Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Ammaanay Shacabka Garasbaaleey iskutashiga iyo Horumarka deegaanka ka socda

Date:

Muqdisho 06 June 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), Guddoomiye Ku-Xigeennadda Amniga iyo Siyaasadda, Howlaha Guud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afur wadareed la qaatay shacabka deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka deegaanka Garasbaaleey afurka ay u sameeyeen, waxuna boggaadiyey horrumarada kala duwan ee deegaanku sameeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Isagoo la hadlayay shacabka deegaanka ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in maamulkiisu uu u taagan yahay horumarinta iyo isku-xirka bulshada Caasimadda, isla markaana dadka Caasimadda loogu geynayo deegaanadooda adeegyada bulshada ee maamulku bixiyo.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa afurka aad noo sameyseen oo ina tusay sida aad u jeceshihiin maamulkiina, anaguna waxaan diyaar u nahay gacan qabashadiina iyo sidii aad u heli lahaydeen xuquuq lamid ah kuwa degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay barnaamijka Dimuqoraadiyeynta Caasimadda, waxuu sheegay in maadaama uu qorshuhu yahay sanadka 2020 guud ahaan dalka ay ka dhacaan Doorashooyin qof iyo cod ah loo diyaar garoobo sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen.

Ugu danbeyn, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ammaanay isku xirka shacabka, odayaasha iyo qeybaha bulshada deegaanka Garasbaaleey. Isagoo ka codsaday in la bixiyo canshuuraha si horumarka deegaanku u noqdo mid taabagalla lana tartama degmooyinka Caasimadda.

Sidoo kale, waxaa goobta hadallo ka jeediyey Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo qaar kamid ah Mamulka deegaanka iyo Odayaasha Dhaqanka oo dhammaantood qiray in deegaanka Garasbaaleey uu sameeyey horumarro bulsho oo taabagal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...