Home Blog Page 1299

S/guud Bashiir Maxamed Jaamac”Madaxda sare ee dalka way iga aqbaleen in Miisaaniyad loo helo caruurta agoonta iyo danyerta”

0

Muqdisho(SNTV) Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo goob joog ka ahaa munaasabad kooban oo walaalaha Turkiga ay dhar ciid ugu qeybinayeen caruurta aqoonta iyo danyerta oo kujiro xarun lagu xanaaneeyo oo ku taala degmada C/casiis ayaa siweyn uga hadlay baahiyaha loo qabo in caruurtaasi Soomaaliyeed ay helaan daryeel dhab ah,iyo nolol intuba.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,mas’uuliyiinta Hey’adda TikA ee Turkiga laga leeyahay iyo mamulka degmadaasi iyo xubno kale,waxaan dhamaan mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ay si wada jir ah u amaaneen dowrka Turkigu uu ka qaadanayo isgarab taaga shacabka Soomaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa balanqaaday in ay ku dadaali doonan sidii caruurtaasi agoonta iyo danyerta ay u heli lahaayeen daryeel dhab ah.

“Caruurtaan aad u jeedaan adinka ayaa nooga horeeyay oo garab istaagay,anagana hadda ayaan dhexda kaga soo dhacnay,waxaan doonaynaa in halkeeda aan ka sii wadno,waxaan idinkaga mahadcelinaynaa siada wanaagsan oo aad u garab isataagan tihiin,hadana waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu taageertaan dadaalkiina hakan,anagana waxaan ku dadaalaynaa in ugu yeraan aan daboolno baahiyohooda aas aasiga ah,maxaayelay waa mustaqbalkii Dalka,ka dowlada ahaan waxaan xooga saaraynaa in caruurtan loo helo miisaaniyad,taasina waxaan kala hadlay madaxda sare ee dalka,wayna iga aqabaleen”Ayuu yiri S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Baker ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay is garab taaga caruurtan Soomaaliyeed,wuxuuna si guud uu u muujiyay sida dowladda Turkigu ay uga go’antahay taageerada shacabka Soomaliyeed.

QM oo ka digtay xaalad nafaqa darro oo kusoo wajahan 1.25 Milyan oo Carruurta Soomaaliyeed ah

0

Geneva-(SNTV)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in Carruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an Sannadkan, sababto la xiriira fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo, Stephane Dujarric , oo Jimcihii Shalay saxaafadda siinayay warbixinta joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ee Sanadkan ayaa sheegay inay jirto halis nafaqa darro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’addu ay ogaatay in kala bar Caruurta ay da’doodu ka yar tahay Shan jir oo ah in ka badan 1,25 Milyan ay wajahayaan Sanadkan xaalad nafaqo darro, waxaana Dadkaasi ka mid ah, 232,000 Carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo u baahan daryeel gaar ah.

Goobihii ay ka dhaceen daadadka ayaa laga baqdin qabaa inay ka dillaacaan cudurrada halista ah sida Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo Daacuunka , kuwaas oo meelaha qaarba laga helay kiisaskooda balse lala tacaalay.

Daadadka ka dhacay Soomaaliya ayaa waxyeeleeyay xarumahii fayadhowrka, 22 xarun oo lagu nafaqaynayay 6,000 oo Carruur barakacayaal ah, iyagoo sababay inay xirmaan goobo badan oo lagu nafaqaynayay dhallaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa barnaamijka lagu gargaarayo Dadka ay waxyeellada kasoo gaadhay fatahaaddu, Waxanay Wasaaradda Caafimaadka geysay Dawo loogu tala galay in wax lagaga qabto Cudurrada ka dillaaca goobaha ay ka dhacaeen fatahaadda iyo daadadka.

In kabadan 60 saraakiil Soomaali ah oo Tababar ugu soo geba-geboobay Dalka Turkiga

Turkey(SNTV)- Dowladda Turkiga ayaa wadankeeda tababar ugu soo geba gebeysay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah dalkaasi Turkiga ku baranayaya casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamadu ay leeyihiin.

Tababarkani oo in muddo ah socday ayaa waxaa loo qabtay in kabadan 60 qof oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo Soomaali ah,waxaana ay tababarada la qaateen askar ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo kuwo kale oo ka kala socoda Afrika iyo Qaaradda Assia.

Gaashanle Maxamed Tahliil Maxamed oo kamid ah saraakiisha tababarka ku soo qaatay Dalkaasi Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay barteen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah,waxaan baranay Fakaltiyo kala duwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanay ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO,Afrika iyo Assia intaba ka socda,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Gaashaanle Tahliil.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada,iyadoo askar badan tababarro ay ku soo qaateen dalkaasi.

Boosaaso oo loo diiwaan geliyay degmadii 2-aad ee ku hartay wareegga 3-aad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 4-aad qeybtiisa 2-aad waxaa ku wada ballansanaa in ay ku tartamaan degmooyinka Boosaaso iyo Hodan oo ka kala tirsan goballada Bari iyo Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxa ay noqotay 2-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3-  su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen 2- su’aal oo soo hareer martay Boosaaso, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Boosaaso ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 3-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe foodda is dari doono degmooyinka Warta Nabadda &  Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada dhexe.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday xarunta isgaarsiinta Jabuuti iyo Dekadda Dooraale.

Jabuuti, June 08, 2018— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan joogay Jabuuti ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dalkaas iyo Dekadda Dooraale.

Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti, Mudane Cabdi Youssouf Sougueh iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaare Khayre geeyay xarunta Isgaarsiinta iyo Dekadda Dooraale waxa uuna Ra’iisul Wasaare Khayre ku bogaadiyay reer Jabuuti iskutashiga ballaaran ee ay sameeyeen, isaga oo ka codsaday in walaalahooda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arrimaha Dekaddaha iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga waxa uuna boosta ka xariiqay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan doonto khibradda dawladda Jabuuti

Wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre ee maalmahaan ku sugnaa Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu kusugnaa Jabuuti waxa uu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo ay ka wada hadleen arima badan oo khuseeyaa labada dal iyo guud ahaan gobalka.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo munaasabad Afurin iyo Ciidsiin ah u sameeyay Dadka Aragga la’

Muqdisho-(SNTV)-Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Munaasabad isugu jirta Afurin iyo Ciidsiin wuxuu u sameeyay maamulka, Howlwadeenada iyo Ardayda Aragga Naafada ka ah ee wax ka barta Dugsiga Albasiir ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad 50-Qof ayaa loo qaybiyay Dharkii ay ku ciidi lahaayeen oo dhamaystirsan iyo Lacag uu ugu talagalay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali markii la afuray kadib.

Ustaad Abiikar Xuseen Bashiir oo ku hadlayay Afka maamulka Dugsiga Albasiir ayaa sheegay in xildhibaanka Shantii sano ee la soo dhaafay uu si wayn u garab taagnaa Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee ku jira dugsiga Albasiir, wuxuuna sheegay xildhibaanka inuu yahay masuulka kaliya ee aanan markasta ka daalin inuu caawiyo Ardayda Aragga La’a, isagoo ku baaqay in Madaxda kale ee dalka ay ku daydaan xildhibaanka.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inay waajib tahay in la caawiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba maadaama imtixaanka ay marayaan loogu talagalay in dadka kale Caafimaadka qaba ay ku waana qaataan.

“Marka aad xiriir la leedahay dadka Baahiyaha gaarka ah qaba waxaad ogaanaysaa imtixaanka Ilaahay iyo Alle Nimcadda uu nasiiyay, waxaan markasta Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaa in laga war qabo dadka Baahiyaha gaarka ah Qaba, si loogu helo waxa ay u baahanyihiin.” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/rximaan Cumar Cismaan Yariisow oo gaba gabadii ka hadlay Munaasabadda ayaa xildhibaan Mustaf ku ammaanay dadaalka badan ee uu ugu jiro marka taageerada dadka Baahiyaha qaba, isagoo dhanka kale balan qaaday in maamulka Gobalka Banaadir uu ka shaqayn doono sidii Ardayda Aragga naafadda ka ah ee Dugsiga Albasiir loo heli lahaa dhul ku filan oo ay wax ku bartaan.

Sustainable solutions to drought in Somalia

0

Somalia suffers from drought on a regular basis. Besides humanitarian aid, Finland is supporting the country to find sustainable solutions to drought.

Farmer Abdi Shakur lifts up a plant that had fallen onto the ground and fixes it in upright position. In the hot and humid greenhouse the branches of the plants are heavy with ripe red tomatoes. At the turn of the year these were the only vegetables grown within miles in the northern parts of Somalia.

Last year Somalia and other countries in East Africa were hit by the hardest drought for decades. The drought continued in the early part of this year until April, when sudden and heavy rainfall caused flooding.

For a few years now the rains have been highly irregular, and in most regions it has rained too little. According to the UN Office for the Coordination of Humanitarian Aid OCHA for Somalia, 5.4 million Somali people still need humanitarian aid after the previous drought. Flooding did not ease the situation as another 175,000 people had to leave their homes.

Last year the rapid reaction by the international community prevented the worst famine. Aid in the form of food coupons, foodstuffs, medicines, water tanks, etc. were delivered to the hardest hit areas. After the droughts in 2011-2012 and 2016, however, more than two million people have had to flee from their homes.

They have sought food and shelter from temporary aid camps kept by aid organisations around the largest cities in Somalia. There is the risk that these temporary camps will turn into permanent ones.

Livestock killed by drought

Most Somali people live from animal husbandry. Last year enough water was supplied as emergency relief for the people, but for the animals there was not enough drinking water.

Many families lost all of their livestock. After the livestock had died, people fell even deeper into poverty and sudden rains no longer bring any relief.

Abdi Shakur’s family used to have almost 200 animals: goats, sheep and camels. What was left was 30 goats and three camels.

“We used to eat three times a day. Now we eat pancakes in the morning and only rice in the evening.”

Shakur is standing by a water reservoir at a temperature of almost 40 degrees.

The reservoir is part of the project of the Solidarity Foundation that wants to find permanent solutions to recurring droughts.

It is impossible to prepare for drought if water brought by sudden rains causes flooding and runs off, instead of being collected and stored.

Now dams are used to collect water into a large reservoir which then conducts the water to greenhouses.

Vegetables bring additional income to a small farmers’ cooperative and a more varied diet to local people. There is an urgent need for other similar measures to prepare for drought in Somalia.

Dams used to collect rainwater

International development cooperation organisations are considering how humanitarian aid and development cooperation could be better linked to each other.

Humanitarian aid brings relief to sudden crises and conflicts, but the countries also need more and better ways to prevent crises from recurring and escalating into large-scale humanitarian catastrophes.

Somalia is located in semi-desert area where it has always rained very little. Climate change and the El Niño weather phenomenon have reduced the precipitation even further, which means that the country will suffer from even more severe droughts in future.

According to Sharmarke Hussein, Project Coordinator at the Solidarity Foundation, there are three ways how drought could be significantly reduced

“More water dams are needed. When the rain comes efficient means to collect the water are needed. Now it just runs off. Drilled wells are also needed to make better use of groundwater.”

The third means is to have more vegetation in Somalia. When people have no other means to earn a living they cut trees to make wood coal for sale. The loss of woods has made droughts even worse.

“The Government planted 10,000 trees in 2016 and 2017. I hope we will see a gradual increase in the vegetation.”

QM oo Lix ka mid ah Tahriibiyeyaasha Liibiya cuna qabatayn kusoo rogtay

New York-(SNTV)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Lix xubnood oo ka mid ah horjoogayaasha gabbood fallada u geysta Dadka tahriibayaasha ku go’doonsan Liibiya.

Cunaqabtaynta oo isugu jirta in safarrada caalamka laga xayiro iyo in Lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Dowladda Netherlands, taas oo caalamkuna ku taageeray.

Qorshahan ayaa markii hore la soo bandhigay 1-diii May ee Sanadkan, balse Ruushka ayaa is hortaag ku sameeyay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas Nin.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa daabacday halka ay kasoo kala jeedaan Malleeshiyaadkan wax tahriibiya ee Magafayaasha loo yaqaan, waxaana Afar ka mid ah lagu tilmaamay inay yihiin Liibiyaan, halka Labada kalana ay kasoo jeedaan Dalka Eretrea,

Raggan ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Ermias Ghermay iyo Fitiwi Abdelrazak oo Eretrean ah, hoggaamiyaha malleeshiyada oo ah Ahmad Oumar al-Dabbashi, kana soo jeeda Liibiya, Musab Abu-Qarin,oo hojooge koox ah qaybna ka ah Ciidanka ilaalada Xeebaha Samraata,Mohammed Kachlaf,oo ah madaxa guutada jabhadda Shuhada al Nasr Qaybteeda Degaanka Zawiya iyo  Abd al Rahman al-Milad,oo ah Madaxa ilaalada Xeebaha Liibiya u qaabbilsan degaanka Zawiya.

In badan oo ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah Dadka loogu hayo, iyaga oo halkaasi kala kulma jirdil, kufsi, dil iyo ciqaabo daran oo ay kula kacaan Malleeshiyaadka wax Tahriibiya.

Cunaqabatayntan ayaa timid markii uu Taleefishinka CNN sii daayay dabayaaqadii 2017-kii warbixin murugo leh oo muujinaysa sida Dadka muhaajiriinta Afrikaanka ah loo ciqaabo, looguna kala iibsado xabsiyada ay Gacanta ku hayaan Tahriibiyeyaasha.

Wiil Soomaaliyeed oo ku guuleystay tartanka Qur’aan aqriska Dunida Islaamka oo lagu soo dhoweeyay Maraykanka

0

USA-(SNTV)-Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalooyinka mataanaha Minneapolis st paul International Airport lagu soo dhaweeyey Axmed Burhaan Maxamed oo ah wiil Soomaali Amerikaan ah isla markaasna in ka badan Boqol Dal oo caalamka kaga guulaystay tartan Qur’aanka kariimka, kaas  sannadkasta lagu qabto Dalka isutagga Imaadaraadka carabta.isagoo matalayay Dallka Mareykanka.

Waxaa Gegida Diyaaradaha ee Minneapolis kusoo dhaweeyay Boqolaal ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed  ee Maraykanka,masuuliyiin ka socotay hay’adda Care Minnesota oo u doodda Dadka Muslimiinta ah,Maamulka iyo macallimiinta Masjidka Abubaraku Saddiiq.

Iimaamka Masjidka Abubarku sadiiq , Abdirizak Xaashi, ayaa aad u ammaanay Axmed dedaalkiisa iyo kaalinta uu ka galay tartanka Qura’aan aqriska Dunida Islaamka, wuxuuna faray waaliddiinta inay ubadkooda ku dedaalaan.

Burhaan Maxame oo ah Axmed Aabbihii ayaa ku boorriyay Waaliddiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka inay Diinta Islaamka baraan Ubadkooda, si hadhoow ay u soo baxdo Bulsho ilaashata Diintooda, iskana saaraan fekerka ah inaan Maraykanka iyo Galbeedka Diin lagu baran karin.

Qaar ka mid ah Aabayaasha Soomaaliyeed ayaa aaaminsan in aan Dalka Mareykanka lagu baran karin Qur’aanka,Iyadoo dalalka islaamka loo qaado ilamaha ku dhashay dalka mareykanka,balse Aabe burhaan oo dhallay Ahmed ayaa aaminsan in meel kasta lagu baran karo Qur’aanka kariimka.

Duqa Muqdisho oo joojiyey hawlaha Dhul-simidda iyo Kaawo qodista ee Kawaan Bari

0

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawllaha dhul-simidda iyo kaawo qodista ee ka socda agagaarka Kawaan Bari bacdamaa ay keeneysa Khatarro hor leh.

Eng Yarisow oo digreetada dhulkan lagu joojiyey soo saaray ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu dhiso dhulalka danta guud iyo kuwa dadweynaha.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo hubinta sax ahaanshaha sharciga iyo in wax walba loo maro habraac saxda ah kaasoo dhabaha u xaaraya in qof walba uu ku helo caddaalad waxa uu xaqa u leeyahay, waana taas midda aan rabno in lagu hago wax walba oo Dawladda Hoose ka soo baxaya.” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo intaas ku daray in arrintani looga golleeyahay hubinta dhulalka la dhisanayo ee aan marin habraacii loo baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u digay ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku howllan burburinta dhagaxaanta celiya Biyaha Badda oo ka dhalan karaan khataro, maadaama la burburiyey dhagaxyadii iyo ciiddii celinaysay biyaha Badda oo keeni karta in mustaqbalka fog iyo midka dhow ay baddu ku fatahdo magaalada.

Duqa Caasimadda ayaa horey u joojiyay dhismayaal danta guud ah, isla markaana shaqsiyaadkii lagu tuhunsanaa u gudbiyey hay’adaha sharciga.