Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan oo la afurtay muslimiinta kale ee Suudan ku nool.

Date:

Suudaan(SNTV) Afur wadareedkan ay soo qaban qaabiyeen Golaha Saaxiibtinimad Shacuubta islamarkaana ay ka qayb galayeen Jaaliyadaha ku nool Suudaan oo ay qeyb ka ahayd Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Caasimadda Khartoum ee Dalka Suudaan.

ayaa sidoo akle Afur wadareedkan waxaa goob joog ka ahaa Lataliyaha Madaxweynaha Suudaan, Wasiiro, Safiiraada Caalamka u fadhiya Suudaan Madaxda Jaaliyadaha ku nool Suudaan, Culamo u diin iyo marti sharaf kale.

Afur wadareedkani oo sanad walba la qabta ayaa waxaa sanadkan ka qeyb qaatay in ka badan 51 Jaaliyadood,iyadoona Jaaliyad walba ay goobta ku soo bandhigeysay Cunooyinka  u gaarka ah,Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaasi ku Soo Bandhigeen Cunooyinka Soomaalida lagu qayaano sida Baastada, Biriiska, Hilibka, Canjeerada iyo Sanbuuska.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdi Wali Xasan Xuseen “Fadilatahu” ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan Suudan ay aad ugu qeyb qaateen Afur wadareedkani.

Danka kale Cabdikaafi Ismaaciil Yaasiin oo ka mid ahaa qaban qaajiyaasha Afur wadareedka ay soo bandhigtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa asigane sheegay inay goobta ku soo bandhigeen Cunooyinka Soomaalida loogu danbeeyo.

Bandhiga cunooyinka ee Jaaliyadaha oo laqabto bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa ka duwan kii sanadkii hore,iyadoona  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan ay Sanadkaani si weyn ugu qayb qaadatay Afur wadareedka.

Yuusuf  Maxamed Macalin (Yuusuf Kashmiir)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...