“warbixin” Salaadda waa Rukniga ama Tiirka-2aad ee Tiirarka Islaamka Shahaadateynka ka gadaal.

Date:

Waxaa Ummadda Nebi Muxamed Csw, lagu waajebiyay xilligii Nebigeenna la dheelmiyay, iyadoo habeenkaas, Shanta Salaadood ee Fadliga ah oo Ilaaheey (Swt) soo faray Rasuulkiisa Muxamed Csw.

Sharuudaha Salaadda ayaa ugu horeyntii waxaa ka mid ah: Weysaqaadka, Niyo, Takbiir, Faataxo, Sajuud iyo Ataxyaad.

Qofkasta oo muslim ahi kuma cusba habka loo tukado iyo sunnooyinka salaadda ka hor iyo ka dambe la tukado.

Ujeeddada qormadaan waxaan uga golleeyahay keliya xusuusin bal in Dadka ku mashquulsan balwadda iyo xaaladda Adduunka ee aan waqtiba u helin tukasho in aan dib u xasuusino Salaaddu inay tahay mid waajib ah ee waqtigeeda lagaa doonayo in aad ogaato waqtigeeda, ogaatana xilligii la yiri hala tukado, taasoo aan marnaba lagaa dhaafeynin ilowsho iyo hurdo ku qaaddo maahee, taasina waad soo khalleyn kartaa markii aad soo xasuusato, ama aad ka toosto jiifka.

Ruuxa haddii uu xanuunsan yahay oo markaasi sara joogu dhib ku yahay, Alle ma dhibin Addoomihiisa ee waxuu ku tukan karaa fadhi, hadduu kari waayana Jiifka isagoo niyeysanaya fartana ku tukan karo.

Salaadda Ruuxa wanaajiya waxs ay ka reebtaa xumaha oo idil, sidoo kale Weysadu waa Caafimaad waxa ay la mid tahay Adigu had iyo jeer Webi ku meyranaya.

Sidoo kale Salaaddu waa xiriirka Alle Swt kala dhaxeeya Addoomadiisa iyo Nashaad Caafimad iyo Ajir badan oo alle kugu Galaday.

Wa billaahi towfiiq.

Qoraa: Ibraahim Abuukar Cali (Fannax)

Xigasho Dalka Journal

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...