Al-shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka

Date:

Afar sanno ayaa laga joogaa geeridii horjoogihii Al-shabaab Axmed Cabdi Aw-godane, waxaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose  1-dii September sannadkii 2014-kii kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ay Gantaal la dhaceen deegaankaas.

Shan maalin kaddib kooxda AL-shabaab ayaa qiratay dilka hoggaamiyahoodii,  iyagoo shaaca ka qaaday in hoggaanka kooxda lagu magacabay Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Muddo kooban gudaheed waxaa soo ifbaxay habacsannaan baahsan oo dhinaca hoggaanka ah, taas oo ka dhex abuurtay Al-shabaab khilaaf adag, markii dambena  seddex saf u kala qeybiyey kooxda.

Khilaafka kooxdu waxaa dhinac socday dagaal ka imaanayey ciidammada dowladda, AMISOM iyo saaxiibbada Soomaaliya dhinaca Amniga ka caawisa, Gacanta Al-shabaab waxaa ka  baxay Dhul ama deegaanno ay horey u joogeen, aad buu u kooban yahay hadda meelaha uu  ka jiro xukunka kooxda, laakiin dhibaatada ay ummadda ku hayaan ayaa baahsan.

Ma jiro Dhaqaale toos ah oo kooxda ay ku socodsiiso gabood-falladeeda, laakiin waxa ay baadaan dadyowga Soomaaliyeed oo nooc walba isugu jira,  dhaca Al-shabaab ay geystaan waxa uu gaaray in ay baad ka qataan dadka ugu liida sida Qoysaska aan waxba heysan laakiin ku nool meelaha ay sidii kalluunkii gabbaadka ka dhigtaan.

Arrimahani waxa ay ka dhasheen hoggaan xumimada Abuu Cubeyda oo la rumeysan yahay in uu aad ul il daran yahay Cudurka Kansarka,  mar sii horreysayna looga shakiyey in kooxdu ay khaarajisay Horjoogaheedii.

Burburka hoggaanka iyo habaca taagan waxaa muujiyey kaddib markii ay kooxda isaga baxeen rag badan oo saameyn ku lahaa, halka kuwa kalena ay dowladda Soomaaliya isku soo dhiibeen.

Axmed Diiriye  horjoogaha Al-shabaab waxa ay taariikhda madoow ku xuseysaa xasuuqii mar qura ay 500 oo qof oo Birimageyda ah ku dileen Al-shabaab weerar Qarax ah 14-kii October sannadkii 2017-kii xili galab ah Isgoyskii SOOBE, waa asalka nacaybka ay u qabaan shabiga Soomaaliyeed dhacdadaas oo xanuun weli ku heysa qof walba oo Soomaali ah marka iyaga laga reebo.

Xasuuqii 14-kii October waa midkii ugu weynaa ee abid qaaradda Africa 500 oo qof lagu dilo hal daqiiqo.

Laakiin waxaa ka sii daran sunnooyinkii uu Axmed Godane uga tegay kooxda oo ah in ay sii wadaan burburinta goobaha macbadyada ah, sida masaajidda iyo Malacamadaha Qur’aanka.

Al-shabaab oo Godane  dilkiisa xuseysa ayaa weerar ku qaaday Masaajid iyo Dusgi Qur’aankii 1-dii bishaan September oo ah markii la dilay Axmed Cabdi Aw Godane.

Al-shabaab iyaga ayaa duulaan ku ah Shacbiga Soomaaliyeed, iyaga ayaa ka aargoosanaya dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa diiddan Soomaalinimada, iyaga ayaana  ku dambeyn doona dilka iyo baa’ba ay ku dabar jarayaan hadda ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Kuma filna oo keliyah in aan afka sii wadno sheegista dhibaatada Al-shabaab oo waxa ay ku soo maqan yihiin waa baadinnta dhiiggaaga haddii aad Soomaali tahay, laakiin waxa kuu furan in aad adiga dabar go’ooda ka qeyb-qaadato, sida dad badan ay haddaba yeeleen, taas oo ku badbaadisa.

W/D Feysal Muuse

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...