Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in ay iska kaashadaan xoojinta Amniga

Date:

Jabuuti(SNTV):— Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed.

Kulanka ay yeesheen labada Ra’iisul wasaare waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...