|
Muqdisho, August 11, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweynaha dalku Dekareeto ku magacaabay July 12, 2018, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siinaya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha dhaqaalaha qaranka kula dardaarmay in ay si qoto dheer uga fekeraan una dejiyaan siyaasado iyo istiratiijiyado looga faa’iidaysan karo khayraadka ballaaran ee Alle ku manneystay Soomaaliya. “Waxa aan ku faraxsanahay in daah-furkaan golaha dhaqaalaha qaranka uu ku soo beegmay xilli aan guulo fara badan kasoo hoynay dhanka maamul wanaagga maaliyadda qaranka oo wadanku rajo wayn ka qabo in uu soo buuxiyo dhammaan shuruudihii lagaga saamixi lahaa daymaha. Waxan kalsooni weyn ku qabaa in golahaan uu kusoo biirin doono geedi socodkaas fir-fircooni si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo in ay Soomaaliya soo ceshato kaalintii ganacsi ee ay ku laheyd dunida” ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre. “In kasta oo ay tahay dhammaan mas’uuliyad na wada saaran hadana golaha dhaqaalaha qaranka ee aan maanta daah-fureyno ayaa hormuud ka noqon doona sare u qaadista dakhliga soo gala qof walba oo Soomaali ah loona abuuro shaqooyin cusub si xal waara loogu helo dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu haysato. Sare u qaadista celceliska dakhliga soo gala qofkiiba waxa lagu gaari karaa in la kordhiyo saacadaha shaqada, la tayeeyo shaqaalaha ayada oo la tabo-barayo lana siinayo agabka u saamaxaya in ay gutaan waajibaadkooda si loo helo cudud shaqaale sare u qaadi kara dakhliga lehna xirfadihii iyo aqoontii loo baahna”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in maal-gelin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kuwa isku xira dhul-beereedka iyo caasimadda, ayna dhimayso qiimaha dalagga, sarana u qaadeyso wax soo saarka dalka, sidaa darteed dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay xoraynta deegaannada wax soo saarka beeraha iyo xoolaha caanka ku ahaa si loogu soo xiro dhaqaalaha rasmiga ah ee Soomaaliya. “Golaha dhaqaalaha qaranka waa in uu dhaxda u xirtaa sidii loo xaqiijin lahaa in wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ay gaaran heer lagu faani karo. dhaqaalaha Soomaaliya waxaa laf-dhabar u ahaa welina u ah wax soo saarka beeraha iyo xoolaha. Wax soo saarka beeraha iyo xoolaha ma gaarsiisna heerkii loo baahna waayo wali waxaa liita dhoofinta wax soo saarka beeraha”. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay, “Waxaa kaalin muhiim ah kaga jiro dhaqaalaha Soomaaliya soo saaridda kheyraadka badda ee loo yaqaan ‘Blue Economy’. Waa muhiim ah in Soomaaliya ay safka hore ka gasho waddamada sida sare uga faa’iidaysto badahooda maadama aanu nahay waddan leh xeeb aad u dheer, badda Cas iyo badweynta Hindiyana aanu xuduud dheer la wadaagno, khayraadka badda Soomaaliya waxaa lagu tilmaama dhab ahaanna yahay mid ka mid ah kuwa ugu tayo iyo tiro badan aduunka. Ka faa’iidaysiga khayraadka badda waa in la siiyo ahmiyad gooni ah si looga faa’iideeyo dadka Soomaaliyeed ee tabalaysan”. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa sheegay in Soomaaliya lagu sifeeyay gaajo, qarax, afduub iyo burcad-badeednimo ayna uuhiim tahay in waqti iyo kheyraad badan la geliyo si magaca Soomaaliya looga dhigi lahaa mid muujinaya dhaqaala soo koraya, nabad ah, xasilloon, iyo dal loo dalxiis tago, waxa uuna ku baaqay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan hey’adaha dowliga ah ee ku howlan horumarinta dhaqaalaha. “Si sare loo qaado dakhliga celcelika soo gala qof walba oo Soomaali ah, si loo kobciyo wax soo saarka beeraha iyo xoolaha, si looga faa’iideyso kheyraadka badda, shidaalka iyo macdanta kale, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale, dhallintana loogu abuuro shaqo, Waa in aan garab siinnaa hey’adaha dowliga ah ee ku howlan horumarinta dhaqaalaha. Waxan kalsooni buuxda ku qabaa in ay Soomaalia soo kabaneyso, adinkana aad arrimahan culus ee idin horyaallo aad ka soo dhalaali doontaan”. Golaha dhaqaalaha qaranka oo uu hogaaminayo madaxweynha dalka, Ra’iisul Wasaaruhuna uu bedel u yahay Madaxweynaha, waxaa xubna ka ha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, gudoomiyaha bangiga dhexe, shan xubnood oo madax bannaan kuwaas oo leh khibrado iyo xirfado dhaqaale, Maamul Maaliyadeed, Dowladeed, daah-furnaanta iyo hufnaanta ama aqoon kale oo la xiriirta leh waxaana sidoo kale la shaqeynaya afar dhaqaale yahan oo aan Soomaali aheyn. |
Ra’iisul Wasaara Khayre oo daah-furay Golaha Dhaqaalaha Qaranka
Laba ruux oo loo xiray waxyaabaha maanka dooriya
Gaalkacyo (SNTV) Ciidanka Booliiska Gobalka Mudug ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay 2-ruux oo qeyb ka ah shabakad ka shaqeysa sameeynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya. taasi oo ay sheegeen saraakiisha ciidanka in isticmaalka maandooriyeyaashu ay sabab u noqdaan amaan darada mararka qaar ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobalka Mudug G/dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay iney qeyb weyn ka ahaayeen falalka amni dari ee magaalada, maadaama ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.
Gaashaanle sare Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu soo qabto istimaalka sameynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, maadaama maandooriyaha loo arko in uu qeyb ka yahay waxyaabaha fududeeya fulinta falalka ammaaan darada ah.
Horjoogeyaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose
Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo howlgallo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka sameeyey deegaano hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabellada Hoose ayaa waxey ku dileen horjoogayaal Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Sirdoonka.
Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo lahadlay Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Horjogayaasha la dilay ay magacyadooda ay kala ahaayeen horjooge Macalin Xuseen oo Nabadiidka Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, una qaabilsanaa Amniyaadka isagoo Horjooge u ahaa koox dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho iyo gobolka shabellaha hoose.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan lagu khaarajiyey Farxaan daahir xiirane oo isna Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka, waxaana ay tilmaameen Horjooge Xiirane uu dhowr jeer oo hore dalka Siiriya kaga soo qeyb qaatay dagaalo.
Jubbaland oo dayactireysa Buundooyinkii ku burburay fatahaaddii Webiga Jubba
Kismaayo-(SNTV)-Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland , Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa Maanta kormeer ku tagey Buundada Baar-Sanguuni oo uu dayactir ku samaynayo maamulka Jubbaland.
Buundadan oo bur-bur xooggan uu kasoo gaaray fatahaaddii Webiga Jubba uu dhawaan sameyay ayaa Bulshada Gobolka Jubbada hoose u ah muhiim iyo marin aan laga maarmi karin.
Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay Buundadu ka mid tahay marinnada isku xira degaannada Gobolka iyo kuwa ka baxsan, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso.

Wafdi uu hoggaaminayo Abshir Bukhaari oo gaaray Cadaado
Cadaado-(SNTV)-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigenka 1-aad ee golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamanka Galmudug.
Guddoomiyha oo ay safarka ku wehliyaan qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 10-aad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Cadaado ku soo dhoweeyay Xildhibaanno, Wasiirro iyo qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Cadaado.
Guddoomiyaha Degmada Cadaado, C/raxmaan C/laahi Tootoole, oo ka hadlay soo dhoweynta wafdiga ayaa sheegay inay si weyn ula dhacsan yihiin masuuliyiinta halkaasi gaaray iyo howlaha horumarineed ee u tageen Cadaado.
Ujeeddada safarka Guddoomiyaha ayaa ah inuu Xarigga ka jaro Maktabad dhawaan laga hirgeliyay Magaalada Cadaado, taasoo ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda, Aqoon yahannada iyo Bulshada halkaasi ku dhaqan.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya kana soo jeeda Galmudug , ayaa mashaariic ka hirgeliyay degaannadaas.
Rag lagu doonayo 10 Milyan oo Doollar
USA-(SNTV)- Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa 10 Milyan oo Doollar u ballan qaadday ciddii keenta xog lagu soo qaban karo, Abdullah Ahmed Abdullah iyo Sayf al-Adl, oo lala xiriirinayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii 7-dii Augost 1998-dii ka dhacay Safaaradaha Maraykanka ee Daaru salaam, Tanzania iyo Nairobi, Kenya.
Raggan oo kasoo jeeda Dalka Masar ayaa Sanaddii 2000 la dul dhigay Madaxooda 5 Milyan oo Doollar, iyadoo ay hadda Laba jibbaartay Dowladda Maraykanka qiimihii lagu raadinayay xogtooda.
Labadan Nin oo 50 Jirro ah ayay FBI-da Maraykanku ku eedeeysay in ay Gacan ka geysteen qorsheynta iyo fulinta weerarradii 20 Sana ka hor ka dhacay Tanzania iyo Kenya ee lagu dilay 224-ka Qof, Dadkaas oo 12 ka mid ihi ay ahaayeen Maraykan
Sayf al-Adl, oo Kornayl hore oo ka tirsanaa Ciidamada difaaca ee Dalka Masar, isla markaana Khibrad u leh walxaha qarxa ayaa haatan ka tirsan Guddiga Milliteriga ee Ururka Al-Qaadidda, halka Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi, isna lagu eedeeyay inuu tababarro kusoo qaatay gudaha Dalka Afgaanistaan Sanado ka hor.
Isha/ Agencies
Shir looga hadlayo xaaladda Dhulka Soomaalida Itoobiya oo la filayo inuu ka dhaco Addisababa
Addis ababa-(SNTV)-Madax sare oo ka tirsan Gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa la filayaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Addis Ababa Maanta oo Jimac ah, si looga xaajoodo xaaladda adag ee ka jirta halkaas, sida laga soo xigtay Wargayska Addis Standard News ee kasoo baxa Addis Ababa.
Warka ayaa intaa ku daraya in xubno ka tirsan Baarlamaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya iyo xubno ka socda Golaha fulinta Xisbiga talada haya (Xisbiga Dimoqraaddiga Soomaalida Itoobiya, (ESPDP) ay ka mid yihiin wafdiga la filayo inay shirka ka qayb galaan.
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga ESPDP oo ahaa Madaxwaynihii hore ee Gobolka, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa weli ku jira xabsiga dhexe ee Addis ababa, tan iyo markii ay Ciidamada Federaalka Itoobiya qabteen Talaadadii Todobaadkan, isagoo talada hayay tan iyo iyo 2005-tii.
Lama oga Ajendaha dhabta ah ee shirka loogaga hadli doona, balse waxaa lagu wadaa in arrimaha ugu weyn ee Miiska saaran ay noqon doonaan Awoodda xad dhaafka ee ay adeegsadeen Ciidamada Federaalka, rabshadihii dhacay iyo xarigga Cabdi Maxamuud.
Madaxweynihii hore ee Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inuu geystay gabbood fallo ka dhan ah Aadanaha, xabsi dheer, dilal iyo jirdil, waxaa sidoo kale loo haystaa adeegsiga Ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo Dad ku laayay Gobolka Oromada.
Ururrada u ololeeya xuquuqul Insaanka iyo Dadka adeegsada baraha Bulshada ayaa sare u qaaday kiisaska lagu soo eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya, taasoo keentay inuu is casilo xilkana ku wareejiyo Wasiirkiisii hore ee Maaliyadda.
Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda
Muqdisho-(SNTV)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Shacabka Caasimadda ayaa olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda, iyadoo ololahan uu qeyb ka yahay Barnaamijka Is-xilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ololahan ayaa ah mid joogta ah oo isbuuc walba ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Maamulka heer Gobol iyo heer Degmada, ganacsatada iyo shacabka. Waxana lagu nadiifiyey jidad muhiim ah oo ku yaalla halbowlaha magaalada.
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa boggaadiyey barnaamijka Is-Xilqaam ee dalka lagu dhisayo.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in nadaafaddu ay ka bilaabato guriga iyo deegaanka uu qof walba ku nool yahay, maamulkiisuna uu mudnaanta siinayo ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay u istaagaan horumarinta dalkooda.
“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqayaa in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow.

Maamulka Gobolka Banaadir oo olole nadaafadeed ka sameeyey Degmooyinka Caasimadda
Duqa Muqdisho oo Amin Ambalaas u ballan qaaday garab istaag
Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kala hadlay sidii loo joogteyn lahaa adeegyada caafimaad ee hay’addan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarka deg-degga ah ee hay’addan uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay badbaadinta muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhaawacmay falalkii arxan darrada ah ee kooxda argagixisada Alshabaab ay ka geysatay Gobolka Banaadir.
“Shaqadii iyo dadaalkii aad soo waddeen muddada 12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, waxa ay ahayd mid muhiim ah oo ay idiin ogsoonyihiin shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynaynaa in aad dadaalkiinna sii waddaan una dhabar adeygtaan duruufaha idin soo food saari kara.”
Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta Aamin Ambalaas, isagoo ku baaqay in taageero badan la siiyo Aamin oo ah adeegga Ambalaas kaliya oo bilaashka ah ee ka jira Caasimadda shaqeeyana afar iyo labaatanka saacadood maalin kasta.
Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen baaqii ay dhaween soo saartay hay’addu.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo midka Hay’adda Aamin Ambalaas ayaa isla qaatay in la sii wado shaqada ay hayaan gaadiidka deg-degga ah ee Aamin, iyadoo qorshe laga yeelanayo xal u helista caqabadaha ka haysta dhanka dayactirka iyo xereynta gaadiidka, xafiisyada shaqada iyo tayeynta shaqaalaha.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka
Muqdisho (SNTV), Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan wadatashi ah la qaatay Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS, ayaa waxaa kulankaasi looga hadlay shantii cutub ee dastuurka ee dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga madaxa banaan iyo la socodka dastuurka, iyaddoo guddiga ay wasaarada kala hadleen waxa ka quseeya shantaasi cutub sida Maqaamka caasimada, Jinsiyada, Federaalka ,qaabka ay u dhismeen Dowlad goboleedyadda, doorashooyinka iyo awood qeybsiga.
Kulanka oo saacado qaatay ka dib waxaa warbaahinta la hadlay ugu horayn Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu sheegay in howlaha wasaaradda ay waxbixn ka siiyeen guddiga iyo waxyaabaha ka quseeya Shanta cutub ee dastuurka, kaasi oo dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga dib u eegista dastuurka.
Sanatar Cabdi xasan cawaale qaybdiid guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in labada dhinac ay ka wada shaqaynayeen hal shaqo, balse loo baahan yahay in guddiga ay hay’adaha dowlada ee ay quseyso dastuurka la shaqeeyaan.
“Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka , wasiiru dowlaha , wasiir ku xigeenka iyo howl wadeenada la socday, labada dhinac ee guddiga iyo wasaarada hal shaqo ayaan wada heynay hay’adaha kale ee dowladana waxaan ka codsanaynaa in ay nala shaqeeyaan” ayuu yiri Sanatar Cabdi Qeybdiid.
Muddooyinkii ugu danbeeyay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay kulamo la qaadanayeen hay,adaha dowlada iyo qaybaha kala gedisan ee bulshadda.

