Boondheere oo ku biirtay degmooyinka ka haray tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan adag ayaa waxa uu dhex-maray degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda, waxaana ugu horreynba lagu bilaabay su’aalaha degmada Warta-nabadda oo iyada  nasiib u yeelatay qorya tuurkii billowga tartanka.

Su’aalihii 7-ahaa ee loogu tala galay laba kamid ah ayay ka jawaabeen, waxa ay sidoo kale ka faa’ideystaan laba su’aalood oo soo  haraarmartay degmada ay dariska yihiin ee Boondheere, sidaas ayayna ku hanteen dhibco gaarayo 8-dhibcood.

Degmada Boondheere oo iyana aan shideyn dab yar ayaa iyana su’aalihii la weydiiyay ay ka jawaabeen labo halka ay si ka faa’ideysi ah ay u heleen su’aal ka timid degmada ay dariska yihiin ee Warta-nabadda , waxa ayna sidaas ku heleen 6-dhibcood.

Intii lagu jiray tartanka ayay degmada Boondheere soo gudbiyeen cabasho, waxaana guddiga tartanka horey u shaaciyeen in wixii cabasha la soo gudbiyo  habeenka tartanka lagu jiro, faham iyo sharaxaad dheer kadib waxa ay guddiga ku guuleysteen in ay qanciyaan degmada Boondheere.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka sidoo kale uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa  nasiib u yeeshay in waraagga 2-aad iska xaadiriyaan degmada Warta-nabadda halka Boondheere ay ku biirtay degmooyinka ku haray waraagga 1-aad.

Habeen dambe degmooyinka xeebta dhaca ee Cabdal-caziiz iyo Xamar-weyne ayaa ku ballansan tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...