Home Blog Page 1314

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulmay Safiirka Turkiga u Jooga Soomaaliya.

0

Amb, Axmed Ciise Cawada  ayaa aqbalay u yeerid ammaan ku dheehantahay  oo uu ka helay safiirka Soomaaliya u joogo wadanka Turkiga Mr. Olgan Bekar, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u muujiyay safiirka sida uu ugu faraxsanyahay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, waxa uu sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ka qabo in xiriirka labada dal uu sii socdo, horeyna ay u sii dhaqaajin doonaan si taxadir leh heshiisyada horumarineed ee labada dal ka dhexeeyo.

Wasiirka Cawad ayaasheegay in uu ku faani karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeyo labada dal iyo wada shaqeynta joogta ah ee sii kordheyso ee dhammaan dhinacyada horumrka ay ka caawinayaan Turkida dadka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed.

Intii ay ku guda jireen wada hadalka labada dhinac ah ee u dhexeeyay safiirka iyo wasiirka  ayaa waxa ay ka wada hadleen danaha labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray  ganacsiga, dhaqaalaha iyo arrimaha nabad-gelyada,.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb gelay wasiiru dowlada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mr.Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi, qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda  iyo la-taliyayaal sare.

Warka Caalamka 11.01.2018,,,,,,,,Hal qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa loo xiray dibadbaxyada ka soconaya Tuunisiya,,,,,

0

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Tuuniisiya, Yuusuf Shaahid, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay saameeyay ku dhawaad 20 magaalo oo waddankaasi ku yaal.

Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aanan la aqbali karin, waxa uu sheegay in kuwo qaswadayaal ah ay isku dayayaan inay curyaamiyaan qaranka.

Magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah halkaas oo Isniintii uu ku dhintay qof dibadbax sameynayay, ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhacayeen habeenkii saddexaad oo xiriir ah booliskuna waxa ay dadkaasi la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dadka dibadbaxaya ayaa dalbanaya in lasoo afjaro gunti-giijiska dhaqaale

Dibadbaxyada cusub ee habeenkii la qabtay ayaa ka dhacay oo kaliya magaalooyinka Tuunis iyo Dhabirbah hasayeeshee magaalooyin kale ayaa waxa ay dadku gubeen taayiro sidoo kalana waxa ay tuurayeen bambooyin batrool laga sameeyay.

Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.

Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.

Iyadoo ay sii kordhayso carada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska.

Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu’gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaaray dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo Saro U kacey.

Waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya 04-10 Jan 2018.

0

Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka Iyo Dalxiiska

Xafiiska Wasiirka Warfaafinta

 Waxqabadka Xukuumadda

Mogadishu-10/01/2018 –

 Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)

ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 04-10 Jan 2018.

 Guddoomiye Jawaari Oo Kullan Dhiira Gelin Ah La Qaatay Howlwadeenada Golaha Shacabka

04/01/2018-Ujeedka Kullanka Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay Howlwadeenada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa waxaa uu ahaa dar dar gelinta howlaha shacabka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa. kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ayaa qaar ka mid ah howl wadeenada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay waxa ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen howlaha shacabka uu ummadda  u hayo, xaaladaha ay ku suganyihiin guud ahaan howl wadeenada Golaha Shacabka ,waxayna sidoo kale Guddoonka Golaha ay ku amaaneen hogaankiisa Wanaagsan.

 Wasiirka Waxbarashada Xfs Oo Tababar Aqoon Kororsi Ah Ufuray 25 Macalimiin

06/01/2018-Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta Siminaar Socon doona shan malmood ugu  furay magaalada muqdisho 25 macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo gobolkan Banaadir. Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa Casharo la Xariira Maamulka ,maareynta iyo qorsheynta tayo dhowrka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarsho.

Wasaaradda Qorsheynta Oo Furtay Shirka Sahanka Caafimaadka Iyo Macluumaadka Dadka.

07/01/2018-Sahanka Caafiimadka dalka iyo macluumaadka dadka Soomaaliyeed ayay Wasaaradda Qarsheynta dowladda Federaalka agaasinkeeda Xogaha Qaranka maanta ku qabtay magaalada Muqdisho. Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen Masuulayiin ka socota Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha hoos yimaada dowlada, waxaana goob joog ka ah Madaxa sare ee Wasaaradda Qorsheynta dowladda federaalka.

Wasiiradii La Magacaabay Oo Xilalkoodii Loo Dhaariyey.

07/01/2018-Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyaya sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka. Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Madaxweynaha Jfs Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Daah-Furay Garoonka Garoowe.

08/01/2018- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. Munaasabadda oo hadda si toos ah ugu socota Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madax ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ,puntland, Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

 Madaxweyne Farmaajo Oo Xarigga Ka Jaray Garoonka Caalimiga Ah Ee Garoowe.

08/01/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray Garoonka caalamiga ah Jeneraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe, kadib munaasabad ka dhacday Garoonka dhexdiisa. Munaasabadda lagu daahfurayey Garoonka cusub waxaa kasoo qeybgalay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka sare, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland, Wasiirro heer Federaal iyo kuwo Dowlad goboleed, marti, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 Wasaaradda Caafimaadka Xfs Oo Soo Gabagabeysay Talaalka Caruurta Ee Cudurka Jadeecada.

09/01/2018-Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada garoowe ku soo gabgabeysay Olole muddo shan maalmood ah socday oo caruurta da’deedu u dhaxeyso 6- 10 Sano looga talaalayay cudurka dilaga ah ee Jadeecadda.Tirada Guud oo caruurta Soomaalida ee Cudurkan lagu daaweynayo ayaa lagu qiyaasay2-4 milyan oo ku kala baahsan Goboada dalka oo dhan.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soaamaaliya Dadaal Weyn Uu Sameeyey Ka Dib Laguwareejiyey  Lix Gaari Oo Nooca Aan Xabada Karin Ah

09/01/2018- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo  nooca aan Xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda. Gaadiidkani ayaa Wasaaradda ugu deeqday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

 Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Waddo Laami Ah Oo Isku Xiri Doonta Dangoronyo & Eyl

10/01/2018- Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir u dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal. Wadadan laamiga ah ayaa anfici doontaa shacabka Gobalka Nugaal oo baahi weyn u qabay, waxayna soo dhaweeyeen Talaabadan hormarka oo hore loo qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Tubta Toosan.

10/01/2018-Xafiiskan cusub oo uu wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska xariga ka jarey ayaa noqon doona mid ka shaqeeya wacyi galinta bulsha iyo sidii dadka soomaaliyeed si fudud baraha casriga ah ee bulshada loogu gaarsiin lahaa wararka iyo barnaamijiyada warbaahinta dowladu baahiso.Xafiiskan ayaa  loogu  magac daray Tubta toosan inuu Noqon doono mid ka shaqeeya Howlaha Warbaahinta Casriga ee Arrimaha Wacyigelinta Dhibaatada Xagjirnimada  iyada oo lagu bartilmaameedsanayo dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana ka shaqeynaya dad loo soo xulay shaqadan oo xirfadyahano ah.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska

media@gov.so

 

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb-galay shirka qorsheynta dalalka Carabta.

0

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan  oo safar shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay wasiirka  arrimaha Diiwaanka ee dalkaasi, isagoo gaarsiyay dhambaal uu ka siday madaxdwynaha Jamuuriyada mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan horumarka dalka ka jira siiyay Sheekh Cali Jaraax Al Sabaah wasiirka arrimaha diiwaanka ee Dalka Kuwait, sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii dowladda Kuwait ay qeyb mug leh uga qaadan lahayd horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Maalgelinta iyo kaabidda dhaqaalaha dalka.

Sheekh Cali Jaraax Al Sabaah, ayaa ballan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona Amiirka dalka Kuwait, waxaa uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan mashaariicda badan oo dhanka horumarka ku saabsan, iyadoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa dalka Kuwait uga qeyb-galaya shirka qorsheynta waddamada Carabta.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray deegaanka Carmo ee gobolka Bari

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey madaxweynaha.

Socdaalka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku sii hakaday deegaanka Carmo, waxaa uu la kulmay qeybaha bulshada, odeyaasha deegaanka, Ganacsatada iyo maamulka deegaanka oo aad ugu faraxsanaa booqashada madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka sii gudbi doona Carmo isla markaana ku wajahan magaalada Boosaaso oouu safarkiisa Puntland ku soo gabogabeyn doono.

 

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Ankara uga qeyb-galaya shirka horumarinta Ganacsiga.

0

wafdigaani oo uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi  Maxamed  Guuleed , Wasiirka Ganacsiga Iyo warshadaha wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, agaasimeyaal ka socda wasaradaha dowladda ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda Turkiga ee Ankara.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada la socda ayaa la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, waxaa laga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Soomaaliya iyo in  la tababarro shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Shirka Horumarinta Ganacsiga ee Ankara ka furmaya ayaa socon doona muddo hal maalin ah, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii maalgashi loogu sameysan lahaa waddamada soo koraya, sida Soomaaliya oo kale.

Wasiirka Warfaafinta Oo xarigga Ka Jaray xarunta Tubta Toosan.

0

Xafiiskan cusub oo uu wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska xariga ka jarey ayaa noqon doona mid ka shaqeeya wacyi galinta bulsha iyo sidii dadka soomaaliyeed si fudud baraha casriga ah ee bulshada loogu gaarsiin lahaa wararka iyo barnaamijiyada warbaahinta dowladu baahiso
Agaasimaha telefishinka qaranka mudane libaan Cabdi cali ayaa sheegey xafiiskan oo magaciisu noqon doono Tubta toosan inuu Noqon doono mid ka shaqeeya Dowlada iyo qeybaha bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaraada warfaafinta dowlada xukuumada soomaaliya mr Cabdiraxmaan yuusuf sheikh al cadaala ayaa shegeey tiro xirfad yahano ah iney ka howlagali doonaan xafiiskana oo lagu soo biiriyey wasaarasda
Wasiirka wasarada warafaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska cabdiraxmaan cumar cismaan yariisow oo xariga ka jarey xaruntan ayaa sheegey wacyi galinta bulshada iney xooga saareyso wasarada warfaafinta iyo sidii dowlada soomaaliyeed shacabka isku xigkooda looga shaqeyn lahaa
Wasarada warfaafinta ayaa u taagan wacyi galinta bulshada soomaaliyeed iyo hanuuninta dadweynaha waxa uuna xafiskani joogteyn doonaan sidi wacyiga bulshada loo dhisi lahaa.

Sugaal Macalin.

Taha Siddiqui oo sheegay inuu ka badbaaday iskuday dil

0

Saxafigan oo caanka ah dalka Pakistan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka badbaaday iskuday afduubay damacan-sanaayeen rag hubeysan gudaha magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan.

Siddiqui oo ka waramayay dhacdada qabsatay ayaa sheegay in 10-12 rag hubeysan kuwaasi oo aanan la garan weli ay garaaceen isaga iyagoo ugu hanjabay in ay dilayaan, xilli uu ku socday gaari taxi ah isagoo ku wajahnaa dhinaca garoonka diyaaradaha. Waxaana uu sheegay inuu ka booday gaariga, sida ay wararku sheegayaan.

Saxafiga ayaa sheegay inuu haatan nabad qabo oo ay la joogaan booliska oo baaraya dhacdada soo wajahday isaga.

Mr Siddiqui ayaa ah saxafi sameeyay qormo dhowaan laga baahiyay BBC-da oo kusaabsanayd xorriyadda Saxaafadda Pakistan. oo lagu tiriyo in ay kamid tahay wadamada ugu halista badan marka loo eego wariyayaasha.

Taha Saddiqui ayaa ku socday wadada weyn ee magaalada Islamabad oo tagta garoonka xilligaasi oo ay joojiyeen gaarigii uu ku socday rag hubeysan si ay u af duubaan.

baadi-goob loogu jiro dad lagu la’ yahay fatahaaddii California

0

Shaqaalaha badbaadada ee Koonfurta California ayaa baadi goobaya dad ka badbaaday burburkii kadhashay fatahaad ay kudhinteen ugu yaraan 13-qof.

Ciidamada booliiska ayaa xiray masaafo dhan 48-kilomitir oo kamid ah wadada weyn ee tagta xeebta, booliiska ayaa sheegaya in goobta fatahaadu ka dhcday ay u egtahay “goobtii dagaalkii koowaad ee dunida”.

Ugu yaraan 300 qof ayaa lagu waramayaa in ay kuxaniban yihiin deegaanka Romero Canyon oo soohdin laleh bariga magaalada Santa Barbara, iyadoo ay dadaalada badbaada lagu wado in lasii wado.

Mike Eliason oo ah afhayeenka dab demiska ee deegaanka Barbara County ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah ay kusoo rogmadeen deegaanka Montecito halkaasi oo ay khasaaro lixaad leh u geysteen guryaha iyo waddooyinka.

In ka badan 50 qof ayaa laga soo badbaadiyay waxaana jira in ay weli ku adag tahay samatabixiyeyaasha in ay galaan meelaha kale maxaa yeelay waxaa weli xiran waddooyinka qaarkood oo ay kamid tahay wadada weyn ee 101.

Saraakiisha gurmadka deg-degga ah ayaa sheegay in goobta ay dhibaatadu ka dhacdo ay yihiin meelaha aanan helin gurmadka.

Qaar kamid ah 163 qof ayaa la dhigay cusbitaal, kuwaasi oo 20 kamid ah ay dhaawacyo kasoo gaareen duufaanta.

Kumanaano kun oo qof ayaa ka cararay guryihii ay degenaayeen kuwaasi oo qaarkood sii maqan labadii billood ee u dambeeysay.

Wasiirka Caddaaladda oo xarigga ka jaray xarunta taliska Asluubta

0

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ee Ex Control Afgooye oo dayactir lagu sameeyay.

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Saraakiil ka socda Ciidanka Asluubta iyo kuwa Xoogga dalka ayaa ka qeyb galay Munaasabada xariga looga jaray xarunta Taliska Ciidanka Asluubta ee Ex Control Afgooye.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in guul ay tahay dib u howgalinta xaruntan, waxa uu  ammaanay Taliska Ciidanka Asluubta oo muddooyinkii u dambeeyay ka shaqeynayay sidii loo dayactiri lahaa xaruntan oo burbursaneyd tan iyo markii dagaalladii sokeeya uu dalka ka dhacay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa munaasabadda ka sheegay in dhammaan hoggaanada ciidanka Asluubta ay ku shaqeyn doonaan xaruntan oo noqon doonta mida ugu weyn.