Yaaqshiid oo noqotay degmadii ugu horreysay ee ku hartay wareegga 3-aad.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Habeenkan caawa ah waxaa wada ballansanaa oo lugta hore ee wareegga 3-aad lagu wada furay degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2- su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqotay 8- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7– su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,   wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay  6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka Yaaqsiid ay noqotay degmadii ugu horreysay ee ku harta wareegga 3-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe ku wada ballan degmooyinka kala ah  Hodan  & Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....