Gen. Bashiir Ameeriko oo kulan dhiiri gelin ah la qaatay Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kulan dhiiri gelin ah la qaatay qaar kamid ah Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno.

Gen. Bashiir Ameeriko, ayaa ku dhiiri geliyey haweenkaasi Ciidanka Booliska ka midka ah sida howlkarnimada ay ka muuqato ee ay ugu shaqeynayaan Qaranka, waxaana uu ku booriyey inay sii laba jibaaraan shaqada, masuuliyad gaar ahna ay iska saaraan.

Qaar kamid ah Haweenkii isugu jiray Saraakiisha iyo Saraakiil xiggeenada oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku ammaanay sida dardarta leh ee uu u wado shaqada Ciidanka Booliska, iyaggoo xusay in dhankooda masuuliyada saaran ay kasoo dhalaali doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....