaan ka si loo muujiyo masúuliyad, musilinimo iyo baniáadanimo. Maamulka Gobolka Waxa uu balan qaadayaa in uu si tayo leh oo hufan uu u hogaamin doono una maamuli doono aruurinta iyo gaarsiinta kaalmada dadkii loogu tala galay. Sidoo kale waxa uu maamulku fududeyn, qorshayn iyo xiriirin u samayn doonaa heyádaha qorshaynaya in ay sameeyaan mashaariic kaalmo ee bisha Ramadaan si loo xaqiijiyo in wax walba u dhacaan sidii loo qorsheeyay.”

Waxaan si hor-dhac ah, gaarna ah halkaan uga mahadnaqayaa Dhammaan Shaqaalaha Maamulka G/banaadir iyo D/Hoose oo goáansaday in ay ugu horayn bilaabaan ka qayb qaadashada OLALAHA TAAKULO iyagoo mushaarkoodi bisha April, qayb ka mid ah u jaray si loogu taakulayo dadka dhibaataysn maalmaha bisha Ramadaanka.

R/Wasaare Kheyre oo guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga Dalka.

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa Maanta shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirkan,ayaa Diiradda lagu saaray  amniga Dalka , iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka  Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika.

Waxaana Shirka Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka loogu soo bandhigi doonaa Beesha Caalamka Istitaatiijiyadda ay Dowladda Soomaaliya u dooneyso inay kula wareegto ammaanka guud ee Dalka xilliga ay shaqadooda dhammaystaan Ciidamada AMISOM.

 

 

Wasiir Beyle” haddaan Gacmaha is qabsano guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa”

0

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr: C/raxmaan Ducaale Beyle, kadib markii uu kasoo qayb galay shir looga hadlayay cafinta deymaha iyo taakulaynta Soomaaliya oo ka dhacay Dalka Maraykanka.

Mudane; Beyle oo ay Gegida Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay guul weyn kasoo gaareen waxa uu ku Magacaabay shirkii Gu’ga ee ka dhacay Dalka maraykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxda hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka.

“Soomaaliyeey haddaan Gacmaha is qabsanno guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa Insha Allaah” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in guusha shirkaas ka soo baxday ay tahay in hadda si rasmi ah Waddamada Caalamka iyo kuwa Deeq bixiyayaashu ay u aamineen Dowladda Soomaaliya, kuna kalsoonaadeen hannaanka hufan ee maamulka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Shiinaha oo u ballan qaaday Soomaaliya deeq wax barasho.

0

Muqdisho(SNTV) Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadki hore Dowladda Shiina deeq waxbarsho u fidisay arday gareeysa 51 arday,sanad kaana si lamid ah ay qorsheynayaan in tiro arday ah deeq waxbarasho ay siiso Dowladda Shiinaha.

Wuxuu talaabadan ku tilmaamay Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya in tani ay tahay mid sii xoojineeysa xiriirka saaxiibtanimo ee Soomaaliya iyo Shiinaha,islamarkaana ay sii wadi doonaan tageerada marwaliba ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo waliba is dhaxgalka labada bulsho.

Hadalkan ayuu jeediyay Danjire Qin Jian xili maalintii shalay ay qalab xafiiseed ku wareejinayeen ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed,kaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay uga adeegaan,waxaana munaasabadda wareejinta qalabkaasi goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Dowladda shiinaha waxa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,iyadoo ka taageerta mashaariicd ahorumarineed iyo waxbarashada dhalinyarada,waxaana ka dhexeeya labada dowladood xiriir soo jireen ah.

 

Waa tallaabo lagu hubinayo tirada iyo tayada Shaqaalaha.

0

Muqdisho (SNTV)-Waxaa haatan bilowday Barnaamij lagu tira koobayo shaqaalaha dowladda, kaasi oo ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku tirikoobto islmarkaana ay ku tayeyso shaqaalaha oo laf dhabar u ah adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu ku saleysan yahay Hubinta tiradda, tayadda iyo aqoonta shaqaalaha, iyadoo uu barnaamijku tiro koobayo shaqaalaha dowladda Soomaaliya, taasi oo fududaynaysa in shaqaalahu ay helaan tababaro iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Barnaamijkaaan lagu tira koobayo shaqaalaha dowladda federaallku ayaa ku kooban oo kaliya shaqaalaha u shaqeeya dowladda federaalka ee ka howlgala magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Haddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda,, kaasi oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha, waxaana ka soo qayb galay xubno ka socday golaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.

“ In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”
“Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tababarada ay u baahan yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo la isku raacay in Soomaaliya ay soo gaartay meel wanaagsan oo aduunyada ay u riyaaqday.

Sidoo kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mas’uuliyiintii Hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga dhexe ee magaalada Washington uu kula kulmay Wasiirka Maaliyadda isku afgarteen in Soomaaliya loo yagleelo lacagta Shilin Soomaaliga ah, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga adduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya, Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.”

Masuuliyiinta ka hadlay goobtaasi lagu daahfurayay Barnaamijka Tirikoobka Shaqaalaha Dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, isagoo cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna xusay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha.

Madashaasi waxa kaloo ka hadlay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka dowladda ayaa sharaxay ahmiyadda ay shaqaalaha u leedahay tira koobkaan lagu samaynayo.

Barnaamijkaaan lagu tira koobayo shaqaalaha dowladda ayaa ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in la hubiyo tirada Shaqaalaha Dowladda, markaa kadibna loo tayeyn lahaa shaqaalaha oo laf dhabar u ah adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana barnaamij aad loogu baahnaa, waayo waxaa meesha ka baxay dad aan soo xaadirin Goobaha Shaqada oo Lacagta iska qaata, sidaasi awgeed Waa tallaabo haboon oo lagu hubinyao tirada iyo tayada Shaqaalaha.

W.Q: C/llahi Ruush

Shir ku saabsan amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Garoowe/

0

Garoowe-(SNTV)-Waxaa Magaalada Garoowe Shalay ka furmay  shirka amniga Dowlada Federaalka iy maamul Goboleedyada Dalka, kaas oo looga hadlay xaalada ammaanka ee Dalka guud ahaa iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha nabad gelyada.

Kulankan ayaa sidoo kale laysku weydaarsanayay aragtiyo ku aaddan sida looga gudbi karo caqabadaha ka jira dhanka ammaanka iyo sidii guul kama dambays ah looga gaari lahaa Kooxaha liddiga ku ah nabad gelyada Dalka ee ay ugu horreeyaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxaa Shirkan lagu falanqeeyay tayaynta iyo dibu dhiska hay ‘adaha ammaanka, tiro koobka Ciidanka Booliiska Soomaaliyed,  wada shaqaynta Wasaaradaha amniga ee heer maamul Goboleed iyo heer Federaal  Iyo xoojita Ciidamada Dalka ee ka howl-gala Gobollada iyo qodobbo kale oo xal u ah sidii nabad waarta loo gaadhsiin lahaa Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka Wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaallo dheeri ah ku bixinayso sidii loodardar gelin lahaa qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo maamulladana laga doonayo iney fududeeyaan taabba gelinta Ciidankan, kaas oo ka shaqayn doona sugidda amniga Dalka oo idil.

“Shirkan muhiimaddiisu waa inaan helnaa Ciidan Boliis ah oo Soomaaliyeed, oo ay dhammaystiran yihiin Agabkii ay u baahnaayeen, ayuu yiri wasiir ku xigeenku”.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin C/laahi Cumar , ayaa sheegay inuu amniga Soomaaliya ku hagaagi karo in maamullada Dalka ka jira lagala shaqeeyo sugiidda nabad gelyada iskaashi buuxana ay ka wada yeeshaan Dowladda dhexe.

Wasiirka amniga puntland Axmed C/lahi Yuusuf, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyadu ay si wada jira ah uga shaqayn doonaan sidii loos oo Afjari lahaa kooxaha cadawga ku ah nabad gelyada Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay SKA

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaan ku sameysay heshiis la sheegay in lala galay shirkadda SKA, waxa ayna caddeyneysa dowladdu in heshiiskaas uusan waafaqsaneyn habraaca sharciga ah iibka Qaranka.