Home Blog Page 1313

Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo iskaashi wada saxiixdey

0

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi ganacsi oo dhinacyo badan leh, kaddib markii ay yeeshyeen shir ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa dowladda Turkiga u bandhigay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashiga labada dal u dhaxeeya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa si rasmi ah heshiiska qalinka ugu duugay, waxanay tallaabadan fursad weyn u noqon doonta Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhiggiisa Turkiga u bandhiggay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskan, isla markaana looga mira dhalin lahaa.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga, si ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, Turkiga ayaa iyaguna qaadan doona Khayraadka dalkeenna, sida Kaluunka, dalagga Beeraha iyo xoolaha.

Shirka dib u eegista socdaalka oo ka furtay Cadaado

0

Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegita Shirciga Socdaalka Soomaliya, waaxana shirkani daahfuray la taliyaasha dhanka sharciga ee Hey’adda SOcdaalka iyo Jinsiyadda C/nasir Hashi iyo Safiya Shire.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka socotay xildhinaada iyo wasiirada Galmudug oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka, waxaana ay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhax, balse hadda la qaatay nidaamka Federaalka.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dhawaalahaanba ku jirtay dadaalo lagu doonayo in dib loo howgaliyo dhammaan xafiisyo ku kala yaal Gobolada Dalka iyo dib u eegista Sharciyada Socdaalka, iyadoo Agaasimaha Hey’addaasi uu dhawaan kormeer ku sameeyay Xafiisyada Hey’addaasi ku leedahay Magaalooyinka Dooloow, Beled Xaawo, Boosaaso iyo kuwa kale.

Galmudug Oo U Diyaarsan Soo Dhaweynta Madaxweynaha Dalka.

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

Mudane Xaaf ayaa sheegay in maalinka Isniinta ah uu Madaxweynaha tegi doono Magaalada Cadaado, dhammaan shacabka Galmudugna ay si niyad sami ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Farmaajo.

Wuxuu sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaannada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira dhulka Galmudug ee ay abaaruhu halakeeyeen iyo degaannada horumarinta u baahan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa Todobadii Bishan booqasho ku tegay Magaalada Garoowe iyo degaanno ka tirsan Puntland, isagoo dhawaan ugu sii gudbi doono Galmudug, wuxuuna socdaalkani yahay mid nabadeed oo laysugu soo dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Gaalkacyo oo laga hir-gelinayo Garsoor ciidan oo ka madax banana Maamulada Galmudug iyo Puntland….

0

Wafdi uu hugaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada  aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida  ee Soomaaliyeed  ayaa u joogo  Magaalada Gaalkacyo  dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan  Qeybaha  21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya  ku wareejisay sida uu u sheegay SNV G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu u sheegay SNTV in ay la kulmeen dhammaan qeybaha bulshada oo ay kala hadleen sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa nabad gelyada.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro,  ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la sooafjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada sida uu  u sheegay SNTV G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu  magac daray socdaalka nabadda ku marayo deegaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.

QM oo ugu baaqday Maamulada Somaliland iyo Puntland in ay ka wada hadlaan xasaradaha ka jira Gobalka Sool.

0

Ergeyga ugu sareeya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku baaqay daganaansho iyo wada hadal Somaliland iyo Puntland.

Isagoo joogo magaalada Hargaisa oo xarun u ah Somaliland  ayuu yiri Michael Keating “ waa in la yareeyaa xiisadaha lana kordhiyaa wada hadalka si dhakhso ah, waana in la cadeeya isfaham la’aanta jirto”.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ayuu uga hadlay kulankii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa degnaashaha iyo xasillnooda guud ee mandaqadda.

Horraantii toddobaadkan, waxaa jiray isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka gobolka Sool oo ah meelaha lagu muran san yahay.

Waxayaabaha  la isku soo qaaday waxaa ka mid ah haab dhismeedka iyo shaqooyinka hor yaalla golaha wasiirrada cusub, taas oo u baahan in la iska kaashado sidii loo dhaqaajin lahaa howlaha soo socda.

Ergayga QM ayaa sidoo kale la kulmay wasiirro dhowr ah oo ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland isagoo kala hadlay arrimaha waxbarashada, caafimaadka, amniga, saameynta abaarta iyo shaqada yarida sidii looga gudbi lahaa, iyadoo  Qaramada Midoobay taageero laga helayo.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda dhexe Ee Soomaaliya oo Booqday Xarumaha Hey’adda Ee Boosaaso.

0

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi, ayaa maanta gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, isagoo kormeer howleed ku sameeyey qaar kamid ah xarumaha hay’adda halkaasi ay ku leedahay.

Agaasimaha, ayaa waxuu soo indha indheeyey sida ay u socdaan shaqooyinka xarumihii uu booqday ay Bulshadda Soomaaliyeed u hayaan, waxaana meelihii uu booqday kamid ah:-

-Qeybta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

-Xaafiiska Socdaalka ee Dekadda Caalamiga ah ee Boosaaso.

-Xaafiiska Bixinta Baasaboorada ee degmadda Boosaaso.

-Dugsiga Tababarka ee HSJ ee Boosaaso.

Kormeerkan uu agaasimaha ku sameeyay xarumahan, ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii loo sii dardargalin lahaa howlaha ay Hay’addu ka qabato Magaalada Boosaaso ee Xarunta Barri.

 

Shirka Golaha Wasiiradda XFS oo maanta looga hadlay Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka…

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre,  ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale,  waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah oo ku nool Gobolka Shabeellaha hoose uu la dagaalamay Maleeshiyaad Nabad diidka Alshabaab ka tirsan, kadib markii ay isku dayeen inay ka qaadaan Lacago baad ah, islamarkaana uu iska dhiciyey.

“Golaha waxay warbixino ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka dhageysteen Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga, iyaggoo sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo amniga ku saabsan, lana sii kordhin doono, Wasiirka Amniga waxuu uga mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo xogaha ay siiyaan, sidoo kale waxa uu xusay Shaqsi Lixdan jir ah oo jooga Gobolka Sh/hoose inuu la dagaalay Maleeshiyada Alshabaab, iskana dhiciyey, taasna waxay ku tusineysaa in Shacabka uu u istaagay in amnigooda ay ilaashadaan” ayuu yiri Wasiir Eng Yariisoow

Wasiirka oo sii hadlayey, ayaa sheegay in sidoo kale Golaha wasiiradda ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, isaggoo golaha u sheegay in wasaaradda ay wado dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo Wasaaradda Difaaca iyo howlaheeda.

” Wasiirka Gaashaandhigga waxuu ka hadlay dib u habeyn lagu sameynayo Wasaaradda gaashaandhigga iyo howlaheeda, ha noqoto qorshaha u degsan iyo Xeerka anshaxa Ciidanka Xoogga dalka oo isaguna si wanaagsan u socdo, intaas ka dib wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey” siddaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta safar dhulka ah ku maray magaalooyin kala ah Waaciye, Carmo, Ceel Daahir iyo Boosaaso.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweynaha safarka ku wehlinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala Duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dad aad u fara badan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya,islamarkaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Boosaaso.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lugta soo mariyay deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana magaalada lagu dhex arkayaa Ciidamada amaanka oo feejigan.

Wasaaradda Waxbarada XFS oo tababar lagu baranayey Maamulka, Maareynta iyo Qorsheynta ku qabatay Muqdisho.

0

Tababarkaan, ayaa socday muddo Lix maalin ah, iyaddoo lagu baranayey Maamulka, Maareynta, Qorsheynta tayo dhowrka waxbarshada, kaasi oo la siinayay guddoonada  kormeerayaasha ka howgalo goboladda dalka, waxaana bixinayay Wasaaradda waxbarshada Soomaaliya oo sheegtay in ay qeyb ka tahay howlaha dar dargalinta leh oo ay waddo wasaaradaasi.

Qaar ka mid ah guddoonada qaatay tababarka ayaa wasaaradda waxbarshada dalka ugu mahad celiyay Siminaarka iyo muhiimada uu leeyahay,  waxayna sheegeen in caqabado badan ay ka jiraan gobollada oo ka mid yihin mushaar yari  iyo durruufa kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa  soo xiray tababarka isagoo sheegay in guddoonada looga baahanayahay in aqoontii ay kororsadeen ay u gudbiyaan goobihii ay ka yimaadeen, waxa  kale uu ka  warbixiyay hababka loo soo xulay.

Gabagabadii munaasabadda, ayaa waxaa shahaadooyin la guddoonsiyay guddoonada dhamestay tababarka, waana markii ugu horeysay ay wasaaradda waxbarshada tababar noocaan oo kale u qabato guddoonada waxbrashada ee ka howgalo Maamul goboleedyadda dalka.

Hogaamiyeyaasha Masar iyo Eretereeya oo isla eegay arimaha Gobolka xilli ay sii kordhayso mushkiladda webiga Nile.

0

Mogadishu, (SNTV)—Madaxweynaha Dalka Masar iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Qaahira maalintii isniintii iyagoo ka wadahadlay xiisadda circa iskusii shareeraysa ee udhaxeysa dalalka Suudaan iyo Itoobiya oo kuwajahan muranka soohdinta iyo dhismaha darbiga webiga Nile.

Masar ayaa cabsi ka qabta in haddii dhaqso loo soo afjaro howsha dhismaha darbiga ee dhinaca Itoobiya ay goosan doonto qayb kamid ah webiga Nile halkaasi oo inta badan ay ka yimaadaan biyaha nadiifka ah ee webiga.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa si ba’an isaga soo horjeeday iyagoo dabayaaqadii 1990-naadkii ku dagaalamay muran dhinaca biyo xireenka webiga.

Itoobiya ayaa iska fogeeysay eedeeymo loo soo jeediyay oo ku saabsan in ay damacsan tahay in ay goosato qaybta webiga oo ay leedahay Masar. Waxaana ay ku eedeeysaa Eritrea tababarka jabhadda si ay u fuliyaan weeraro ka dhan ah darbiga.

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi ayaa ku martisooray dhiggiisa madaxweynaha Isaias Afwerki qasriga madaxtooyada.“labada dhinaca ayaa ku heshiiyay iskaashiga ballaaran ee dhammaan arimihii ay ka wada hadleen oo ku aadan xaaladaha taagan kuwaasi oo ay ka mid yihiin taageerada amniga iyo xasiloonida gobolka, ” Bassam Radi oo ah Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Masar ayaa sheegay iyadoo loo eegaayo geeska Afrika iyo marin biyoodka Bab al-Mandab ee mara Badda Casa in ay yihiin labada meelood ee u baahan in xaaladahooda dhinaca amniga la xaqiijiyo.

Waxaa sii xumaanaya cilaaqaadka Masar ay la wadaagto Suudaan, kaasi oo taageero lagu amaahiyay Suudaan iyo muran Itoobiya ee webiga Nile siiyay ayaa haa mid sii xumaanayay.

Suudaan ayaa todobaadkii hore u yeeratay danjiraheeda si ay ugala tashato arimahan, waxaana ay sheegtay in heshiiskii 2016-kii ee xadeeynta biyaha webiga oo dhaxmaray Masar iyo Sucuudiga Carabiya uu ku xad-gudbayo xuquuqda biyaha caalamiga ah “(infringes on its territorial waters)”.

Biyaha ay su’aasha ka taagan tahay ayaa ah kuwa ka baxsan xeebta ee soohdinta gobolka ay dowladda Masar haysato kaasi oo ay sheeganayso dowldada Suudaan.

Warbaahainta ku hadasha afka dowladda Masar ayaa ku eedeeysay Suudaan in ay maleegayso Shirqool ka dhan ah Qaahira.

Itoobiya ayaa sheegtay in xiritaanka biyaha oo ay ku kacayso adduun dhan $5 billion uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha, iyadoo ay ugu badnaan tirade dadka 95-ka milyan gaaraya ay la’yihiin Koronto.

Darbiga biyaha Nile laga dhex dhisayo ayaa waxaa uu dhalin karaa dab gaarsiisan in ka badan 6,400 megawatts oo Koronto ah, kaasi oo ah mid kor loogu qaadaayo koboca hadda la damcsan yahay ee dhinaca awoodda wax soosaarka ballaaran ee korontada kaasi oo dhan 4,000 megawatts.

Dowladda Masar oo leh dad tiradoodu aysan ka yareeyn tirade dadka Itoobiya, ayaa noloshoodu waxa ay ku xiran tahay qaybta ay kuleeyihiin biyaha webiga, waxaana jiray heshiisyo dhexmaray labada wadan sanadihii 1929-kii iyo 1959-kii heshiiskaasi oo aysan wadamada kale ee webigan uu maro ay sheegayaan inuu ahaa mid ka fog cadaaladda islamarkaana layska indho tiraybaahiyaha ay webiga u qabaan qaybaha bulshooyinka soo koraya ee wadamada kale.

Waxaa Tarjumay diyaariyay: Hamdi//M.ednur Mucalim