Dowladda Itoobiya ayaa Shalay si rasmi ah u qaadday xukunkii deg-degga ahaa ee Dalkaasi lagu soo rogay horraantii Sanadkan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa sidoo kale ansixiyay go’aankii Golaha Wasiirrada ay dhawaan soo saareen, iyagoo ka duulaya baaqii uu Bishii April soo jeediyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed Cali, ee ahaa inay soo laabteen amnigii iyo kala dambayntii Dalka, lana qaado xaaladda deg-degga ah.
Afar Cisho ka hor ayay Golaha Wasiirrada Dalka Itoobiya isku raaceen in la qaado xaaladda deg-degga ah ee uu Ra’iisul wasaarihii hore Hailemariam Desalegn, kusoo rogay 15-kii February ee Sanadkan, ka dib Hal Sana oo uu Dalkaasi galay qalaanqal